Ra’iisal Wasaare Geeddi oo Jabuuti kula kulmaya Mucaaradka Dowladdiisa

Khamiis, September 06, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay u amba baxeen Dalka Jabuuti, iyagoo ka duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Sayid Aadan oo u waramay Idaacada Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu dalka Jabuuti u tegay kulamo uu halkaas kula qaadanayo xubno ka tirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwo ku jiray Maamulka Maxkamadihii Islaamka.

 

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha waxaa uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo waxyaabaha kulankaas looga hadlayo iyo weliba cidda ay Ra’iisal Wasaare Geeddi ku wada hadlayaan Dalka Jabuuti.

 

Kulanka Jabuuti ku dhexmaraya Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta uu magaalada Asmara ee Dalka Eritrea uu ka furmayo Shir ay isugu imaanayaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, Madaxda Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore oo ay hadleen waxay sheegeen in ay cafis u fidiyeen xubnaha Maxkamadihii Islaamka iyo Dadkii la soo shaqeeyay marka laga reebo kuwo sida ay yiraahdeen ku jira Liiska Argagixisada Caalamka, inkastoo cafiskaas ay ka soo horjeesteen madaxda Maxkamadihii Islaamka oo sheegay in haddii wax la cafinayo ay in la cafiyo u baahan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo sida ay yiraahdeen dalka ku soo hoggaamiyay Ciidamo cadaw ku ah Dadka Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia