Qaraxyo ay Dad Rayid ah ku dhinteen oo maanta Muqdisho ka dhacay

Isniin, August 13, 2007(HOL):  Labo qof ayaa ku dhintay, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay seddex qof oo kale oo dhammaantood ahaa rayid, kuwaasi oo ay wayeello ka soo gaartay miino dhulka lagu aasay oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo ciidamo Boolis ah oo marayay meel u dhow Dugsigii sare ee Banaadir ee Degmada Hodan.

 

Dadka dhintay oo saarnaa gaari nooca dadweynaha ah ayaa marayay agagaarka goobta ay miinadu ka qaraxday  waxaana la sheegay in ay kala ahaayeen qof rayid ah oo gaariga saarnaa iyo kaaliyihii Darawalka.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in gaariga sidoo kale ay ku dhaawacmeen saddex qof ee kale oo uu ka mid ahaa darawalkii gaariga, waxaana loo qaaday isbitaalka Madiina ee Muqdisho is halkaas loogu daweeyo.

 

Ciidamadii booliiska ahaa ee ka badbaaday qaraxaas gaarigooda lala beesaday ayaa isku gadaamay goobtii uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ay isla goobta yimaadeen ciidamo kale oo ka socda Ciidamada Booliiska, waxayna halkaas ka qabqabteen dhowr ruux oo la sheegay inay ku tuhmayeen inay ka dambeeyaan qaraxaas miino, balse waxaa la sheegay in dadka la qabqabtay ay ka mid ahaayeen dad ganacsato ah oo howlahooda shaqo watay.

 

Dhanka kale, Qarax weyn oo sababay geerida haweeney  wadada mareysay ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska SOS ee Degmada Huriwaa, iyadoo haweeneyda geeriyootay ay haleeshay rasaas ay fureen Ciidamadii Dowladda ee qaraxa lala beegsaday.

 

Qaraxyada ka dhacay Muqdisho ayaa ah kuwo soo laalaabtay, waxaana maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay  qaraxyo lala beegsanayo ciidammada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, kuwaasi oo  qudhooda baaritaanno ka waday xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia