advertisements

Amniga Soomaaliya: Guushu waxay ku xiran tahay midnimo Qaran, ma aha siyaasad kala qaybin

Font Size

By Yusuf Said Hersi
Saturday August 1, 2026

Amniga Soomaaliya: Guushu waxay ku xiran tahay midnimo Qaran, ma aha siyaasad kala qaybin

Ammaanka iyo la dagaallanka aragagixisadu waa imtixaanka ugu weyn ee dowlad kasta oo wajahaysa koox hubeysan.Taariikhda dhow iyo tan fogba waxay muujinaysaa in guusha laga gaaro kooxaha noocaas ahi ay ku xirnaan karto marka dowladdu u wajahdo dagaalkaas sidii arrin qaran oo mideysa hay’adaha dowladda, bulshada iyo hoggaanka siyaasadeed.

Tusaalooyin badan ayaa loo soo qaataa dowlado ku guuleystay inay si adag ula dagaallamaan kooxaha hubeysan. Dowladda Sri Lanka ayaa dagaal dheer kadib soo afjartay kacdoonkii Tamiil Tigers (LTTE), halka Ciraaq ay guulo ka gaartay dagaalkii lagula jiray Daacish, iyadoo kaashanaysa iskaashi gudaha iyo dibadda ah. Gudaha Soomaaliya, howlgalka Puntland ee lagula dagaallamay Daacish ayaa sidoo kale tusaale u noqday sida dadaal mideysan uu u horseedi karo guulo muuqda. Aragtidan waxay qabtaa in guulahaas ay salka ku hayeen in amniga loo arkay mas’uuliyad qaran oo ka sarreysa khilaafaadka siyaasadeed.

advertisements
Marka laga hadlayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxaa jira dood siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan sababaha aan weli loo gaarin guul waarta. Aragtidan waxay qabtaa in Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Xasan Sheikh Maxamuud uusan ku guuleysan inuu abuuro is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran, kaas oo mideeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka si dagaalka loogu wajaho hal jiho.

Sida ay qabto aragtidan, khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeye dowladda federaalka iyo qaar ka midah dowlad-goboleedyada ayaa wiiqay dadaalladii lagu mideyn laha awoodda qaranka. Taas beddelkeeda, waxaa la rumeysan yahay in loo baahnaa wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo horseeda in dagaalka Al-Shabaab loo arko mas’uuliyad qaran oo ay wada leeyihiin dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale jira walaac ay qabaan qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda oo ku saabsan suurtagalnimada in Al-Shabaab ay sii ballaariso saameynteeda haddii aan la helin hoggaan mideysan iyo istraatiijiyad qaran oo loo dhan yahay. Qaar waxay isbarbardhigaan xaaladda Soomaaliya iyo dhacdooyinkii Afghanistan, inkastoo labada xaaladood ay ku kala duwan yihiin duruufaha siyaasadeed, juqraafiyeed iyo kuwa amni.

Dhanka xiriirka caalamiga ah, aragtidan waxay sheegaysaa in deeq-bixiyeyaasha caalamku ay muujiyeen walaac ku saabsan khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, isla markaana ay aaminsan yihiin in wada shaqeyn buuxda oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay muhiim u tahay sii wadidda taageerada amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

Shirka Kampala ayaa lagu wadaa inuu diiradda saaro arrimaha amniga Soomaaliya iyo kaalinta ay ciidamada shisheeye ka qaadan karaan xasilinta dalka. Aragtidan waxay dhaliilaysaa in Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xasan Sheikh uu shirka ka qeybgalayo iyadoo, sida ay qabaan dadka aragtidan leh aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo gudaha ah oo mideeya dowladda iyo mucaaradka.

Gebogebadii, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ma noqon karo mid guuleysta haddii uu ku ekaado dowladda dhexe oo keliya. Guusha waarta waxay u baahan tahay midnimo qaran, wada-tashi siyaasadeed, kalsooni u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo dowlad-goboleedyada, iyo in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay dareemaan in dagaalku yahay mid lagu difaacayo qaranka oo dhan, halkii uu ka ahaan lahaa muran siyaasadeed.

________________

Yusuf Said Hersi
[email protected]