By: Yusuf Said Hersi
Saturday October 10, 2026

Guusha ay Sagal Abdi-Wali ka gaartay doorashadii baarlamaanka Britain ee 8-dii Oktoobar 2026, waxay farxad iyo Sharaf u tahay Soomaalida meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Sagal waxay ku guuleysatay kursiga Holborn and St Pancras, iyadoo heshay12,292 cod, kana guuleysatay musharraxiintii la tartamayay.
Guusheedu ma aha oo keliya guul shaqsiyeed, balse waa tusaale muujinaya sida Soomaalida qurbaha ku nool ay uga dhex muuqan karaan siyaasadda, hoggaanka iyo hay’adaha dowladeed ee dalalka ay deggan yihiin.
Soomaalida oo ka dhex muuqata siyaasadda caalamka
Guulahaasi waxay muujinayaan in Soomaalidu leedahay karti, aqoon, dadaal iyo awood ay ku kasban karto kalsoonida bulshooyinka ay la nooshahay. Marka la helo nidaam ku dhisan sharci, caddaalad, isla xisaabtan iyo hay’ado dowladeed oo shaqeynaya, qofku wuxuu fursad u helayaa inuu kartidiisa ku muujiyo tartan siyaasadeed oo nidaamsan.
Maxaa cashar inoogu jira?
Haddaba, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: haddii Soomaalida qurbaha joogta ay ka dhex muuqan karaan baarlamaannada iyo hay’adaha dowladeed ee dalal kala duwan, maxaa dalkeennii hooyo ka hortaagan inuu yeesho nidaam siyaasadeed oo caddaalad iyo karti ku dhisan?
Soomaaliya maanta waxaa weli culays ku haya khilaafaad siyaasadeed, is-qabqabsi joogto ah, maamul-xumo, qaraabo-kiil iyo hay’ado aan mar walba u shaqeyn sida laga filayo. Dhibaatadu ma aha in Soomaalidu aanay lahayn karti ay dal ku maamusho; balse waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso nidaam kartida dhiirriigeliya, caddaaladda ilaaliya, qof kastana siinaya fursad siman.
Dal ma horumaro haddii xilalka lagu bixiyo qaraabonimo iyo dano gaar ah, halkii lagu saleyn lahaa aqoon, waayo-aragnimo iyo daacadnimo. Sidoo kale, dowlad ma xoogaysato haddii siyaasiyiintu ka hormariyaan danahooda gaarka ah danta guud ee shacabka.
Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaan isu keena dadka, xoojiya hay’adaha qaranka, dhowra sharciga, isla markaana shacabka u adeega. Waa in siyaasadda laga saaraa dhaqnka ah in kursigu noqdo hanti gaar ah, laguna beddelaa masuuliyad iyo adeeg bulsho.
Hambalyo Sagal Abdi-Wali
Waxaan hambalyo kal iyo lab ah u dirayaa Sagal Abdi-Wali guusha taarikhiga ah ee ay ka gaartay baarlamaanka Britain. Waxaan u rajeynayaa guul, karti iyo daacadnimo ay ugu adeegto bulshada dooratay, isla markaana ay tusaale wanaagsan ugu noqoto jiilka cusub ee Soomaalida.
Guusheedu waxay dhiirrigelin u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, si ay uga qayb qaataan hoggaanka, waxbarashada iyo horumarinta bulshooyinka ay ku nool yihiin.
Ugu dambayn, guusha Soomaalida qurbaha waa inay nagu dhalisaa su’aal iyo baraarug: haddii ay ku guuleysan karaan inay dhistaan mustaqbalkooda dalal kale, maxaa inaga hor istaagaya inaan dalkeenna ka dhisno nidaam caddaalad, nabad iyo horumar ku dhisan?
Alloow dalkeenna Soomaaliya noo badbaadi, siyaasiyiinteenna ku hanuuni tubta toosan. Alloow nagu galladso hoggaan daacad ah, caddaalad iyo midnimo qaran. Aamiin.
______________________________