advertisements

Galinsoor: Magaalo Fursado Waaweyn Lahayd, Horumarkeedii Colaadi Hakisay, Mustaqbalkeeduna Nabad ku Xiran Yahay

Font Size

By Abdifatah Hared
Wednesday September 30, 2026

Galinsoor: Magaalo Fursado Waaweyn Lahayd, Horumarkeedii Colaadi Hakisay, Mustaqbalkeeduna Nabad ku Xiran Yahay

Galinsoor waa magaalo leh muhiimad juqraafiyeed iyo istaraatiiji ah, maadaama ay ku taallo marin isku xira qaybo muhiim ah oo dalka ka mid ah. Waa deegaan ay muddo dheer wada degganaayeen bulshooyin kala duwan, lehna fursado waaweyn oo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha ah.

Hase yeeshee, nasiib-darro, colaado iyo xasillooni-darro muddo dheer soo jiitamayay ayaa si weyn u saameeyay nolosha bulshada iyo horumarka deegaanka. Dad ka mid ahaa bulshooyinka deegaanka ayaa ka maqnaaday deegaannadoodii, taas oo hoos u dhigtay fursadihii nololeed, dhaqaale iyo horumarineed ee Galinsoor.

Su’aashu waxay tahay: Haddii dadka reer Galinsoor ay si nabad ah, ammaan iyo kalsooni leh ugu wada noolaan lahaayeen deegaankooda, heerkee ayay maanta magaaladu gaari lahayd?

Galinsoor waxay leedahay awood ay ku noqon karto xarun ganacsi iyo maalgashi oo kobcaysa, isla markaana yeelata adeegyo waxbarasho, caafimaad iyo adeegyo kale oo bulsho oo tayo leh. Fursadaha ay leedahay waxay u saamaxayaan inay ka mid noqoto magaalooyinka muhiimka ah ee dalka. Hase yeeshee, horumar waara wuxuu u baahan yahay nabad, caddaalad, wada noolaansho, kalsooni iyo in qof kastaa dareemo inuu deegaankiisa ku leeyahay xuquuq, karaamo iyo mustaqbal.

Ku dhowaad Nus Qarni oo Colaado iyo Xasillooni-darro ah

Waxaa laga joogaa ku dhowaad nus qarni oo Galinsoor iyo nawaaxigeedu ay la tacaalayeen khilaafaadyo, colaado iyo xasillooni-darro soo noqnoqday. Muddadaas dheer waxay saamayn ku yeelatay bulshada, dhaqaalaha, waxbarashada, adeegyada bulshada iyo fursadihii horumarineed ee jiilal badan.

Waxaa ka sii murugo badan in dad badan oo walaalo ahaa, aqoon iyo kartina bulshada ku lahaa, ay ka hayaamaan deegaannadoodii, halka waqti iyo dhaqaale badan lagu bixiyay xaalado colaadeed halkii loogu adeegsan lahaa horumar iyo nolol wanaagsan.

Ku dhowaad konton sano waa waqti aad u dheer. Sidaas darteed, waxaa la joogaa xilligii laga gudbi lahaa wareegga colaadda iyo kala fogaanshaha, loona gudbi lahaa marxalad cusub oo ku dhisan wada-hadal, dib-u-heshiisiin, is-aaminaad iyo horumar loo dhan yahay.

Xusuus aanan illoobi karin

Aniga ahaan, Galinsoor ma aha magaalo aan ku soo koray, balse waa deegaan xiriir qoto dheer la leh taariikhda qoyskayga. Waalidkay ayaa ku dhashay, waxaana mar walba iga sheekayn jireen Galinsoor iyo xusuusihii ay ku lahaayeen.

Sannadkii 2018-kii, anigoo u tagay shaqo deegaannada Galmudug oo dhan, kana socday Dowladda Soomaaliya, ayaan markii ugu horreysay si dhab ah u arkay xaaladda magaalada. Waxaan xasuustaa in booqashadaasi ay wax badan iga beddeshay fahamkaygii hore ee Galinsoor.

Waxaan si gaar ah uga naxay burburka ka muuqday magaalada. Anigoo yaabban ayaan weydiiyay: “Maxaa sababay in magaalada sidan u burburto?”

Asxaabtii ila socotay, oo uu ka mid ahaa Taliyihii Daraawiishta Galmudug ee xilligaas, Col:Codwayne, waxay ii sheegeen in goobtii aan taagnayn, oo ahayd meel uu jidku leexdo, uu halkaas gaari kula gadoomay Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Waxay sidoo kale ii tilmaameen guryo aad u burbursanaa oo goobta kasoo horjeeday, kuwaas oo saf dheer ahaa. Burburka muuqday iyo maqnaanshaha dadkii lahaa guryahaas waxay igu reebeen xusuus iyo su’aalo badan oo ku saabsan taariikhda, xaaladda deegaanka iyo sida ay maanta degmadu u muuqato.

Waxaa jiray su’aal aan weli maskaxdayda ka bixin: Sidee ayay magaalo leh taariikh, dad, juqraafi iyo fursado sidan u weyn ugu sii jiri kartaa xaalad ay colaado iyo kala fogaansho muddo dheer saameeyeen?

Baaq ku socda hoggaanka Galmudug ee iman doona doorashada kaddib

Marka ay soo dhammaato doorashada Galmudug, hoggaanka cusub wuxuu heli doonaa fursad muhiim ah oo uu wax kaga qaban karo xaaladaha taariikhiga ah ee saameeyay deegaannada ay Galinsoor ka mid tahay.

Waxaa muhiim ah in nabadda Galinsoor, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo wada noolaanshaha loo dhan yahay laga dhigo mudnaanta koowaad iyo tan labaadba. Xal waara oo laga gaaro xaaladda Galinsoor wuxuu qayb muhiim ah ka qaadan karaa xasilloonida iyo horumarka guud ee Galmudug.

Waxaa loo baahan yahay hannaan loo dhan yahay oo lagu dhageysto tabashooyinka dhinacyada kala duwan, lagu xalliyo khilaafaadka, lagu xoojiyo amniga iyo kalsoonida bulshada, laguna abuuro jawi u saamaxaya dadka ka maqan deegaankooda inay si ammaan iyo sharaf leh ugu soo laabtaan, haddii ay doonayaan.

Dib-u-soo-noqoshada bulshada waa inay barbar socotaa dib-u-heshiisiin dhab ah, ilaalinta xuquuqda dhammaan dadka deegaanka iyo qorshe horumarineed oo bulshada oo dhan ka wada faa’iidaysato.

Arrintani ma aha masuuliyad dowladda oo keliya saaran. Waxay u baahan tahay ka qaybqaadashada isimada dhaqanka, culimada, waxgaradka, ganacsatada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan dadka reer Galinsoor. Wada-hadal, is-aaminaad iyo iskaashi ayaa saldhig u noqon kara nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.

Rajada Mustaqbalka

Waxaan rajaynayaa in caqligii wanaagsanaa, dulqaadkii iyo garashadii bulshada Soomaaliyeed ay mar kale ka dhex ifaan Galinsoor, lana fahmo in jiilashii hore ay soo mareen duruufo adag, balse aysan khasab ahayn in jiilasha soo socda ay dhaxlaan isla xaaladahaas.

Galinsoor waxay mudan tahay fursad cusub: fursad ay dadkeedu ku wada noolaadaan, ku wada shaqeeyaan, ku wada maalgashadaan, kuna wada dhistaan mustaqbal ay carruurtoodu ku faani karaan.

Waxaan jeclaan lahaa in deegaanka ay ku dhasheen Aabbahay iyo Awowgay uu mar uun noqdo meel ay nabaddu saldhig u tahay, horumarkuna aanu cidna ka reebin. Waxaan jeclaan lahaa in xusuusta Galinsoor aysan ku koobnaan burburkii iyo colaadaha, balse lagu xusuusto sida ay uga gudubtay dhaawacyadii hore oo ay u noqotay tusaale muujinaya awoodda nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo wadajirka.

Hoggaanka Galmudug ee iman doona doorashada kaddib wuxuu haystaa fursad uu taariikh wanaagsan kaga tago Galinsoor, isaga oo hormuud ka noqda dib-u-heshiisiinta, caddaaladda, wada noolaanshaha iyo horumarinta deegaanka.

Galinsoor waxay mudan tahay nabad.
Dadkeedu waxay mudan yihiin inay wada noolaadaan.
Carruurteeduna waxay mudan yihiin mustaqbal ka wanaagsan kii jiilashii hore.

Abdifatah Hared
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Qorshaynta,Maalgashigga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.