Hiiraan Online: Shaqsiyaadka Sannadkan 2007

Shaqsiyaadka Sannadka 2007


Hiiraan Online

Thursday, January 10, 2008

Malaha maba jiro sanad 2007 uga dhib badan Soomaaliya: Ugu yaraan 6,500 qof oo rayid aan waxba galabsan ayaa ku geeriyooday dagaalladii ugu xumaa ee dhibaateeyaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. In ka badan 1 million oo qof ayaa dagaalladaas ku barakacay, taas oo Soomaaliya ka dhigtay meesha ugu dhibaatada badan dunida.

 

Sidaas oo uu xaalku yahayse, waxaa jira Soomaali badan – iyo kuwa aan Soomaali aheyn—oo si hagar la'aan ah uga shaqeeyey sidii dhibaatadaas looga khafiifin lahaa dadka Soomaaliyeed. Inkastoo aannaan dhamaantood halkan kusoo koobi karin, haddana waxaan ka xuseynaa laba qof oo si weyn gacan uga geystay wax ka qabashada dhibaatooyinka Soomaalida ee sanadkii la soo dhaafay.

 

Dr. Hawa Abdi Dhiblawe
Drs Xaawa Cabdi Dhiblaawa, Asaasaha Isbitaalka Xaawa Cabdi oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.
Si ka duwan sanadihii hore, qorayaasha iyo tafatirayaasha Hiiraan Online ayaa go'aansaday in sanadkan laba loo kala qeybiyo abaal-marinta "Shakhsiga Sanadka."

 

  1. Gudaha: Abaal-marinta waxaa la guddoonsiinayaa qof Soomaaliya ku sugan, oo dadaalkiisu uu qeyb weyn ka qaatay wanaajinta xaaladda Soomaalida.
  2. Qurbaha: Abaal-marintan waxaa la guddoonsiinayaa qof aan Soomaaliya joogin, laakiin awooday inuu caawiyo Soomaalida kale, meel walba ha joogaane.

 

I.         Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawe:
Madaxa Isbitaalka Xaawa Cabdi. Afgooye, Soomaaliya.

 

Abaal-marinta Soomaalida gudaha waxaan u garannay Drs. Xaawo Cabdi Dhiblaawe, oo ah dhakhtar qaabilsan cudurrada haweenka iyo carruurta, oo in ka badan 25 sano oo khibraddeeda ah ugu deeqday ineey u adeegto Soomaalida, gaar ahaan xilliyada dhibaatadu jirto.

 

Halkaan ka dhageyso wareysi ay HOL la yeelatay Drs. Xaawa Cabdi Dhiblaawa ayada oo joogta Rugteeda Caafimaad ee Xaawa Cabdi -  Salad Idow Xasan (Xiis)

 

Drs. Dhiblaawe, oo wax kuu baratay Midowgii Soofiyeeti, ahna 60-jir, ayaa iyadoo aan kaalmo sidaas u weyn dibadda ka heleyn caawisa dad aad u fara badan oo kumannaan gaaraya. Tan iyo markii eey dagaalladu dib uga qarxeen caasimadda Muqdisho, Isbitaalka Drs. Xaawo Cabdi wuxuu hooy u noqday kumannaan dhibaateysan.  (Halkaan aqriso warbixin dheer oo ku saabsan Drs. Xaawa Cabdi iyo sawiro laga soo qaaday Isbitaalka Xawa Cabdi)

Dr. Hawa & her daughters
Drs. Xaawa Cabdi waxaa howsha la wada laba gabdhood oo ay dhashay waa Drs Amina iyo Drs. Deeqa.

 

Bahda Hiiraan Online ayaa Drs. Dhiblaawe u aqoonsaneysa ineey tahay halyaayga Soomaalida gudaha ee sanadka 2007.


 

Abdi Muse Maaxaay
Cabdi Muuse Maaxaay
II.  
Cabdi Muuse Maaxaay: Qof iskiis isugu xilqaamay inuu daaweeyo carruurta dhibaatada dabiiciga ah iyo midda aan dibiiciga aheyn-ba eey ku habsatay. Rochester, Minnesota.

 

Abaal-marinta Soomaalida qurbaha waxaan u garannay Cabdi Muuse Maaxaay, oo labadii sano ee ugu dambeeysay eey isaga iyo xaaskiisa Zahra qaadeen olole eey ku keenayaan dalka Mareykanka carruur aad u xanuunsan oo aan cidina u maqneyn, ceel-na u qodneyn. Illaa iyo haatan, waxeey keeneeyn Muraayo Nuur Cali iyo Binti Jeylaani.

 

Muraayo, iyadoo 7-jir ah ayeey nin mooryaan ah kufsaday (Halkaan ka aqriso warbixin ay HOL ka diyaarisay dhibka loo geystay Muraayo), isaga oo isu dalooliyey xubneheeda taranka. Saxarada iyo kaadida ayaa ka daadaneysay markii Muraayo Mareykanka la keenay bishii February ee sanadkii 2007. (Sidoo kale halkaan ka qariso warbixn HOL ka diyaarisay Markii Mareykan looga helay baaritaan caafimaad)

 

Maanta waxeey kusoo kabsaneysaa Isbitaalka Mayo Clinic, oo lagu doodi karo inuu yahay kan ugu wanaagsan dunida. Halkan ka akhriso warbixinta Murayo oo English ah.]

 

[Binti buro weyn ayaa afkeeda qarisay. Maantana qosolkeedii ayaa dib usoo dhalaalay. Halkan ka akhriso warbixinta Binti oo English ah]

 


Binti ka dib markii laga daaweeyey Buradii afka kaga taalay

 

Bahda Hiiraan Online ayaa Maaxaay (iyo dadkii la shaqeeyey) u aqoonsaneysa shakhsiga sanadka ee Soomaalida qurbaha.

 

Fadlan u hambalyeey Drs. Xaawo Cabdi Dhiblaawe iyo Cabdi Muuse Maaxaay.

 

Waxaad Drs. Xawa Cabdi Dhiblaawe kala  xiriiri kartaa e-mailka ah: [email protected]

ama telefoonka ah 2521-5932222.

HyperLink 
Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2008 Hiiraan Online