Ciidamo tiro badan oo Amar Qaata Dowladda Federaalka oo maalintii labaad ku sugan Gudaha Suuqa Bakaaraha

Khamiis, September 06, 2007(HOL): Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad waxay ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo Suuqaasna aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah.

 

Waddo kasta oo gasha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa jooga Ciidamo Mileteri iyo Boolis isugu jira, kuwaasi oo dadka u diidaya in ay gudaha u galaan Suuqa Bakaaraha, iyadoo mararka qaarkoodna ay dhacdo in dadka ay rasaas ku kala eryaan marka ay damcaan in ay ka gudbaan waddooyinka ay Ciidamadu joogaan.

 

Waddooyinka ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku sugan yihiin ee aan laga geli karin Suuqa Bakaaraha waxaa ka mid ah Waddada Koowaad oo isku xirta Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Baar Ubax iyo Wadada labaad oo iyadana isku xirta Isgosyada Aadan Cadde iyo Carwo Idko.

 

Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa mar kale waxay noqotay mid cakiran, waxaana gebi ahaan istaagay ganacsigii Suuqaas ka socon jiray, iyadoo taasina ay sii adkeysay nolosha dad badan oo manaafacaadsan jiray wixii ay ka soo xoogsadaan goobaha Shaqo ee ku yaala Suuqaas.

 

Shaqo joojinta saaran Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Dadka ku dhaqan Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay u diyaar-garoobayaan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay soo iibsanayeen Raashinkii ay isticmaali lahaayeen Bishaas.

 

Waa Markii labaad oo uu Suuqa Bakaaraha noqdo meel ay Ciidamo ka taliyaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu noqday Suuq ay Soomaaliya oo dhan ku xiran tahay, wuxuuna dhawaan soo maray 18 maalmood oo Qaraxyo iyo iska hor-imaadyo ay ka dhacayeen kadib markii ay gudaha Suuqa isku haleeleen Dhalinyaro Bambooyin tuura Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ku baaqayaan in la joojiyo iska hor-imaadyada ka dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) uu caddeeyay in haddii aan la joojin iska hor-imaadyada Suuqa ka dhacaya ay taasi keeni doonto in Suuqa lagu kala guuro.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia