Kooxo hubeysan oo mar kale xalay weerar ku qaaday Saldhigga Booliska Howl-Wadaag

Isniin, August 13, 2007(HOL): Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa mar kale waxay xalay weerareen Saldhigga Booliska  Degmada Howl-Wadaag oo habeenno sii horeeyayna weerarro ceynkan oo kale ah lagu qaadayay.

 

Weerarkii xalay oo dhacay abaara 12:30-kii habeennimo ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsanaa ciidamadii Saldhigga joogay, kuwaasi oo dhaawacmay kadib markii ay ku firiray Rasaas Baasuuke oo derbi loogu dhuftay.

 

Col. C/waaxid Maxamed Xuseen oo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u qaabilsan xiriirka Dadweynaha iyo Saxaafadda ayaa xaqiijiyay dhaawaca soo gaaray askarta ku sugneyd Saldhigga Booliska, wuxuuse sheegay in kooxihii weerarku soo qaaday saldhiggaas ay la kulmeen iska caabin xooggan.

 

Saldhigga Degmada Howl-Wadaag ayaa muddo todobaad gudahiis ah waxaa loo geystay weeraro dhowr ah, kuwaasi oo inta badan dhacayay  marka la gaaro saqda dhexe ee habeenkii. Weeraradaas ayaa waxay yihiin kuwo si weyn u qalqal geliyeen dadka degan nawaaxiga Saldhigaas, kuwaasi oo qaarkood horay guryahooda uga barakaceen.

 

Dhanka kalena, Saldhigga Degmada Huriwaa ayaa isna habeenkii xalay ahaa weerar lagu qaaday, waxaana lagu soo waramayaa in ay weerarkaas ku dhaawacmeen seddex ruux oo rayid ahaa, kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay isku ridayeen ciidamo Saldhiggaas ku sugnaa iyo kooxihii weeraray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia