Maamulka Gobolka Banaadir oo mar kale ku eedeeyay Ganacsatada Muqdisho in ay ka dambeeyaan sicir bararka

Cabirka Farta

Axad, April 13, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu mar kale shaaca ka qaaday in sicir bararka ka jira Magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan ganacsatada.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ganacsatada ay diideen qaadashada lacagta duugowday ee Shillin Soomaaliga ah, in ay dhoofiyaan dalagyada ka soo go’a dalka, isla markaana ay qiimahooda sare u qaadaan badeecooyinka ay dibadaha ka keenaan.

Maxamed Cusmaan Dhagax-tuur ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay iska qabtaan ganacsatada sicir bararka ku heysa ee nolosha u diidan, isagoo caddeeyay in ay gobolka Banaadir ka heli doonaan gacanta ay uga baahan yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur ayaa sidoo kalena wuxuu baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka codsaday in ay joojiso dhoofinta dalagga dalka ka soo go’a.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, hadalka uu sii daayay maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu bilowday sanadkan uu aad sare ugu sii kacayay qiimaha raashinka quutul daruuriga ah iyo weliba midka shidaalka.

Halkan ka eeg warbixin ku saabsan sicir bararka ka jira Muqdisho-HOL

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia