advertisements

Halis Jiritaan iyo Waddo aan La Mahdin: Taariikhda Qudus iyo Cibrada ku Sugan

Font Size

By: Dr. Hassan Adam Hosoow
Friday January 2, 2026

Halis Jiritaan iyo Waddo aan La Mahdin: Taariikhda Qudus iyo Cibrada ku Sugan
A boy holds a Palestinian flag on top of a mound of rubble in the central Gaza Strip. Eyad Baba/AFP/Getty Images

Bishii April, 1920 markii uu xaakimkii militarigii gumeystaha Ingiriiska u qaabilsanaa Qudus Ronald Storrs uu ka aqbalay in uu noqdo duqa magaalada Qudus xilli Falastiiniyiinta ay kacdoonkii loo yaqaanay Nebi Musa "Nebi Musa Riots" cirka ku shareeriyeen, ayna ku adkaysteen in si ay sii wadi doonnaan haddii aan la joojin dejinta Y'h'dda Yurub ka soo haajiraysay cariga Falastiin iyo iibshashada dhulka, Eng. Ragheb al-Nashashibi duqa cusub ee Qudus, oo ay dul hagooganaysay su'aasha ah sababta uu xil sad quureed ah u qaatay, wuxuu ku jawaabay, "xilka ayaaba na dhaafi lahaa, bal ka warama haddii Storrs uu u magacaabi lahaa qof Ingiriis ah".

Sida taariikhda ku xusan duqa xilka laga qaaday Muusa Qasim al Xuseyni, oo hoggaaminayay kacdoonkaas, wuxuu hanjabaad kala kulmay xaakimka militeri ee Qudus Storrs iyo Herbert Samuel oo ahaa madaxa maamulka madaniga ah ee Falastiin. Muusa al Xuseyni oo xilkaas qabtay ka hor guuldaradii dagaalkii 1-aad ee adduunka ka soo gaartay Cuthmaaniyiintii ay Ingiriiska Qudus kala wareegeen 1918, wuxuu si kalsooni leh ugu jawaabay, " i beddela  haddii aadba heshaan qof dadkayga ka mid ah oo ogolaada in uu qabto xil anigoo qaddiyaddooda u taagan la iga qaaday".

advertisements
Illaa iyo Markii ay Cuthmaaniyiinta xukumayeen Qudus, waxaa jiray loollan culus taariikhi ah oo dhanka siyaasadda ah oo u dhaxeeyay beesha reer al Xuseyni ee uu ka dhashay duqa hore Muusa Al Xuseyni iyo Muftigii Weynaa Xaaji Amiin Al Xuseyni, iyo beesha reer Al Nashaashibi oo uu duqa cusub Ragheb uu ka dhashay.

Maayar Ragheb, asagoo maanka ku haya in uu helay fursad ay reerkiisu kaga sara maraan siyaasad ahaan reer al Xuseyni, wuxuu go'aansaday in uu ka weecdo waddadii halganka looga soo horjeeday Wacadkii Balfuur ee kala qeybinta Falastiin, wuxuuna aqbalay in in uu Ingiriiska caawiyo, Y'h'da soo haajireysana la soo dhoweeyo, maamulka ay ka mid noqdaan, dhul iibsiga u fududeeyo,  kacdoonkana la cabburiyo.

Wuxuu qabtay shaqo culus laga billaabo maalintii la magacaabay sanadkii 1920 illaa uu doorasho ka galo sanadkii 1927-kii taas oo uu ku guuleystay codka Y'h'dda ayadoo magaalada dadkii asalka ahaa iyo Y'h'dda soo degtay xilligiisa ay bar bar yihiin amaba ka badan yihiin. Sida aad ka arki kartaan qoraalka hoose inta lagu jiray doorashada, waxay beesha reer Nashashibi taageero raadin ka gaareen heer uu Ribxi Afendi Al Nashaashibi uu dhaho "ha u codeynina reer Al Xuseyni waayo waa Muslimiin, reer al Nashaashibi u codeeya oo waxaan nahay Y'h'd" oo af Cibri ah, "Aal Xuseyni Moslemiim, Al Nashaashibi Yehudmiim". Doorashada waxay keentay in golaha deegaanka ee Qudus oo ka koobnaa 12 xubnood loo kala qaato 5 Musliim ah, 4 Y'h'd ah iyo 3 masiixi ah.

Sahyuuniyiinta iyo gumeysiga si walba oo ay ugu shaqeystayteen Al Nashaashibi, haddana marna uma ogolaan in uu xukunka gacantiisa wada galo, waxay dantooda ka arkeen "qeybi oo xukun". Sanadkii 1921, sanad kaddib markii xilka looga qaaday Muuse Qaasim Al Xuseyni, waxay xilka Muftiga Magaalada iyo Guddoomiyaha Golaha Islaamka ee waxbarashada iyo masaajidda maamula u magacabeen Xaaji Amiin al Xuseyni, oo oo ka soo jeeda reer duqii la casilay si khilaafka iyo qeybsanaanta labada reer u jirto, si ay u fududaato ka dhex kalluumeysiga dhexdooda midnimo la'aan awgeed.

Kacdoonkii weynaa ee Al Buraaq ayaa dillaacay laba sanadood kaddib August 1929, dhiig badan ayaa ku daatay. Si loo xalliyo, dowladda Ingiriiska ayaa March 1930 waxa ay isugu wacday madaxda Falastiin oo ay reer Al Xuseyni hoggaamiyaan. Maayar Al Nashaashibi oo is maqiiqaya asagoo mucaarad sheeganaya ayuu London aaday taas oo aad uga careysiisay Y'h'da oo cabasho ay uga gudbiyeen xaakimkii Ingiriiska ku sheegay in uusan magac Falastiin shir ku aadi karin maadaama ay ayagu doorteen. Markii uu xaakimkii Ingiriiska uu wax ka qaban waayay cabashadooda, 4-tii xildhibaan ee Yuhuudda waxay qaadaceen fadhiyada golaha deegaanka illaa laga gaaro doorashadii duq magaalo ee 1934-kii.

Al Nashaashibi oo aad uga baqayay inuu waayo codka Y'h'da ayaa wuxuu asagoo kaashanaya gumeysiga ansixiyay in golaha deegaanka 6 ka mid ah la siiyo Y'h'dda, 4 Muslimiinta, labana masiixiyiinta, sidoo kalena la abuuro labo duq ku xigeen oo uu mid noqdo Y'h'di (Daniel Auster) kan kalena Masiixi (Yacoub Farraj). Wuxuu sameeyaba, doorashadii waxaa ku guuleystay Dr. Xuseen al Khalidi (adeerka Professor Rashid Khalidi) oo xulufo la ahaa Al Xuseyni. Sida ku cad qoraalka New York Times ee hoose, Al Nashashibi wuxuu ka dacwooday maxkamadaha, balse waa laga xukumay oo wuu guul dareystay.

Maayar Xuseen al Khalidi wuxuu noqday duq magaalo ayadoo aysan wax awood ah lahayn dadkiisa oo kala qeybsan, magaaladii iyo awooddeedana laga la wareegay 15-kii uu Al Nashashibi ku jiray dagaal beeleed hoose asagoo garab ka helaya cadowga dadkiisa. Mayor Al Xuseyni wuxuu hoggaamiyay kacdoonkii weynaa ee 1937, waxaa xiray Ingiriiska, xilkiina waa kaga xayuubiyay 2 sanadood kaddib doorashadiisa, waxaana loo musaafuriyay Seycelles asaga iyo hoggaamiyayaal kale ee reer Falastiin.

Al Nashashibi kacdoon kama qeyb qaadan, fursad kale ayuu raadiyay, balse ma helin, wuxuuna markii dambe u qaxay Urdun iyo Masar.

Xuseen Al Khalidi ayaa ahaa maayarkii ugu dambeeyay abid ee reer Falastiin ee Qudus maamula. Waxaa xilka mayorka loo dhiibay Daniel Auster oo Y'h'di Austria ka soo haajiray, halkaasna waxaa ku dhintay qaddiyaddii Falastiin ee magaalada barakaysan ee Qudus.

Ragheb Al Nashashibi wuxuu qaddiyaddii Qudus iyo guud ahaan midda Falastiin haadaan uga tuuray dagaal reereed iyo mid caadifadeed oo rakhiis ah. Ma ahayn jaahil, balse waxaa indhaha ka riday loollan reereed kala dhaxeeyay reer walaalihiisa ah. Waa qiimaha arragti gaabnida caadifadeysan. Waana waddo mugdi iyo halaag ah, oo keenta halis gelinta jiritaanka umaddeed.

Farriintii khudbadda Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ee uu baarlamaanka ka horjeediyay ayay talo ku idishahay:

"Shacabka gobolada Waqooyi jiho qaldan ha u riixina, hana u horseedina masiir mugdi ah, meeshaas waddo la mahdiyo idin kama jirto".

Qore: Dr. Hassan Adam Hosoowi