Guddiyo Farsamo oo lagu magacaabay Wada Hadallada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uga socda Dalka Jibouti

Cabirka Farta

Isniin, August 18, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in wada hadalladii halkaas uga socday Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta lagu magacaabay guddiyo farsamo oo ka shaqeyn doona Siyaasadda iyo Ammaanka Dalka Soomaaliya.

Guddiyo ay labada dhinac u doorteen Arrimaha Ammaanka iyo Siyaasadda ayaa waxay iska sii dhex doorteen guddiyo kooban oo farsamo ah, kuwaasi oo ay la shaqeyn doonaan labo xubnood oo ka kala socda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo Qaramada Midoobay.

Guddiyada Farsamo ee ay labada dhinac iska dhex doorteen oo labo xubnood kaliya ah ayaa waxay kala yihiin Cabdalla Boss Axmed oo ka socda dhinaca Dowladda Federaalka iyo Prof. Gandi oo isna ka socda dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Laakin Guddiyada Farsamo ee qaabilsan dhinaca Ammaanka oo tiradooda gaareyso 8 xubnood ayaa waxaa dhinaca Isbaheysiga u metelaya C/raxmaan Jinaqow, Xuseen Siyaad Qoor-gaab, C/qaadir Shiikh Maxamed Af-dhuub iyo Maxamed Shiikh Xasan , halka dhinaca Dowladda Federaalkana ay Guddiga Farsamo u soo magacawdeen Taliyaha Ciidamada Asluubta Jen. C/llaahi Macallin Cali, Xildhibaan Garabey iyo labo xubnood oo kale.

Guddiyada Farsamo ee dhinaca Ammaanka loo xil-saaray oo tiradoodu 8 xubnood gaareyso ayaa waxaa la shaqeyn doona xubin ka socota Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo xubin kale oo ka socota Qaramada Midoobay.

Wada hadallada Jibouti uga socda dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo aan la ogeyn goorta ay soo idlaan doonaan ayaa  ilaa iyo haatan waxaa la sheegayaa in ay meel wanaagsan marayaan, iyadoo marka ay soo dhamaadaanna ay madaxda labada dhinac mar kale si rasmi ah dalka Sacuudiga ugu saxiixi doonaan Heshiiskii ay horay ugu gaareen Dalka Jibouti 9-kii June 2008.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia