Khamiis, August 07, 2008(HOL): Weerar madaafiic loo adeegsday ayaa maanta waxaa lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.
In ka badan shan madfac ayaa la sheegay in ay ku dhaceen Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, lamana soo sheegin ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo ay madaafiicdaas geysteen.
Markii labadaas goobood madaafiicda lagu weeraray ayaa waxaa istaagay dhaqdhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo kadibna uu gudaha magaalada ka bilowday dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay sameynayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa wuxuu yahay midkii labaad, waxayna ahayd todobaadyo ka hor markii weerarro madaafiic loo adeegsaday lagu qaaday labadaas goobood, iyadoo markaasina ay waxyeello soo gaartay Ciidamo ku sugnaa Xarunta Madaxtooyada Baydhabo.
Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay in ay weerarkan ka dambeysay, waxaase loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan Kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, waxaa magaalada Baydhabo ka amba baxay qeyb ka mid ah Ciidamo dhawaan lagu soo tababaray Itoobiya, kuwaasi oo u jiheystay dhinaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, iyadoo haatanna la soo sheegayo in ay Ciidamadaas gaareen qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada u amba baxay dhinaca Magaalada Muqdisho oo Boolis ah ayaa dhawaan waxaa in ay ammaankooda sugaan ansaxday Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo, balse waxaa go’aankaas baarlamaanka ka hor-yimid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in Ciidamadaas laga sugayo Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya, isagoo weliba xusay in Ciidamadaas loo qeybin doono Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia