By Sayid-Ali Haji
Thursday March 26, 2026

Shalay oo Taariikhdu ahayd 25 March 2026, Waxaa qoraal uu bartiisa gaarka ah ee Facebook uu ku baahiyay Xoghaye Abdirahman Odowaa uu ku sheegay inuu ka tagay xilkii iyo xubinnimadii Xisbiga JSP. Sidoo kale waxa uu eedo culus usoo jeediyay Macallinkiisa iyo Bar-baariyihiisa Siyaasadda, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Xoghaye Odowaa, waxa uu ka mid yahay jiil siyaasiyiin ah oo uu siyaasadda ku soo daray Madaxweyne Xasan Shiikh muddo xileedkiisii hore ee (2012 - 2017) balse waxa uu kaga duwanaa siyaasiyiinta uu Madaxweynuhu soo dhoobay Masraxa Siyaasadda in isagoo aan waligiis Xil iyo shaqo Dowladnimo midna hore u qaban in uu Madaxweynuhu u xushay oo uu ku aaminay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ee Dalka. Odowaa ayaa laga soo waday Jaamacadda SIMAD oo uu Hoggaankeeda ahaa, iyadoo isla Madaxweyne Xasan Shiikh uu horey ugu dhiibay Xilka Madaxweynaha Jammacadda.
Siyaasadda in lagu kala tago waa sunno soo jireen ah, balse waxaa Ummadda Soomaaliyeed intooda taqaana Sooyaalka xiriirka u dhaxeeya Abdirahman Odowaa iyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, ku noqday fajac iyo dhakafaar heerka daacad darro, khiyaano iyo Abaal dhac ee uu Abdirahman Odowaa u geystay Macallinkiisa iyo Barbaariyihiisa Siyaasadda, xilliga uu ku soo aadiyay qoraalka iyo Eedaha Sumcad dilka ah ee uu ku dhoobay Madaxweynihiisa, iyadoo lagu jiro xaalad kala guur ah oo madaxweynuhu u baahnaa garab istaaga tacabkiisii siyaasadeed oo uu Odawaa ka mid yahay.
Abdirahman Odowaa oo intii u dhaxeysay (2017 - 2022) ka mid ahaa Xildhibaanada Mucaaradka kuwooda ugu qeylada badan, waxa ay dadku waayeen muuqiisa 4tii sano ee la soo dhaafay, isaga oo wakhtigiisa ugu badan galiyay dalaalidda Dhulka danta Guud, iyo dhisashada Daaro. Ma dhicin muddadaas in uu fagaare la soo istaago dhaliil toosin ah oo uu uga fikir duwan yahay Dowladda, balse si taas ka duwan waxa uu qeyb ka ahaa ansixinta 4tii Cutub ee hore ee Dastuurka iyo hirgalinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah, taasoo marag ka ah sida uu ugu qanacsanaa Siyaasadda uu ceebeynayo ee Madaxweynaha.
Waa meel ka dhac in uu ku balan furo oo khiyaameeyo Madaxweynihii Abaalka Siyaasadeed u soo galay, Ummadda Soomaaliyeedna baray iyo inuu isku dayo inuu Madaxweynaha kaligiis ku ceebeeyo Ajandayaal ay ka wada shaqeynayeen 4tii Sano ee la soo dhaafay.
Xoghaye Odowaa, muddo uu huursanaa Kadib, waxa ugu weyn ee uu haatan iibinayo waa dhabar ka toogashada Macallinkiisa iyo Bar-baariyihiisa Siyaasadda, taasoo aan wax qiime ah ka joogin Suuqa Siyaasadda.
Maadaama uu ku balan furay Macallinkiisa, waxaa la filan karaa inuu dib u soo hunguriyeeyo Kursiga Hop#069 oo dib u doorashadiisii 2022 uu meel fagaare ah ka cadeeyay in aanu mar kale u soo socon.
--------------------------------------------------------------------------------------------------------
The views expressed in this article are the authors’ own and do not necessarily reflect Hiiraan Online’s editorial stance.