Ciidamada Booliska Somaliland oo xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Kulmiye

Axad, April 13, 2008(HOL): Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Xaaji Cabdilaahi [Xamarji], kaas oo ay ku eedeysay inuu ka danbeeyey qarixii maalintii Arbacadii ka dhacay xarunta Golaha Guurtida.

Sidaa waxa xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubad oo qaar ka mida Saxaafada u waramayey.

Iyada oo hore qaraxaasi loogu xidhxidhay 6-qof oo sadex kam mid ahi ahaayeen shaqaalaha Golaha Guurtida Somaliland, wax yar uun kadib markii uu qaraxu dhacay.

Wixii ka danbeeyey tan iyo maalintii uu qaraxu ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxa habeenkii ay aad Xukuumaddu u adkeysay ammaanka magaalada Hargeysa, iyada oo habeenkii gooraha danbe aad arkayso Askar badan oo heegan ku jirta oo taagan Meelaha is-goysyada waddooyinka.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland