Arbaco, April 16, 2008 (HOL): Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu caawa fiidkii dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliy iyo Ciidamada Amisom oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Isgoyska KM4 ee Degmada Hodan.
Dagaalkan oo socday muddo saacad ku dhow ayaa intii uu socday waxaa uu ku fiday qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarama, waxaana uu gaaray ilaa Saldhigga Degmada Waaberi oo ku yaala Wadadaas, kaasi oo warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ay sheegayaan in ay kooxaha weerarka soo qaaday ay waqti kooban la wareegeen.
Lama oga ilaa iyo haatan wax Khasaare ah oo dagaalkan ka soo gaartay dhinacyada uu dhexmaray iyo weliba dadka rayidka ah ee ka dhawaa halka uu ka dhacay, iyadoo ay xusid mudan tahay in dagaalkan uu dhacay xili ay Isgoyska KM4 ku sugnaayeen dad badan oo isugu jiray kuwo guryahooda u sii hoyanayay iyo kuwo mehrado ganacsi ku heystay halkaas.
Dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa dagaalkan ka hadlay Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac oo sheegay in dagaalkan oo sida uu yiri aan wax khasaare ah ka soo gaarin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay soo qaadeen Xoogagga Al-Shabaab iyo Maxkamadaha Islaamka, wuxuuna intaas ku daray in ujeedada ay u soo qaadeen ay ahayd in ay carqaladeeyaan nabad iyo dhaqdhaqaaq ganacsi oo ka jira Isgoyska KM4, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Dhinaca kalena ma jiro ilaa iyo haatan mas'uul u hadlay Kooxaha weerarka ku qaaday fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, waxaase la filayaa in ay saxaafadda la hadli doonaan saacadaha soo socda.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadaan Ciidamada Amison ee fariisinka ku leh Isgoyska KM4 iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ee fariisinka ku leh Saldhigga Waaberi, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo la weeraray Ciidamada Isgoyskaas ku sugan.
Dhawaan ayay ahayd markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay Ciidamo Amisom ah oo fariisin ku leh Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, iyadoo halkaasina la sheegay in uu ku geeriyooday Askari ka tirsan Ciidamada Burundi ee magaca Amisom uga howlgelaya Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia