By: Yusuf Said Hersi
Monday July 27, 2026

Siyaasaddu ugu dambayn waxay ku xisaabtantaa raadadka ay bulshada iyo dowladnimada uga tagto. Hoggaamiye kasta wuxuu taariikhda ku galaa go’aannadii uu qaatay, habkii uu awoodda u adeegsaday iyo saamaynta ay tallaabooyinkiisu ku yeesheen jiritaanka dowladnimada. Marka laga eego xaggan, muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu dhaliyey dood siyaasadeed oo xooggan, taas oo salka ku haysa qaabka uu ula macaamilay hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyadda iyo mabaadi’ida federaalka.
Aragtidayda, waxaa jiray dhacdooyin aan hore loogu arag siyaasadda casriga ah ee Soomaaliya. Mid ka mid ah kuwa ugu muranka badan wuxuu ahaa arrinta la xiriirtay furista qabuurihii dadka dhintay iyo habkii loola dhaqmay eheladii dadkaas. Dhacdadaas waxay bulshada dhexdeeda ka dhalisay su’aalo ku saabsan karaamada dadka dhintay, waajibaadka dowladda iyo xuquuqda muwaadiniinta. Xitaa haddii dowladdu ay sharciyeyn u haysatay tallaabadaas, qaabka loo maareeyey wuxuu dhaawacay kalsoonidii bulshada.
Dhinaca kale, xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa galay marxalad sii murugsan. Dowladda waxay qaaday tallaabooyin ciidan iyo kuwo siyaasadeed oo ka dhan ahaa maamulka Jubaland, gaar ahaan degaanka Raas Kambooni. Aragtidayda, wixii halkaas ka dhacay waxay dhaawaceen sawirka wadajirka ciidanka qaranka, waxay sii xoojiyeen kala fogaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Khilaafkaas kuma ekaan Jubbaland. Wuxuu ku fiday Koonfur Galbeed, halka manta ay muuqato xiisad siyaasadeed oo sii xoogaysanaysa oo u dhexeeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland. Haddii qaabka lagu wajahayo khilaafaadkaas uu ku salaysanaado awood ciidan iyo cadaadis siyaasadeed halkii uu ka ahaan lahaa wada-hadal iyo tanaasul, waxaa sii adkaanaysa ilaalinta heshiiskii lagu dhisay nidaamka federaalka Soomaaliya.
Taariikhda Soomaaliyeed waxay bixisaa casharo muhiim ah. Marxuum General Maxamed Faarax Caydiid wuxuu muddo gacanta ku hayey qaybo badan oo koonfurta Soomaaliya ah, hase yeeshee awood ciidan uma suuragelin inuu helo xasillooni siyaasadeed oo waarta. Sidoo kale, dowladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, inkastoo ay maamuleysay dalka intiisa badan, waxay ku dambeysay inay wajahdo diidmo xooggan oo horseeday in uu lumiyo taageeradii siyaasadeed iyo tan bulsho.
Labadan dhacdo waxay muujinayaan aragti guud oo ah in awoodda keliya aysan dammaanad u ahayn xasillooni siyaasadeed ama dowladnimo waarta. Xooggu wuxuu keeni karaa guulo ku meel gaar ah, laakiin haddii uusan la socon heshiis siyaasadeed, sharciyad, iyo kalsoonida bulshada, wuxuu wajihi karaa caqabado waaweyn.
Aragtidayda ahaan, haddii xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ama Baarlamaanka ay rumeysan yihiin in jihada siyaasadeed ee dowladda waqtigeedu dhacay ay halis gelinayso midnimada ama xasillonida dalka, waxay haysan karaan dhowr waddo oo dastuuriga ah. Mid ka mid ah waa inay is casilaan iyagoo si cad u sharxaya sababahooda, si ay u muujiyaan mowqifkooda siyaasadeed. Kuwo kalena waxay dooran karaan inay gudaha hay’adaha ka dhex shaqeeyaan si ay u riixaan isbeddel ama wadatashi dheeraad ah. Labaduba waa dariiqooyin sharci iyo dimuqraadi ah oo lagu muujin karo mabda’ siyaasadeed.
Soomaaliya manta waxay u baahan tahay wax ka badan tartan siyaasadeed. Waxay u baahan tahay hoggaan diyaar u ah tanaasul, mucaarad wax dhisa, hay’ado dastuuriga ah oo shaqeeya, iyo bulsho ku kalsoon in khilaafaadka lagu xallin karo wada-hadal halkii ay ka noqon lahaayeen is-muquunin.
Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xirnaan doonaa awoodda madaxda iyo hay’adaha dowladda ay ugu beddeli karaan khilaafka is-afgarad, isla markaana ay u ilaaliyaan dastuurka iyo nidaamka federaalka ah. Haddii la doonayo dowlad si jirta iyo nabad waarta, waxaa lagama maarmaan ah in go’aannada siyaasadeed lagu saleeyo wada-tashi, isla xisaabtan, iyo danta guud ee qaranka.
_______________________________
Yusuf Said Hersi
[email protected]