Ciidamo Itoobiyaan ah oo goor dhaweyd gaaray Degmada Buulo-Burte kadib markii ay ka baxeen xoogaggii Maxkamadaha Islaamka

Talaado, 1, April. 2008 (HOL)  Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya oo maalintii shalay  ahayd ka dhaqaaqay duleedka Jante-kuundisho ee Magaalada Beledweyne ayaa goor dhaw gaaray Degamada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan kadib markii ay halkaa isagga baxeen xoogagii maalintii shalay la wareegay gacan ku heynta Magaalada.
 
Ciidamada oo ku hubeysnaa Gadiidka Dagaalka ayaa ka hor inta aysan gudaha u galay Degmadda Buulo-burte waxaa ay gaareen sidda wararku sheegayaan Deegaanka Abuurey halkaas oo ay ka soo kaxeeyeen Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo qaar ka mid ah Gaadiidkiisa Dagaalka oo hadda ku wada sugan gudaha Magaalada Buulo-burte.
 
Dadka ku dhaqan Degmada oo si weyn uga cabsi qabay iska hor-imaad dhexmara kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ayaa si weyn u soo dhaweeyay in ay ka baxaan Magaalada kooxihii maalintii shalay ahayd la wareegay taas oo keentay in si nabad ah ay ku gaaraan Ciidamada Itoobiyaanka.
 
Qaar ka mid ah dadka rayidka ah  ee ku dhaqan Degmada Buulo-Burte ayaa u sheegay HOL in markii ugu horeysay la helay fursad lagu soo uruuriyo meydadka dadkii maalintii shalay ku geeriyooday Dagaalka oo ilaa shalay aan laga qaadin goobihii ay ku dhinteen, waxaana wararku intaas ku darayaan in uu sii badanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii maalintii shalay ka dhacay Degmada Buulo-burte.
 
Inkastoo mar kale ay dib ugu soo laabatay Degmada Buulo-burte gacanta Maamulka Gobalka Hiiraan oo kaashanaya Miletriga Itoobiya ayaan hadana la ogeyn waxa is badali kara marka ay halkaa isaga soo baxaan Ciidamadda Itoobiya, maadaama wali kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladdu yihiin kuwo ku  sugan Deegaano aan ka fogeyn Degmadda Buula-barte.
 
Dhinaca kale waxaa degan xaaladda Deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan oo ah halka maalintii shalay dagaalku ka bilowday, laakiin wali waxaa jirta cabsi laga qabo in halkaas ay soo galaan kooxaha ka soo baxay Degmada Buulo-burte taasoo keeni karta in ay soo baadi goobaan Ciidamadda Itoobiya.
 
Si kasataba waxaa la oran karaa Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Buula-barte ilaa Halgan waxaa uu ahaa kii ugu qaraaraa ee soo mara Gobolka Hiiraan marka laga soo tago dagaalkii looga adkaaday Midowgii Maxkamadaha ee ka dhacay Deegaanka Kala-beyr ee Gobalka Hiiraan.
 
C/raxamaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia