Khamiis, August 07, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo ka hadlayay kulan uu Baarlamaanka Soomaaliya isugu yimid shalay ayaa wuxuu sheegay in cid kasta oo ka dambeysay qaraxii ay ku waxyeeloobeen Haween badan oo Nadaafadda ka shaqeynayay ay ahayd cid aan damiir lahayn.
“Cid kasta oo ka dambeysay Qaraxii ay waxyeellada ka soo gaaray Haweenkii Nadaafadda ka shaqeynayay waxay ahayd cid aan damiir lahayn”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in haweenkaas ay ahaayeen kuwo aan waxba galabsan oo nolol maalmeedkooda ka raadsanayay nadiifinta Waddooyinka Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu tacsi u diray Qoysaskii ay ka geeriyoodeen Haween Qaraxaas ku dhintay, isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay Caafimaad.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa wuxuu noqonayaa mas’uulkii labaad oo ka tirsan Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadla Qaraxii lala beegsaday Haween ka shaqeynayay Nadiifinta Waddooyinka Muqdisho, waxaana horay uga hadlay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isna cambaareeyay ciddii ka dambeysay qaraxaas.
Dhawaan ayay ahayd markii Haween ku howlanaa nadiifinta Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho lagu qarxiyay Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago, waxaana halkaas ku dhintay in ka badan 15 Haween ah, halka ku dhawaad 40 Haween ah oo qaraxaas ku dhaawacmay haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia