Talaado, April 01, 2008(HOL): Labadan Samafale oo u kala dhashay Dalalka Britain iyo Kenya ayaa kooxo hubeysan waxay ku af-duubteen Deegaano ka tirsan Degmada Saakow oo ka tirsan Gobolka Jubada Dhexe.
Samafalayaashan la qafaashay oo u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero FAO ayaa markii la af-duubanayay waxay daraasad ku sameynayeen sidii Biyo xireenno loogu sameyn lahaa meelo uu Webiga Jubba ka maro Gobolka Jubbada Dhexe.
Kooxaha Dableyda ah ee qafaalka geystay ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca Degmada Bu’aale kadibna ay meel u dhaxeysa Degmooyinka Saakow iyo Bu’aale uga hor-yimaadeen Gaadiid ay la socdeen labadan Samafale oo midka Britain u dhashay uu dhaawac soo gaaray kadib markii ay rasaas is-weydaarsadeen kooxihii wax af-duubanayay ilaaladii la socotay Samafalayaasha.
Labadan Samafale ee la qafaashay oo ka yimid dhinaca Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay wada socdeen Samafalayaal kale oo Ajnabi ah oo uga soo haray Degmada Baardheere, kuwaasi oo iyana ay dhalashooda isugu jirto Dalalka Britain iyo Kenya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee maamulka Degmada Saakow ayaa wuxuu sheegay in ay ku raad-joogaan raggii af-duubka geystay, isla markaana ay gacanta ku soo dhigi doonaan, inkastoo aan ilaa iyo haatan war iyo wacaal loo heynin halkii ay kooxaha hubeysan la aadeen Samafalayaashaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia