Arbaco, April 16, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi sare oo ka socda Hay'adda UNDP ee Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo Agaasimaha Laanta Ha'yaddaas u qaabilsan Waddamada Geeska Afrika, Mr. Bruno Lemarquis.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, oo nuqul ka mid ahi HOL soo gaadhay, labada dhinac waxay ka wada hadleen Mashaariicda ay sanadkan Hay'addani ka fulin doonto Somaliland iyo sida loo wajahayo iyo arrimo kale.
Warsaxaafeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan:
"Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Mashaariicda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNDP.
Wefdigaasi oo uu hogaaminayay Agaasimaha Laanta UNDP u qaabilsan Wadamada Geeska Afrika oo fadhigiisu yahay Magaalada Nayroobi ee Caasimada Dalka Kenya Mr Bruno Lemarquis , waxa ay Madaxweynaha kala hadleen Mashaariicda horumarinta ah ee UNDP ay ka fulin doonto Jamhuuriyada Somaliland, kuwaasi oo uu sheegay in ay laban laabi doonaan dhaqaalaha ku bixi doona sanadkan 2008.
Mr Bruno oo si qoto dheer u faah faahiyay Mashaariicda sanadkan 2008 ay ka fulin doonaan Somaliland , waxa uu sheegay in Mashaariicdaasi ay ka mid noqon doonaan, sidii loo horumarin lahaa is-xukunka iyo maamulka fiican ee dalka, in dadka danyarta ah loo sameeyo mashaariic ay nolol maalmeedkooda ka soo saaraan , Mashaariicda Nabad gelyada iyo laamaha ilaalinta sharciga qaabilsan oo ay ka mid yihiin tababaro loo sameeyo Ciidamada Booliiska, Ciidamada Asluubta, Maxkamadaha dalka iyo Mashaariic kale oo ku wajahan horumarinta Bulshada.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka codsaday Laanta UNDP in ay xooga saaraan, si ay u abuuraan Mashaariic ay ka mid yihiin, in dadka loo sameeyo Wershado yar yar oo soo saara Subagga Burcadka, maadaama uu dalku leeyahay xoolo fara badan, caana badana laga helo, taasi oo wax weyn ka tari doonta ayuu yidhi Madaxweynuhu in ay dadku ku kabaan nolol maalmeedkooda.
Madaxweynuhu waxa uu Laanta QM u qaabilsan horumarinta ku booriyay in ay xooga saaraan Mashaariicda ahmiyada gaarka ah u leh dalka, isaga oo ugu mahad naqay taageerada Laantaasi ay siiso Somaliland.
Shirkaasi dhex maray Madaxweynaha iyo Wefdiga UNDP waxa kale oo goob joog ka ahaa Sarkaalka Xafiiska UDNP ku leedahay Somaliland Mr Balma Issaka Yahaya iyo Mr Moe A. Hussien oo isaguna ka tirsan Saraakiisha UNDP."
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland