Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gudaha Soomaaliya oo sheegay in ay xalinayaan Khilaafka Madaxda sare ee Maxkamadaha

Cabirka Farta

Isniin, August 18, 2008(HOL): Kadib shir muddo shan maalmood ah uga socday Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ayay gunaanadkii shirkooda ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ku aadan khilaafka soo kala dhexgalay madaxdii sare ee Maxkamadaha Islaamka iyo weliba dagaalka ka socda dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo gunaanadkii shirkaas saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in shirkooda ay dood dheer kadib iskula garteen in aanu khilaafka u dhaxeeya Madaxda sare ee Maxkamadaha Islaamka wax saameyn ah ku yeelan dagaalka ka socda dalka Soomaaliya ee looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya.

Sidoo kalena, Shiikh C/qaadir waxaa uu sheegay in ay isla guddoonsadeen Mas’uuliyiintii shirka ka qeybgashay oo tiradooda kor u dhaafeysay boqol ruux in guddi culumaa’udiin ah loo saaro khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda sare ee Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay ku guuleysan doonaan in khilaafkaas ugu dambeynta la dhameeyo.

Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in go’aannada shirkaas ka soo baxay uu ka mid ahaa qodob tilmaamayay in muddo seddex bilood ah la qabto shirweyne ay isugu imaanayaan mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in shirweynahaas looga arrinsan doono xaaladda uu dalka uu ku sugan yahay iyo aayaha Maxkamadaha Islaamka.

Shirka Shanta maalmood uga socday Magaalada Jalalaqsi Mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa ka qeybgalay Saraakiil Maxkamadaha u qaabilsan Gobollada Jubbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Galgaduud.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia