By: Yusuf Said Hersi
Saturday June 20, 2026

Madaxweyne-ku -xigeenka Puntland ayaa dhowaan sheegay hadal siyaasadeed oo dhaliyey dood iyo falanqayn badan. Wuxuu yiri: “Cid kasta oo masuul ka ah Puntland Meesha uu joogo waa in uu ka taliyaa, kana hor yimaadaa mucaaradka; haddii uu taas awoodi waayana waa in uu isaga tagaa masuuliyadda.”
Hadalkaasi marka dhinac laga eego waa aragti xoojinaysa isla xisaabtanka iyo masuuliyadda siyaasadeed. Masuul kasta oo xil haya waxaa laga filayaa inuu taageero iyo kalsooni ka helo bulshada uu matalo, isla markaana uu difaaco siyaasadda iyo jiritaanka maamulka uu ka tirsan yahay. Hase yeeshee, marka hadalkaas loo fiiriyo xaqiiqada siyaasadeed ee Puntland maanta ka jirta, waxaa soo baxaya su’aalo badan oo mudan in la isweydiiyo.
Gobolka Karkaar iyo Su’aasha Hoggaanka
Haddii la qaato mabda’a uu Madaxweyne-ku-xigeenku sheegay, waxaa isweydiin mudan:
Madaxweynaha Puntland ma awoodi karaa inuu wax ka qabto mucaaradka ka jira gobolka uu ka soo jeedo?
Haddii jawaabtu tahay haa, waxaa la filayaa in la arko dadaallo mideyn iyo wada shaqayn lagu xoojinayo. Haddii se aysan taasi suurtagelin, markaas hadalkii Madaxweyne-ku -xigeenka wuxuu noqonayaa mid marka hore lagu cabbiri karo madaxda ugu sarreysa ee maamulka.
Nugaal iyo Mas’uuliyadda Wasiirada iyo Xildhibaanada
Gobolka Nugaal waa saldhigga siyaasadeed iyo maamulka Puntland. Waa gobolka ay ku taal caasimadda maamulka, waana halka ay ka bilaabatay aasaaskii Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, Nugaal sidoo kale waxay leedahay kooxo iyo aragtiyo mucaarad ah.
Haddaba, haddii masuul kasta lagu qiimeynayo awooddiisa uu ku xakameyn karo mucaaradka ama ku kasban karo taageerada bulshada, mas’uuliyadda Nugaal waxay si gaar ah u saaran tahay wasiirada, xildhibaanada, iyo madaxda ka soo jeeda gobolkaas.
Su’aashu waxay tahay:
Wasiirrada, Xildhibaanada iyo madaxda Nugaal ma awoodaan inay yareeyaan kala aragti duwaanaanta siyaasadeed ee gobolka?
Jawaabta su’aashan ayaa noqoneysa imtixaan dhab ah oo lagu cabbirayo hirgelinta hadalkii Madaxweyne-ku -xigeenka.
Mudug iyo Doorka Wasiirrada iyo Xildhibaannada
Gobolka Mudug ayaa isaguna ka mid ah gobollada muhiimka ah ee Puntland. Gobolkaasi wuxuu leeyahay saameyn siyaasadeed, dhaqaale iyo amni oo aad u weyn.
Waxaa jira codad mucaaradnimo oo ka muuqda gobolka, waxaana masuuliyad gaar ah saaran wasiirrada, xildhibaannada iyo madaxda kale ee deegaankaasi matala.
Marka la raaco hadalka Madaxweyne-ku -xigeen, waxaa la isweydiinayaa:
Mas’uuliyiinta Mudug ma awoodaan inay helaan taageero buuxda oo shacabka gobolka ka timaadda? Mise mucaaradku wuxuu sii ahaan doonaa xaqiiqo siiyaasadeed oo aan laga maarmin?
Hadalka Madaxweyne-ku -xigeen iyo Xaqiiqada siyaasadda
Xaqiiqadu waxay tahay in nidaamka dimuqraadiga ah uu aqbalo jiritaanka mucaarad. Mucaaradku ma aha mar walba calaamad muujinaysa guul-darro hoggaamineed, balse wuxuu qayb ka noqon karaa nidaam caafimaad qaba oo siyaasadeed.
Sidaas darted, su’aasha ugu weyn ma aha in mucaaradku jiro iyo in kale; balse waa:
• Ma jiro wada hadal siyaasadeed?
• Ma jirtaa kalsooni shacabka iyo dowladda ka dhexeysa?
• Ma awoodaan masuuliyiintu inay kasbadaan taageerada shacabka iyagoo adeeg iyo hoggaan wanaagsan bixinaya?
Haddii jawaabahaas ay noqdaan kuwo wanaagsan, markaas jiritaanka mucaaradku ma dhaawacayo xasilloonida maamulka.
Puntland: Aasaas iyo Mustaqbal
Puntland waxay ka aas-aasantay gobolka Nugaal, balse waxaa muddo dheer laf-dhabar u ahaa taageerada iyo ilaalinta gobollada kale, gaar ahaan Karkaar.
Tariikh ahaan, wadajirka gobollada Puntland ayaa ahaa tiirka ugu weyn ee lagu ilaaliyey jiritaanka maamulka.
Haddii maanta khilaafaadka siyaasadeed, kala shakiga iyo loollanka awooddu ay sii xoogaystaan, waxaa jirta cabsi ah in dhaawac soo gaadho midnimadii iyo wadajirka Puntland.
Sidaas darted, badbaadada Puntland kuma xirna keliya awoodda masuuliyiinta inay la dagaallamaan mucaaradka, balse waxay ku xirnaan doontaa awooddooda ay ku mideyn karaan shacabka, ku dhisi karaan kalsooni, uguna horseedi karaan wadajir siyaasadeed.
Gunaanad
Hadalka Madaxeyne-ku-xigeenka Puntland wuxuu xambaarsan yahay fariin ku saabsan isla xisaabtanka masuuliyiinta. Si kastaba ha ahaatee, hirgelinta mabda’aas waxay u baahan tahay in lagu dabaqo dhammaan heerarka hoggaanka, laga bilaabo Madaxweynaha ilaa wasiirrada, xildhibaannadad iyo madaxda kale ee maamulka.
Su’aalaha ka taagan Karkaar, Nugaal iyo Mudug waxay noqonayaan tijaabada ugu weyn ee lagu ogaan karo in hadalkaasi yahay siyaasad dhab ah oo la fulin karo, ama uu yahay hadal siyaasadeed oo u baahan dib-u-eegis iyo qeexitaan dheeraad ah.
Puntland maanta waxay u baahan tahay isku duubni, wada tashi iyo hoggaan mideeya bulshada, si looga gudbo khilaafaadka siyaasadeed loona ilaaliyo jiritaankeeda iyo mustaqbalkeeda.
______________
Yusuf Said Hersi
[email protected]