advertisements

Heshiiskii Soomaaliya: Hal-ku-dhiggii Xasan Sheekh iyo xaaladda maanta

Font Size

By: Yusuf Said Hersi
Saturday October 10, 2026

Heshiiskii Soomaaliya: Hal-ku-dhiggii Xasan Sheekh iyo xaaladda maanta

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu laba jeer noqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Labadii xilli ee uu hoggaanka hayey, waxaa hal-ku-dhegyadiisa ugu waaweynaa ka mid ahaa: “Soomaalia oo heshiis ah, dunidana heshiis la ah” iyo “Qabyo ninkeed ayaa dhameeya.”

Haddii aan maanta dul istaagno hal-ku dhegyadaas, waxaa isweydiin mudan: Soomaaliya intee le’eg ayay maanta heshiis tahay?

advertisements
Aragtidayda, halkii Soomaaliya laga filayey inay isu soo dhowaato, waxaa sii xoogaystay kala fogaanshaha siyaasadeed. Somaliland waxay heshiisyo iyo xiriirro cusub la samaysatay dhinacyo calami ah, oo ay ka mid tahay Israel. Puntland waxay xiriirro xooggan la yeelatay Imaaraadka Carabta, halka Jubbaland-na ay leedahay xiriirro dhow oo ay la leedahay Kenya iyo UAE. Koonfur Galbeed waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed oo culus, halka Hiiraan iyo deegaanno kale ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo muujinaya in kalsoonidii dowladda dhexe ay sii wiiqmayso. Taas oo cadeen u ah in Hiiraan xiriir la sameysaty Al-Shabaab.

Sidaas darted, su’aashu waxay noqoneysaa: Soomaaliya ma isu timid mise way sii kala dhaqaaqday?

Waxaa kaloo mudan in la xuso hal-ku-dhegga labaad: “Qabyo ninkeed ayaa dhameeya.” Xasan Sheek maanta wuxuu gacanta ku hayaa dowlad uu leeyahay masuuliyadda ugu weyn ee hagiddeeda. Hase yeeshee, dhaliisha siyaasadeed ee loo jeedinayo waxay tahay in halkii uu ka dhammaystiri lahaa wixii qabyo ahaa, uu dalka geliyey khilaafyo cusub, isla markaasna uu wiiqay dhismihii hay’adaha iyo kalsoonidii siyaasadeed.

Dadka Soomaaliya waxay muddo dheer rajaynayeen inay ka gudbeen burburkii iyo kala qaybsanaantii hore. Haddii siyaasadda maanta socota ay sii waddo kala fogaanshaha maamul-goboleedyada, khilaafaadka siyaasadeed iyo faragelinta dibadda, waxaa jirta cabsi ah in Soomaaliya dib ugu laabato xaalado ay hore uga soo gudubtay.

Dowladnimo ma aha hal-ku-dheg oo keliya; waa heshiis siyaasadeed, kalsooni, sharciyad iyo awood lagu mideeyo shacabka. Haddii dowladda dhexe ay ku guuldaraysato inay waxyaabahaas dhisto, taariikhdu waxay xukumi doontaa in halkii “qabyo ninkeed dhammeeyo”laga gaari lahaa, qabyo cusub la abuuray.

Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaan isu keena, ee aan sii kala fogeyn; heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, ee aan cid  gaar ah ku dhisnayn; iyo dowladnimo lagu kalsoon yahay. 

Alloow arrimaha Soomaaliya noo sahal.

_________________________________________

[email protected]