By: Yusuf Said Hersi
Monday August 24, 2026

Waxaa jira waqtiyo ay dowladdu u baahan tahay isku-duubni, isla xisaabtan iyo ilaalinta xuduudaha hay’adaha dowladda. Soomaaliya maanta waxay u muuqataa inay wajahday xaalad ka duwan taas. Doodda siyaasadeed waxay sii xoogeysanaysaa, khilaafkaadka hay’adaha dowladduna waxay mararka qaar u muuqdaan kuwo ka tarjumaya hoggaan iyo maamul aan si wanaagsan isu waafaqsanayn.
Intii lagu jiray dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa soo noqnoqday dhaliilo ku saabsan habka loo maareeyo awoodda, xiriirka dowladda iyo mucaaradka, iyo sida masuuliyiinta dowladda uga falceliyaan dadka ama siyaasiyiinta dhaliila maamulka. Haddii wasiir ama masuul dowladeed uu dhaliil siyaasadeed u arko weerar shakhsi ah, isla markaana uu adeegsado awoodiisa si uu ugu jawaabo qofka mucaaradka ah, waxaa dhaawacmaya fikradda ah in dowladda ay u adeegayso dhammaan muwaadiniinta, ee aysan u adeegayn koox ama aragti siyaasadeed oo keliya.
Sidoo kale, marka safiiro ama masuuliyiin diblomaasiyadeed ay isku qabtaan awoodaha iyo shaqooyinka safaaradda, su’aashu ma aha oo keliya qofka saxda ah iyo qofka qaldan. Su’aasha weyn waxay tahay: yaa dejinaya xuduudaha awoodda hay’adaha dowladda, yaase hubinaya in la ixtiraamo? Dibloomaasiyadda qaranku waxay u baahan tahay hal jiho, amar cad iyo kala dambayn. Khilaafyada muuqda waxay dhaawici karaan sumcadda Soomaaliya, gaar ahaan xilli dalku u baahan yahay kalsooni caalami ah.
Waxaa intaas dheer faragelinta iyo isku dhex yaaca ka dhasha marka masuul ka tirsan hay’ad sharci-dejin uu si toos ah uga hadlo ama farageliyo shaqooyin ay leedahay hay’ad fulineed, sida Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Hay’ad kasta oo dowladeed waxay leedahay waajibaad iyo xuduud uu dastuurku iyo sharcigu qeexayo. Marka xuduudahaas la isku qaldo, waxaa dhaawacmaya mabda’a kala-soocidda awoodaha.
Hddaba waxaa soo baxaya su’aal siyaasadeed oo ka sii weyn: maxaa dhacaya haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sameeyo isku-shaandheyn siyaasadeed ama mid xukuumadeed xilli ay jiraan dooddo ku saabsan sharciyadda iyo muddada awooddiisa?
Haddii wasiiro ama masuuliyiin xilkooda waaya ay markaas go’aansadaan inay si siyaasadeed uga horyimaadaan madaxweynaha, khilaafku wuxuu ka gudbi karaa heerka isbeddelka golaha wasiirrada, wuxuuna geli karaa marxalad cusub oo muran siyaasadeed iyo hay’adeed. Taasi waxay si gaar ah khatar u noqon kartaa haddii aan la helin hannaan cad oo lagu xalliyo khilaafka.
Laakiin waa muhiim in hal arrin la kala saaro: sharciyadda siyaasadeed iyo sharciyadda dastuuriga ahi ma aha wax lagu go’aamiyo hadal siyaasadeed oo keliya. Haddii ay jirto dood dhab ah oo ku saabsan muddada xilka, waa in lagu xalliyaa dastuurka, sharciga iyo hay’adaha awoodda u leh fasiraadda iyo go’aaminta arrimahaas. Siyaasiintu ma noqon karaan garsoorayaal iyaga u gaar ah.
Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya haysata, sida aan u arko, maaha oo keliya qof xil haya ama qof xil laga qaadayo. Waa dhaqanka siyaasadeed ee ka dambeeya maamulka. Marka hay’aduhu qof ku xirmaan, marka xilalka dowladda loo arko abaalmarin siyaasadeed, marka dhaliisha loo arko cadowtinimo, marka masuul kastaa isku dayo inuu farageliyo shaqada hay’ad kale, nidaamka dowladnimadu wuu daciifayaa.
Hoggaan xumadu sidaas ayay ku bilaabataa: ma aha mar kasta dhacdo weyn oo hal maalin ah. Waxay ku bilaabataa xuduudo yar-yar oo la jebiyo, masuuliyiin aan isla xisaabtan lahayn, hay’ado awooddooda isku qabsanaya, iyo siyaasiyiin dantooda gaarka ah ka hormarinaya danta hay’adda ay matalaan.
Soomaaliya uma baahna khilaaf kale oo siyaasadeed oo ku salaysan qof iyo kursi. Waxay u baahan tahay in la xoojiyo hay’adaha, lana aqbalo in mucaaradku yahay qayb ka mid ah nidaamka dimuqraadiyadda – ee uusan ahayn cadow dowladda laga takhaluso.
Haddii hoggaanka qaranku ku guuldareysto inuu dejiyo xeerar cad oo dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan, khilaafka maanta u muuqda mid u dhexeeya shaqsiyaad wuxuu berri isu beddeli karaa khilaaf hay’adeed. Khilaaf hay’adeedna, Soomaaliya oo weli la tacaalaysa dhismaha dowladnimada, wuxuu si fudud ugu gudbi karaa qalalaase siyaasadeed oo ka weyn kuwii hore.
Sidaas darted, su’aashu ma aha oo keliya cidda berri xilka haysa. Su’aashu waa nooca dowladnimo ee Soomaaliya doonayso inay dhisto. Haddii nidaamku ku dhisnaado shaqsiyaad, daacadnimo siyaasadeed iyo awood aan si cad loo xadidin, dalku wuxuu sii geli karaa meel khatar ah. Haddii se la doorto hay’ad, sharci iyo isla xisaabtan, Soomaaliya waxay weli haysataa fursad ay uga baxdo wareegga khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqda.
_____________________