advertisements

Turkiga, saamaynta gobolka, iyo su’aasha mustaqbalka Soomaaliya 

Font Size

Qore: Yusuf Said Hersi
Sunday June 21, 2026

Turkiga, saamaynta gobolka, iyo su’aasha mustaqbalka Soomaaliya 

Aragti Siyaasadeed

Sanadihii u dambeeyey, Turkigu wuxuu noqday awood si weyn uga muuqata Bariga Dhexe, Waqooyiga Afrika iyo Geeska Afrika. Siyaasaddiisa dibadda waxay ka gudubtay iskaashi dhaqaale iyo gargaarka horumarinta, iyadoo mararka qaar isu beddeshay saameyn siyaasadeed iyo amni oo toos ah. Tusaalooyinka ugu badan ee arrintan lagu xuso waxaa ka mid ah Libya iyo Azerbaijan, halkaas oo Ankara ay door muuqda ka qaadatay taageeridda dowlado iyo hoggaamiyeyaal ay u aragtay inay danaha istiraatiijiyadeed ee Turkiga la jaanqaadayaan.

Libya, Turkigu wuxuu si weyn u taageeray dowladda Midnimada Qaranka xilligii dagaallada sokeeye ay sii xoogeysanayeen. Taageeradaas waxay ahayd mid ciidan, diblomaasiyadeed iyo farsamo isugu jirta. Natiijadii ka dhalatay waxay ahayd in dowladda uu Turkigu taageerayay ay sii haysato awooddeeda siyaasadeed xilli ay wajahayeen cadaadis gudaha iyo dibaddaba ah. Sidaas darted, dad badan ayaa rumeysan in Turkigu uu noqday mid ka mid ah awoodaha ugu saamaynta badan siyaasadda Libya.

advertisements
Sidoo kale, Azerbaijan, gaar ahaan dagaalkii Nagorno-Karabakh, Turkigu wuxuu si cad u taageeray dowladda Baku. Guusha militari ee Azerbaijan kadib, saameynta Turkiga ee gobolkaas ayaa sii korortay, taas oo Ankara siisay fursad ay ku xoojiso xiriirkeeda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Marka indhaha lagu soo jeediyo Soomaaliya, waxaa muuqata in Turkigu uu yahay saaxiibka dibadda ee ugu firfircoon tan iyo 2011. Wuxuu dhisay kaabayaal dhaqaale, isbitaallo, iskuullo, saldhigyo ciidan iyo mashaariic horumarineed oo badan. Dowladda Turkiga waxay sidoo kale noqotay mid si dhow ula shaqeysa madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Hase yeeshee, su’aasha ay qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliyeed isweydiinayaan ayaa ah: ma ku ekaanaysaa doorka Turkiga horumarinta iyo iskaashiga amniga, mise wuxuu u sii gudbayaa saameyn toos ah oo ku saabsan jihada siyaasadda gudaha Soomaalia?

Aragtidan waxay tilmaamaysaa in Turkigu, sida uu ugu lug yeeshay qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Libya iyo Azerbaijan, uu doonayo inuu saameyn muuqata ku yeesho hoggaanka iyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya. Dadka qaba aragtidan waxay tusaale u soo qaataan xiriirka dhow ee u dhexeeya Ankara iyo Villa Soomaaliaya, iyo sidoo kale kaalinta Turkiga ee taageeridda  dowladaha iyo maamullada la shaqeeya dowladda federalka.

Qaar ka mid ah dadka qaba aragtidan waxay ku doodaan in habkii uu u dhacay isbeddelka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu muujinayo awoodda isbahaysiyada gudaha iyo dibadda ee taageerayay maamulkaas. Waxay rumeysan yihiin in Turkigu uu ka mid ahaa quwadahii dibadda ee taageeray xasilloonida iyo sii jiritaanka maamulkaas. Inkastoo oo aanay jirin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in Ankara ay si toos ah u dooratay ama u magacawday hoggaamiyeyaasha maamullada Soomaaliya, haddana dooddaas waxay sii ahaanaysaa mid ka dhex jirta falanqeyaasha siyaasadda.

Dhanka kale, taageerayaasha siyaasadda Turkiga waxay ku doodayaan in Ankara aysan Soomaaliya ula dhaqmin sida quwadaha kale ee gobolka, balse ay mudnaanta siiso dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, tababarka ciidamada iyo mashaariicda horumarineed. Sida ay qabaan,  xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu ku salaysan yahay iskaashi laba geesood ah oo faa’iido wadaag ah.

Iyadoo ay sidaas tahay, waxaa la filan karaa in Turkigu uu sii ahaan doono ciyaaryahan muhiim ah oo saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Arrimaha Galmudug, wada-hadallada siyaasadeed, dhexdhexaadinta khilaafaadka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa noqon kara meelaha lagu cabbiro heerka dhabta ah ee saameynta Ankara.

Gabagabadii, su’aasha muhiimka ahi ma aha in Turkigu saameyn ku leeyahay Soomaaliya iyo in kale, waayo taas waxaa caddeynaya joogitaankiisa dhaqaale, amni iyo diblomaasiyadeed. Su’aasha dhabta ahi waa heerka ay gaarsiisan tahay saameyntaasi iyo sida ay mustaqbalka u qaabeyn karta siyaasadda Soomaaliya.  Jawaabta arrintaas waxaa bixin doona dhacdooyinka sannadaha soo socda iyo sida ay u dhacaan heshiisyada siyaasadeed, doorashooyinka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.

___________________

Yusuf Said Hersi
[email protected]