Isniin, April 07, 2008(HOL): Waxaa maanta ka amba baxay Magaalada Muqdisho wafdi ka socday Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, kaasi oo ku sii jeeday Dalka Jabuuti.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad, isla markaana ay xubno ka ahaayeen Axmed Diiriye Cali iyo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) oo ah Afhayeennada Siyaasadda iyo Dhaqanka ee Golahaas ayaaney xubnahan wax faah-faahin ah ka bixin socdaalkooda, marka laga reebo warar laga helay xubno ka tirsan Golahan oo sheegaya in uu socdaalka wafdigan la xiriiro casuumaad ay ka heleen Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Ma jiro ilaa iyo haatan war si rasmi ah uga soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegaya halka ay rasmi ahaan u amba baxeen xubnaha Wafdiga ee maanta Muqdisho ka amba baxay.
Socdaalka Xubnaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu socdo dadaal ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, kaasi oo ku saabsan sidii mushkiladda Soomaaliya wada hadal iyo dib u heshiisiin loogu dhameyn lahaa, iyadoo xubno ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ay horay Muqdisho ugula kulmeen wufuud ka socday Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan Dib-u-heshiisiinta Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia