Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf awood u lahayn in uu xilka ka qaado

Cabirka Farta

Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya
Axad, December 14, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Baydhabo ku qabtay Shir jaraa’id oo uu uga jawaabayay xil-ka-qaadis uu saaka ku sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu sheegay in uusan Madaxweynaha awood u lahayn in uu xilka ka qaado.

“Runtii waan ka xumahay in uu madaxweynaha yiraahdo xilka ayaan ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha, waayo sharci uma lahan in uu xil-ka-qaadis igu sameeyo, tallaabada uu qaadayna waa mid uu kula tumayo Sharciga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in wixii tallaabo ah ee arrintaas laga qaadayo ay u taallo Baarlamaanka Soomaaliya.
 
Ra’iisal Wasaaraha oo wax laga weydiiyay waxa uu ka leeyahay in uu madaxweynaha ku eedeeyay wax qabad la’aan waxaa uu yiri “Madaxweynaha isaga ayaanba ogoleyn in wax la qabto, ilaa iyo markii aan Xukuumadda soo dhisay wuxuu wax qabadka xukuumadda ku ahaa caqabad”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Madaxweynaha uu ka duulayo sida uu u yiri Guddoomiye Gobol oo xil-ka-qaadis lagu sameeyay.

Madaxweynaha ayuu ku eedeeyay in uu ka soo horjeedo dib u heshiisiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in tan  iyo markii uu dadaallada dib u heshiisiinta ah bilaabay uu madaxweynaha qaadayay tallaabooyin uu ku wiiqayo dadaalladaas, wuxuuse sheegay in Xukuumaddiisa sii shaqeyn doonto, ayna sii wadi doonto dib u heshiisiinta.

“Madaxweynaha waxaa uu doonayaa in aysan nabad iyo kala dambeyn ka dhalan Soomaaliya, ayna dib ugu noqoto nidaamkii fowdada iyo dagallada sokeeye ahaa, taasina ma ahan mid qabata dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer dhibaato ku soo jiray”ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in aan weli la gaarin waqtigii ay Xukuumaddiisa qabsatay in ay wax ku qabaneyso, kaasi oo uu sheegay in uu ku egyahay 10-ka bisha Janaayo 2009.

Ugu dambeyntiina, Beesha Caalamka ayuu ka codsaday in ay taageeraan heshiiskii Jibouti, isla markaana ay dadaal dheeraad ah geliyaan sidii uu heshiiskaas u meel-mari lahaa, bacdamaa  buu yiri uu yahay mid xal loogu raadinayo mushkiladda Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia