By: Ayaan Said Tukale
Monday May 25, 2026

Maalin dhoweyd, booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee degmada Xamarweyne, meel ka mid ah goobaha shaqo ee ugu muhiimsan nolosha maalinlaha ah ee Muqdisho. Halkaas, waxaan kula kulmay mid ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee halganka ugu jira raadinta nolol sharaf leh.
Booqashadan waxay i xusuusisay xaqiiqooyin muhiim ah oo inta badan aan si buuxda loo qiimeyn: dadka ku shaqeysta xooggooda waa tiir muhiim u ah nolosha bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Waa dad waaberiga hore u kallaha, u dulqaata daal, qabow, ur iyo culays jireed, si ay u helaan nolol xalaal ah, una daboolaan baahiyaha qoysaskooda.
Tan iyo waqtigaas, wuxuu si joogto ah uga shaqeynayay suuqa iyo kawaanka malaayga. Maalin kasta, wuxuu qeyb ka qaataa dejinta, kala saarista iyo rarista malaayga laga keeno badda. Waa shaqo muhiim u ah bulshada, balse aan helin qadarin ku filan.
Markii uu ka hadlayay duruufaha ay wajahaan shaqaalaha kawaanka, Maxamed wuxuu si qiiro leh u sheegay in shaqadani aysan ahayn mid sahlan. Waxay u baahan tahay dulqaad, geesinimo iyo dadaal joogto ah. Shaqaalaha goobtan waxay la kulmaan caqabado badan oo ay ka mid yihiin shaqo adag oo mararka qaar halis leh, dakhli aan joogto ahayn iyo qalabka shaqo oo kooban.
Haddana, waxa iga yaabiyey waa sida uu Maxamed u muujiyey kalsooni iyo sharaf. Inkasta oo ay jiraan caqabado badan, wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu si xalaal ah u shaqeeyo, isla markaana uu qeyb ka yahay horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta kalluumeysiga dalka.
Tani waa farriin muhiim ah oo ku socota dhammaanteen. Bulsho kasta oo horumar rabta waa inay qiimeysaa dadka shaqeeya, gaar ahaan kuwa ku jira shaqooyinka adag ee aan mar walba muuqan, balse nolosha dadka kale saldhigga u ah. Kalluumeysatada, xoogmaalatada, suuqlayda iyo shaqaalaha maalinlaha ah waxay mudan yihiin ixtiraam, taageero iyo fursado ka wanaagsan kuwa ay maanta haystaan.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ay fahmaan in shaqo kasta oo xalaal ah ay leedahay sharaf. Shaqo ma ceebeyso qofka; waxa qofka qiimeeya waa dadaalkiisa, daacadnimadiisa iyo sida uu uga qeyb qaato nolosha qoyskiisa iyo bulshada.
Farriinta Maxamed ee ugu dambeysay waxay ahayd mid kooban balse miisaan leh:
“Shaqo kasta oo xalaal ah waa sharaf. Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan kula talinayaa inay ka fogaadaan quusashada, ayna ku dadaalaan shaqada iyo horumarka.”
Hadalkan waa cashar bulsho. Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay dhalinyaro aan quusan, dad shaqada qiimeeya, iyo nidaamyo taageera dadka danyarta ah ee ku tiirsan xooggooda. Haddii aan rabno horumar dhab ah, waa inaan ka bilownaa aqoonsiga iyo taageeridda dadka sida Maxamed oo kale ah.
Booqashadayda Kawaanka Malaayga ee Xamarweyne waxay ii muujisay halgan nololeed, adkeysi iyo rajada ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. Waa sheeko ka weyn hal qof; waa sawir ka tarjumaya kumannaan qof oo Soomaaliyeed oo maalin kasta u taagan hagaajinta nolo Sharaf leh.
Shaqo xalaal ah waa sharaf. Dadka shaqeeya waa in la qiimeeyaa. Horumarka dalkuna wuxuu ku dhismi karaa oo keliya dadaal, isku duubni iyo garab istaag bulsho.
________________________________
Ayaan Said Tukale waa Khabiir arrimaha Xuquuqda Aadanaha ahna La-taliye Sare oo Arrimaha Horumarinta Haweenka. Hoggaan iyo Himilo u Adeegaya Mustaqbalka Soomaaliya