advertisements

Is-khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hubeynta macawisleyda iyo hub-ka -dhigista Muqadishu

Font Size

Qore: Yusuf Said Hersi
Sunday June 14, 2026

Ma Jirtaa Is-waafaq La’aan Siyaasadeed oo ku Jirta Istaraatiijiyadda Amniga ee Xassan Sheikh Maxamuud?

Is-khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hubeynta macawisleyda iyo hub-ka -dhigista Muqadishu

Siyaasadda amni ee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud waxay dhalisay dood ballaaran oo dhex martay siyaasiyiinta, aqoonyahannada amniga, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Mid ka mid ah arrimaha ugu muranka badan ayaa ah go’aankii dowladda federaalka ay ku hubeysay ciidamada Macawisleyda si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo isla mar ahaantaana dowladda ay ku baaqeyso hub-ka-dhigis laga sameeyo Muqdisho iyo magaalooyinka kale.

Macawisleydu waxay ka dhalatay kacdoon bulsho oo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada bartamaha Soomaaliya. Markii ay ciidamada dowladda la kulmeen caqabado dhinaca amniga ah, bulshada deegaanka ayaa isku abaabushay inay difaacdaan deegaannadooda isla markaana taageeraan howlgalda militari ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa aqoonsatay doorka ay Macawisleydu ku lahaayeen dagaalka, taasoo keentay in la siiyo taageero siyaasadeed, iskaashi amni, iyo hub. Taageerayaasha siyaasaddan waxay ku doodaan in Soomaaliya ay ku jirtay xaalad dagaal oo u baahnayd tallaabooyin aan caadi ahayn. Sidaas darted, hubeynta shacabka dagaalka kula jira Al-Shabaab waxay ahayd baahi amni oo degdeg ah.

Dhanka kale, dadka dhaliila siyaasaddan waxay sheegayaan in hub lagu qeybiyo maleeshiyaad aan si rasmi ah uga tirsaneyn ciidamada qaranka ay keeni karto khataro mustaqbalka fog ah. Waxay ku doodaan in marka hub badan lagu faafiyo kooxo ku saleysan qabiil ama deegaan ay adkaan karto in dowladda dib u maamusho amniga dalka.

Doodda ayaa sii xoogeysatay markii dowladda ay bilowday qorshayaal lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah ee yaalla Muqdisho. Dowladda waxay sheegtay in hub-ka-dhigistu muhiim u tahay sugidda amniga, xasiloonida siyaasadeed, iyo adkeynta sharciga. Hase yeeshee, dadka mucaaradka ah waxay isweydiiyeen sida dowlad hub siisay kooxo gaar ah ay haddana uga dalban karto shacabka kale inay hubka dhigaan.

Marka laga eego dhinaca siyaasadda guud, dadka naqdiya waxay u arkaan arrintan iskhilaaf siyaasadeed. Waxay qabaan in dowlad rabta inay si buuxda gacanta ugu dhigto awoodda amniga aysan ahayn inay hubeyso kooxo aan dowladeed ahayn. Sidaas darted, hubeynta Macawisileyda iyo ololaha hub-ka -dhigista Muqadish waxay u muuqdaan laba fariimood oo iska hor imanaya.

Dadka taageersan dowladda se waxay qabaan aragti kale. Waxay sheegayaan in ay jirto farqi weyn oo u dhexeeya hubeynta ku-meel-gaarka ah ee lagu wajahayo xaalad dagaal iyo  qorshaha muddada dheer ee lagu dhisayo  dowlad awood leh. Sida ay qabaan, hubkii loo adeegsaday dagaalka Al-Shabaab waxaa suurtagal ah in dib loo ururiyo, loo sharciyeeyo, ama lagu daro ciidamada rasmiga ah ee qaranka.

Arrintan waxay si weyn ula xiriirtaa geedi-socodak dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Dowladda waxay wajahayaan caqabadda ah sida loo dheellitiro baahida degdegga ah ee amniga iyo hadafka fog ee ah in la dhiso ciidan qaran oo mideysan oo keliya gacanta ku haya awoodda hubka.

Gebogebadii, doodad ku saabsan hubeynta Macawisleyda iyo hub-ka -dhigista Muqadisho waxay taabaneysaa su’aal aasaasi ah: ma suurtagal baa in dowlad ay shacabka qaar hubeyso xilliga dagaalka, haddana ay si guul leh hubka uga ururiso bulshada marka xaaladdu is beddesho? Jawaabta su’aashaas ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta mustaqbalka amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.

_______________________

Yusuf Said Hersi
[email protected]