Samafalayaal Talyaani ah oo muddo af-duub loogu heysay Soomaaliya oo la sii daayay kadib lacag madax-furasho ah oo laga bixiyay

Cabirka Farta

Arbaco, August 06, 2008(HOL): Labo samafale oo u dhashay dalka Talyaaniga, isla markaana af-duub loogu heystay gudaha Soomaaliya ayaa shalay dib u helay xoriyaddooda, iyadoo laga bixiyay lacag madax-furasho ah oo aad u badan.

Samafalayaashan oo lagu kala magacaabo Iolanda Occhipinti iyo Giuliano Paganini oo u shaqeynayay Hay’ad lagu magacabo Cooperazione Italiana Nord Sud (CINS) ayaa waxaa la sii daayay kadib markii laga bixiyay lacag madax-furasho ah oo dhan hal Milyan oo Doollar oo u dhiganta 650,000 Euro).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Franco Frattini ayaa wariyayaal ugu xaqiijiyay Magaalada Rome in labadan Samafale la sii daayay, “Waxay ku sii jeedaan Nairobi, xaaladdoodana waa ay wanaagsan tahay”ayuu wasiirka u sheegay Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

Inkastoo la sii daayay labadan samafale oo u dhashay dalka Talyaaniga hadana waxaa weli gacanta af-duubayaasha ku jira Dr. C/raxmaan Yuusuf Caraaye oo isna Hay’addaas u shaqeynayay, kaasi oo ay weliba ehelladiisa sheegeen in uusan caafimaadkiisa hagaagsaneyn.

Samafalayaashan u shaqeynayay Hay’adda CINS ayaa waxaa labo bilood ka hor laga af-duubtay Deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ka kaxeysteen kooxo hubeysan oo ugu soo galay Hotel ay deganaayeen.

Dhanka kalena waxaa weli af-duub loo heystaa Madaxii Hay’adda UNHCR ee Somalia Xasan Maxamed Cali Keynaan iyo Shaqaale kale oo u shaqeynayay Hay’adda Water For Life (WFL), iyadoo ka sii horna Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe laga qafaashay labo nin oo u kala dhashay Britain iyo Kenya, kuwaasi oo la sheegay in ay la shaqeynayeen Hay’adda Beeraha ee FAO.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia