Arbaco, 06 August 2008 (HOL)- Markab u rarnaa Ganacsato Somaliland ah oo u soo jeeday Dekedda Magaalada Berbera ayaa ku degay Biyaha Gacanka Cadmeed, iyadoo markabkaasna uu siday alaab isugu jiray Bagaash iyo hanti kale oo qiimahooda lagu sheegay inay gaadhayaan 10-15-Milyan oo Doollar.
Markabkan oo lagu magacaabo Dubai Cost, oo badi laga soo badbaadiyay Shaqaalihii saarnaa, ayaa la sheegay in ilaa hadda la la'yahay laba ka mid ah Shaqaalihii saarnaa. Markabkan oo uu lahaa Muwaadin lagu magacaabo Cabdijibbaar Dubbad Maxamed ayaa xaqiijiyay in Markabkan degay uu caymis ku jiray, balse aan si rasmi ah loo ogayn cidda bixinaysa khasaaraha soo waajahay dadka hantida lahaa.
Markabkan oo u hantida u badan u siday Magaalada Hargeysa ee Somaliland, ayaa la saadaalinayaa in uu hantaaqo ku keeni doono ganacsiga Suuqyada Hargeysa oo laga sugayay alaabta uu siday oo ay ka mid ahaayeen Qalabka Dhismahu.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland