By Sayid Ali Haji
Sunday May 10, 2026

Mudaaharaadkii ay dhawaan ku baaqeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho, kaasoo la filayay in ay ku soo bandhigaan awooddooda siyaasadeed, aragtidooda iyo taageerada ay ka haystaan bulshada, isla markaana ay xukuumaddu soo dhaweysay, una astaysay goobtii ay ku qaban lahaayeen mudaaharaadka, iyada oo weliba ay gacan ku siisay sugidda amnigooda iyo amniga guud, tallabaadaa oo ah mid ka duwan dhaqankii xukuumaddii hore (2017-2022), ay ku horistaagi jirtay mudaharaadyada mucaaradka, kuna waxyeellayn jirtay dibad-baxayaasha ka qaybqaadanaya mudaaharaadka. Waxa uu ahaa dhacdo si weyn loo dhowrayay, loogana daawaday gudaha dalka iyo sidoo kale dunnida dacalladeeda.
Abaabulkaa oo ay mucaaradku ku hawlanaayeen diyaarintiisa in muddo ah, lana filayay inuu muujiyo baaxadda awooddooda siyaasadeed iyo taageeradooda bulsho ayaa ugu dambayntii ku idlaaday fashil iyo foolxumo ay dad badani filayeen, haseyeeshe sida muuqata aanu mucaaradku filayn, taa oo daaha ka rogtay caqabado guun ah iyo horjoogsiyo baaxad leh, oo ku hareeraysan mucaaradka, kuwaa oo si gaar ah u taabanaya dhinacyada karaankooda hoggaamineed, aragtidooda siyaasadeed, iyo fahamkooda la xiriira isbeddelka bulshada iyo waayaha dunida.
Si loo fahmo fashilka iyo foolxumada ay mucaaradku maanta dhex-fadhiyaan, waxaa lamahuraan ah xiriirinta saddex arriimood oo midiba ay goonideeda u naafaysay garaadka iyo karaanka mucaaradka, iyada oo wadjirka arrimahaasuna uu fadhiid ka dhigay siyaasiyiintii horboodaysay mudaaharadkii maanta (10/05/26) ka dhacay Muqdisho, saddexdaa arrimood oo kala ah:
1- Nugaylka qaab-dhismeedka mucaaradka iyo jiritaan la’aanta aragti siyaasadeed oo ay ku midaysanyihiin.
2- Isbeddelka weyn iyo horumarka ay samaysay bulshada, halka uu mucaaradku weli ku hadaaqayo luqaddii duugga ahayd ee sannadihii la soo dhaafay taallay masraxa siyaasadda.
3- Dowladda Federaalka - oo aan ka marnayn qaladaad muuqda - oo soo bandhigtay waxqabad aan la inkiri karin iyo barnaamij siyaasadeed oo bulshada soo jiitay una abuuray mustaqbal yididdiilo leh.
Mucaarad aan lahayn mashruuc siyaasadeed oo mideysan
Mid kamid ah sababaha ugu waaweyn ee fashilka mudaaharaadka maanta ka dhacay Muqdisho, ayaa ah in mucaaradku aanu weli isu beddelin xoog siyaasadeed oo casri ah oo leh mabda’, barnaamij iyo himilo qaran oo cad. Siyaasiyiinta hormuudka ka ah mucaaradkuna, waa shaqsiyaad muddo dheer ku jiray siyaasadda dalka, haseyeeshee aan weligood ku guulaysan dhismaha xisbiyo ama dhaqdhaqaaqyo siyaasasdeed oo ay hoggaamiyaan, kuna dhisan aragti siyaasadeed oo cad, bulshaduna fahmi karto. Siyaasaddooduna waxa ay ahayd mid inta badan ku meeraysta tartanka kursiga, ayna weheliso is-xulufaysi aan waarin oo ku meel gaar ah, saldhigiisuna yahay nidaamka awood qaybsiga qabiil ee muddada dheer soo jiray. Tani waxa ay keentay in bulshada inteeda badan aanay u muuqan saami macno leh oo ay mucaaradku ku soo biirinayaan geeddi-socodka dowlad-dhiska, iyo qorshe ay ku horumarinayaan qaabdhismeedka dowladda. Hiigsigooduna waxa uu yahay in ay kursiga u weydaarataan hadba kii hoggaanka haya xilligaa isaga ah.
Waxaa xusid mudan in mucaardku u dabran yihiin dhaqan siyaasadeed haraadi ah, oo ku qotoama colaadihii siyaasadeed ee dalka naafeeyay. Qaar kamid ah mucaaradka waxay wali bulshada kula hadlayaan mawjado iyo hirar ay hareeyeen:
• Cabsigelin ku salysan qabyaalad,
• Kicin xusuuso colaadeed ee hore, iyo
• Luqad siyaasadeed oo ku dhisan kala qaybin iyo shaki aburis.
Halka dunidu ay maanta ka hadlayso:
• Dowlad wanaag,
• Koboc dhaqaale,
• Tiknoolajiyad,
• Maalgashi,
• Shaqo abuur, iyo
• Tartanka aqoonta,
Mucaaradka badankii waxa ay wali ku mashquulsan yihiin doodihii awood qaybsiga iyo nidaamyadii ku meel gaarka ahaa ee muddo dheer dalka kusoo jiray. Taasi waxay si gaar ah uga fogeysay mucaaradka dhegaha jiilka cusub ee Soomaaliyeed.
Maanka iyo xusuusta bulshada waxaa u muuqda siyaasiyiin kamid ah mucaaradka oo ku tilmaaman:
• Ku dhegganaanta kursiga iyo in dhiig lagu daadiyo sidii loo sii haysan lahaa,
• Ka faa’iidaysiga nidaamka qabiilka, si masraxa siyaasadda loogu sii negaado.
• Damac xumo iyo xiriirro ku salaysan dano shisheeye, oo halis ku ah qarranimada iyo midnimada dalka.
• Qayb ka ahaansho dhaliilihii maamulladii hore ee isugu jiray musuqmaasuq, maamul xumo iyo hagardaamaynta bulshada iyo siyaasiyiintaba.
Waxaa intaa dheer in mucaaradku aanay isku aragti ka ahayn arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay kamidka yihiin:
• Dhammeystirka dastuurka,
• Nooca doorashada dalka,
• Xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada,
• Jihada siyaasadeed ee ay tahay in dalku abbaaro.
Dhamaan arrimahaasu waxa ay qayb ka noqdeen in mucaaradku kari waayo, in uu bulshada ka dhaadhiciyo inuu leeyahay aragti iyo awood horseedi karta isbeddel cusub oo ka duwan nidaamka maanta ka jira dalka. Maadaama kooxaha mucaaradku aanay isku aragti ka ahayn arrimaha masiiriga ah ee dalka, waxa keliya ee mideeya ayaa noqday diidmada dowladda xilligaa talada dalka haysa.
Jiilka cusub iyo isbeddelka Soomaaliya
Soomaaliya waa ay ka soo gudubtay duruufihii 1991 iyo 2006, waana mustaxiil in ay dib ugu laabto waayahaa murugada badan. Dadka iyo dalka Soomaaliayana waxaa ka dhacay isbeddello siyaasadeed, amni iyo kuwa dhaqan-dhaqaale oo horseeday horumar bulsho oo baaxad leh, kaasoo ku salaysan aqoon iyo waayaragnimo ku qotonta adkaysi dulqaad iyo hiigsi ay bulshadu xaqiijintiisa u hurtay naf iyo maal, horumarkaasu waxa uu si gaar ah uga hirgalay magaalooyinka waaweyn iyo dhalinyarada cusub ee kusoo barbaartay waayo ka duwan kuwii dagaallada sokeeye.
Jiilkan cusub waxa uu leeyahy astaamo ay kamid yihiin:
• In aan si fudud loogu kicin karin abaabul ku salaysan qabiil iyo qabyaalaad,
• In aan lagu abaabuli karin cabsigelin siyaasadeed,
• In aan lagu soo xerogelin karin halkudhigyo waddaniyadeed iyo kuwa diineed,
• In aanu aqbalaynin siyaasad ku dhisan diidmo iyo xanaaq, aanay wehlinin aragti iyo qorshe cad oo siyaasadeed oo ay qiimayn karaa faa’iidadiisa iyo khasaarihiisa.
Jiilkani waxay uu doonayaa:
• Hoggaan leh hiigsi iyo himilo qaran,
• Saldhigiisuna yahay ururro iyo xisbiyo siyaasadeed,
• Dowlad shaqeyneysa, daboolina karta baahiyahooda manta iyo berritaba,
• Abuurista fursado dhaqaale,
• Diyaarin adeegyo waxbarasho iyo kuwa caafimaad, iyo
• Ka qaybgal siyaasadeed oo dhab ah, oo u suurageliya in ay qayb ka noqdaan hoggaanka dalka.
Sidaas darteed, markii dhalinyaradu arkeen dallada kulmisa mucaaradka oo ay ku urursan yihiin siyaasiyiin astaan u ahaa xilliyadii burburka iyo dagaallada, waxa ay dareemeen in mucaaradku uusan matalin Soomaaliyada cusub ee ay rajeynayaan.
Waxaa sidoo kale niyad jab dhalisay muuqaalka siyaasiyiinmuddada dheer ku jiray siyaasadda oo wali ku hadlaya luqado iyo fikrado kasoo jeeda casrigii mugdiga ahaa ee lasoo dhaafay, xilli ay bulshada qaybaheeda kala duwan ay u diyaargaroobayaan fulinta doorashooyin toos ah, maalgashi, amni iyo dowladnimo casri ah.
Dhanka kale, isla waqtigaan ay mucaaardku abaabulayaan mudaaharaadkooda, waxaa shacabka Muqdisho horyaallo muuqaallada boqollaal kun oo qof oo safaf ugu jira codaynta, iyo diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo cod ee ka socda qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka, gaar ahaan Koofur Galbeed oo ay bulshada ku dhaqani u damaashaadayso maanta doorasho ka socota halkaa. Taasi waxa ay abuurtay isbarbardhig siyaasadeed oo xooggan oo ah: bulshada oo u muuqata inay u socoto jihada doorashooyin toos ah, halka mucaaradka ay wali ku dheggan yihiin nidaamyo dadban oo ay dad badan u arkaan kuwo waqtigoodii dhammaaday.
Dowladda Federaalka: khaladaad jira, balse leh jihayn muuqata
Falanqeynta dheellitirani iskama indho tiri karto in Dowladda Federaalka ay leedahay khaladaad iyo dhaliilo muuqda oo ay ugu waaweyn yihiin:
• Maamulka dhulka danta guud,
• Habka loo maareeyay qaar kamid ah khilaafaadka siyaasadeed, iyo
• Su’aalo la xiriira guud ahaan maamulka awoodda.
Hase yeeshee, waxaa mudan in dhaliisho aanay naga indha saabin, waxqabadka dowladda iyo jihada siyaasadeed ee ay u jeexday dalka. Guulaha ay muddooyinkii dambe dowladda federaalku gaartayna waxaa laga tilmaami karaa:
• Deyn cafinta Soomaaliya,
• Qaadista cunaqabateyntii hubka,
• Xoojinta xiriirka caalamiga ah,
• Ku biirista ururrada iyo suuqyada gobolka,
• Kordhinta dakhliga gudaha,
• Dib-u-xoreynta deegaano badan, iyo
• Ballaarinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.
Sidoo kale dowladda waxay soo bandhigtay ajende siyaasadeed oo muuqda, oo laga tilmaami karo:
• Dhammeystirka dastuurka,
• Hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod,
• Difaaca madaxbannaanida dalka,
• Iska caabbinta dadaallada lagu wiiqayo midnimada Soomaaliya, iyo
• Rajada la xiriirta ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka.
Guulahaas iyo ajendayaashaas ayaa dowladda u abuuray sawir ah inay leedahay jiho siyaasadeed oo cad, inkastoo ay jiraan khaladaad iyo caqabado waaweyn.
Maxaa laga baran karaa fashilka mudaaharaadka maanta?
Fashilka mudaaharaadka mucaaradka waxa uu noqday muraayad ka tarjumaysa marxalad cusub oo ay Soomaaliya gashay. Waxa uu muujiyay in bulshada Soomaaliyeed — gaar ahaan jiilka cusub — aysan mar dambe ku qanci doonin mucaaradnimo ku dhisan:
• Diidmo keliya,
• Kicin xusuuso colaadeed, ama
• Hal-ku-dhegyo siyaasadeed oo duugoobay.
Bulshada maanta waxay raadineysaa:
• Aragti qaran,
• Hoggaan leh kalsooni,
• Barnaamij siyaasadeed oo la taaban karo, iyo
• Mustaqbal ka duwan kii ku-meel-gaarka iyo jahawareerka siyaasadeed ay hareeyeen.
Taasi waxa ay mucaaradka ku qasbeysaa inay dib isu weydiiyaan su’aalo aasaasi ah, oo ay kamid yihiin:
• Yaa nahay?
• Maxaan doonaynaa?
• Maxaa na mideeya?
• Maxay bulshada naga sugaysaa?
• Maxaan uga duwanahay dowladda aan mucaaradayno?
• Suurtagal ma tahay in Soomaaliya maanta lagu sii maamulo isla nidaamyadii ku meel gaarka ahaa iyo doorashooyinkii dadbanaa ee muddada dheer jiray?
Su’aalahaasi waxay noqon karaan bilowga dib-u-habeyn siyaasadeed oo dhab ah. Waxayna sidoo kale saldhig u noqon karaan wada-hadal qaran oo ku saabsan mustaqbalka dalka — wada-hadal ay muhiim tahay in lagu wajaho xaqiiqooyinka cusub ee Soomaaliya, halkii lagu sii jiri lahaa xusuusihii iyo hababkii siyaasadeed ee duugga ahaa.
Ugu dambayn, dhacdadan waxa ay muujisay in Soomaaliya ay si tartiib ah uga gudbeyso siyaasaddii ku dhisnayd ku meel gaarka iyo kala qaybsanaanta, una gudbeyso marxalad cusub oo bulshada, gaar ahaan dhalinyarada, ay ku doonayaan helitaanka hoggaan leh himilo, qorshe qaran, iyo awood uu ku hoggaamiyo dowlad casri ah oo la jaanqaadi karta dunida isbeddelaysa.
Waxaa qoray : Sayid Ali Haji