Dil iyo Qaraxyo xalay iyo saaka ka kala dhacay Muqdisho

Isniin, April 07, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaa xalay iyo saaka waxaa ka dhacay Qaraxyo lala beegsaday Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah iyo Dil loo geystay nin rayid ah.

Degmada Madiina ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay nin rayid ah, kaasi oo aan la ogeyn ciddii dilkiisa ka dambeysay, waxayna dad arkay meydka ninkaas ay sheegeen in indhaha iyo gacmaha laga xiray markii la dilayay.

Meydka ninkani oo aaney dadka Degmada Madiina aqoonsanin ayaa waxaa la dhigay Masjid ku yaala Degmada Madiina, iyadoo la raadinayo cid aqoonsata si ehelladiisii loogu wargeliyo.
 
Dhanka kalena, labo qarax oo siyaabo kala duwan loola beegsaday Ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah ayaa waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo mid ka mid ah qaraxyadaasina la xaqiijiyay khasaare uu geystay.

Qaraxa khasaaraha geystay ayaa wuxuu xalay  ka dhacay meel Shaaha laga cabo oo ku taala Xaafadda Raadeerka ee Degmada Dayniile, halkaasi oo ay ka dhawaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo waramayaa in uu qaraxaas sababay dhimashada seddex ruux iyo dhaawac intaas ka badan.

Qarax kale ayaa wuxuu saaka ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, xili ay halkaasi marayeen Ciidamo Itoobiyaan ah. Lama ogaa ilaa iyo haatan wax khasaare ah oo Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray, lamana soo sheegin rasaas ay qaraxaas kadib ciidamadu fureen sidii dhici jirtay marar badan.

Sida kale Xaaladda Magaalada Muqdisho waa ay degan tahay, waxaana si caadi ah u socda dhaqdhaqaaqa Dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga Suuqyada ku yaala Magaalada Muqdisho, inkastoo uu jiro sicir barar ay ka cabanayaan Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia