advertisements

Xiriirka Somaliland iyo Israel: Dan siyaasadeed mise Ka leexasho mawqifkii taariikhiga ahaa ee Soomaalida iyo Muslimiinta?

Font Size

By: Yusuf Said Hersi
Thursday June 25, 2026

Xiriirka Somaliland iyo Israel: Dan siyaasadeed mise Ka leexasho mawqifkii taariikhiga ahaa ee Soomaalida iyo Muslimiinta?

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay hadal-heynta ku saabsan suuragalnimada in Somaliland ay xiriir siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed la yeelato Dowladda Israel. Arrinta ayaa si gaar ah u soo xoogeysatay kadib isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacay Geeska Afrika iyo dadaallaada ay Somaliland ugu jirto inay hesho aqoonsi caalami ah. Hase yeeshee,doodda ku saabsan xiriirka Israel ma aha oo keliya mid ku kooban danaha siyaasadeed iyo diblomaasiyadda; waa arrin taabanaysa aqoonsi diimeed, dareen bulsho, iyo mowqif taariikhi ah oo Soomaalidu ka lahayd qadiyadda Falastiin.

advertisements
Su’aasha ugu weyn ayaa ah: Somaliland ma gaari kartaa yoolal siyaasadded iyadoo xiriir la sameyneysa Israel, mise tallaabadaasi waxay dhaawici kartaa taageerada ay shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiintu u hayaan qadiyadda Falastiin?

Qadiyadda Falastiin iyo Dareenka Muslimiinta

Qadiyadda Falastiin muddo tobannaan sano ka badan waxay ahayd arrin ay Muslimiinta dunidu u arkaan waajib akhlaaqeed iyo mid siyaasadeed. Taageerada Falastiiniyiinta kuma koobna oo keliya xiriir diimeed, balse waxay ku salaysan tahay aragti ah in dad lagu hayo cadaadis iyo in xuquuqdooda qaran la duudsiyay.

Bulshada Soomaaliyeed, gudaha Soomaaliya iyo Somaliland labadaba, waxay taariikh ahaan garab istaageen shacabka Falastiin. Mowqifkan wuxuu salka ku hayaa isku xirnaanta diinta Islaamka iyo dareenka ah in cadaalad-darrada lagu hayo Falastiiniyiinta ay tahay arrin u baahan taageero joogto ah.

Sidaas darted, dadka ka soo horjeeda xiriirka Israel waxay ku doodaan in aanay habboonayn in la caadeesto xiriirka Israel inta aan xal waara oo cadaalad ku dhisan laga gaarin qadiyadda Falastiin. Waxay qabaan in xiriirka noocaas ahi uu fariin khaldan u diri karo Muslimiinta iyo shacabka Falastiin.

Aragtida Danaha Siyaasadeed

Dhanka kale, waxaa jira kuwo qabo in siyaasadda arrimaha dibadda lagu saleeyo dano qaran, ee aan lagu saleeyn oo keliya dareen iyo mabda’. Aragtidan waxay sheegaysaa in Somalialand, maadaama ay muddo dheer raadineysay aqoonsi caalami ah, ay xaq u leedahay inay la macaamisho dowlad kasto oo ay u aragto inay ka caawin karto himilooyinkeeda siyaasadeed iyo dhaqaale.

Israel waxay leedahay awood farsamo, dhaqaale iyo mid tiknoolajiyadeed oo ay dowlado badan dunida kula shaqeeyaan. Sidaa darted, taageerayaasha xiriirka Israel waxay ku doodaan in Somaliland aysan iska indho tiri Karin fursadaha ka dhalan kara iskaashi dhinacyada beeraha, biyaha, amniga iyo tiknoolajiyadda.

Hase yeeshee, xitaa haddii dooddan la aqbalo, su’aasha taagan waxay tahay in faa’iidooyinka la filayo ay ka weyn yihiin kharashka siyaasadeed iyo kan bulshada ee ka dhalan kara.

Somalialnd iyo Soomaaliya: Doodda Sharciyadda Siyaasadeed

Arrin kale oo aan la iska indho tiri Karin waa xaqiiqda ah in Somaliland aysan weli helin aqoonsi caalami ah oo madax-bannaanideeda lagu aqoonsaday. Marka loo eego nidaamka caalamiga ah ee hadda jira, Somaliland waxaa loo tixgeliyaa inay qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Taas macnaheedu waa in tallaabo kasta oo diblomaasiyadeed oo waaweyn ay saamayn ku yeelan karto guud ahaan doodaha la xiriira mustaqbalka Soomaaliya, midnimada Soomaaliyeed, iyo xiriirk ay Soomaalidu la leeyihiin dunida Muslimka ah.

Dadka taageersan midnimada Soomaaliya waxay qabaan in xiriir kasta oo lala yeesho Israel iyadoo aan jirin wada-tashi Soomaaliyeed oo ballaaran uu sii adkayn karo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka.

Gunaanad

Doodda ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Israel ma aha dood sahlan. Waxay ku dhex jirtaa laba aragtiyood oo iska soo horjeeda: mid ku salaysan danaha siyaasadeed iyo raadinta aqoonsiga, iyo mid ku salaysan mabd’a diimeed iyo taageerada qadiyadda Falastiin.

Inta qadiyadda Falastiin aan laga gaarin xal cadaalad ku dhisan, waxaa muuqata in qayb weyn oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta dunidu ay sii wadi doonaan diidmada xiriir caadi ah oo lala yeesho Israel. Sidoo kale, maadaama Somaliland weli ku jirto muranka siyaasadeed ee ku saabsan aqoonsigeeda, tallaabo kasta oo la xiriirta Israel waxay noqon doontaa arrin ka weyn diblomaasiyad keliya; waxay noqon doontaa arrin taabanaysa aqoonsi, diin, iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaalida.

___________________

Yusuf Said Hersi
[email protected]