By Abdirahman Abdishakur Warsame
Friday April 10, 2026

Imaanshaha Çağrı Bey oo ah markab sameeya qodista bilawga ah ee shidaalka ayaa maanta Muqdisho soo gaaray. Waa dhacdo taariikhi ah oo miisaan culus leh. Somaaliya waxay u tahay bilowga wejiga cusub ee horumarinta khayraadkeeda badda, halka Turkiga ay u tahay tijaabo muhiim ah oo uu markii kowaad ku dhaqaaqay meel ka baxsan xuduudaha dalkiisa.
Waa rejo iyo halis isbarkan. Haddii si xikmad leh loo maareeyo, waxa uu dhisi karaa iskaashi waara iyo horumar dhaqaale oo wadajir ah. Haddii se si khaldan loo wajaho waxa uu keeni karaa sinnaan la’aan, sharciyaddarro, khilaaf iyo kalsooni daro.
Fursaddu waa in ay Sharciyad ku Dhisan tahay
Shaki kuma jiro in sahminta khayraadka dabiiciga ahi ay Soomaaliya u tahay istiraatiiji ah u soo hoyatay. Waxay ka qayb qaadan kartaa dibu-kabashada dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda iyo abuurista waddooyin horumarineed oo waara.
Haseyeeshee, fursaddu waa in ay ku dhisnaataa sharciyad. Dastuurka iyo shuruucda dalka si cad ayey u qeexayaan in heshiisyada khayraadka dabiiciga ahi ay noqdaan kuwo: 1. Hufan, 2. Laga dooday, 3. La isku afgartay, 4. Labada aqal ee Baarlamaankuna ansixiyeen.
Qodobbadan ma aha habraacyo sahlan, waa se dammaanad ilaalinaysa madaxbannaanida dalka, xaqiijinaysa milkiyadda khayraadkiisa, kana hortagaysa khilaaf mustaqbalka yimaadda. Heshiis kasta oo ka baxsan nidaamkan wuxuu wiiqayaa sharciyadda iyo kalsoonida hay’adaha dawladda.
Dheellitir la’aanta Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya
Heshiiska shidaalka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ma aha mid dheellitiran ee waa mid dhinac u raran. Wuxuu dhalinayaa walaac xooggan. Sababta oo ah:
— Heshiisku wuxuu si weyn u leexinayaa faa’iidada (in ka badan 90%) dhinac keli ah, iyada oo aanu jirin nidaam cad oo canshuureed ama maalgashi bulsho, taas oo khatar gelinaysa in Soomaaliya aanay ka helin faa’iido dhab ah.
— Ma jiro wax xaqiijinaya dammaanad shaqo, adeegyo gudaha ah ama kobcin xirfadeed, taas oo keeni karta in dhammaan faa’iidada iyo raasamaalka dhaqaale ay gacanta u galaan shisheeye.
— Nidaamka xallinta khilaafaadka oo aan dhexdhexaad ahayn. Maxkamadaha Turkiga ayaa lagu kala baxayaa. Waxa intaas dheer habka heshiisku ku yimid, iyada oo aan la helin hufnaan buuxda, oo aan lagala tashan dawlad-goboleedyada, isla markaana aan la marin labada Aqal ee Baarlamaanka sida sharcigu farayo.
Arrimahani waxay keenayaan su’aalo culus oo ku saabsan caddaalad iyo waafaqsanaan dastuur. Waxay mugdi gelinayaan mustaqbalka ka faa'iidaysiga khayraadka Soomaaliya. Soomaalidu waxay tiraahdaa: "xalaal maalin cad baa la qashaa." Waxa muuqata in habraaca loo maray mashruuca shidaal qodista aanu ahayn mid daahfuran. Sidaa darteed halista ka iman karta waa mid la qiyaasi karo.
Halista ka Dhalan karta Hay’ado Daciif ah
Walaaca halista waxaa sii xoojinaya xaaladda hay’adaha dalka iyo hoggaankiisa oo ah: hay'ado jilicsan, garsoor aan madaxbannaanayn; hoggaan ku sifaysan musuqmaasuq, eex, qaraabakiil, iyo ku takrifal awood ku dhisan “ninka guulaysta ehelkii, saaxiibbadii, iyo tolkii wax walba leh."
Xaaladdan oo kale, heshiis kasta oo aan hufnayn ama aan xaqsoor ku dhisnayni wuxuu noqonayaa il colaad iyo fitno, ma noqonayo il horumar iyo xasillooni.
Waayo'aragnimada dalal kale ayaa cadayn u ah in marka khayraadka loo maamulo si xaqsoor la’aan iyo qarsoodi ah in ay keenaan colaado iyo xasilloonidarro siyaasadeed. Waxaana tusaale weyn u ah waddanka Koonfurta Suudaan.
Farriin Toos ah oo ku Socota Dawladda Turkiga
Turkigu wuxuu sannadihii la soo dhaafay ka dhisay Soomaaliya sumcad muuqata oo ku dhisan gargaarka bini’aadantinnimo, kaabayaal dhaqaale iyo iskaashi militari iyo mid diblumaasiyadeed. Taasi waxay u keentay kalsooni wayn oo shacabka Soomaaliyeed dhexdeeda ah.
Kalsoonidaas waa hanti qiimo leh oo u baahan in la ilaaliyo. Laakiin waxa iyadana dhab ah in aan iskaashi waara lagu dhisi karin heshiisyo qarsoodi ah, dhinac ka raran, shakhsiyaad lala galay, halkii ay ka ahaan la haayeen kuwo dheellitiran, daahfuran, habraac sharciyeed loo maray, iyada oo hay’adaha qarankana la ixtiraamayo xeerarka u degsan. Sideeda bannaanba iskaashi kuma dhismi karo iyada oo la baalmaray nidaamkii sharci ee dalka u dhignaa, dayacana la iskaga faa’iidaysanayo.
Doorashada istiraatiijiga ah ee Turkiga waa:
1. In uu ula shaqeeyo Soomaaliya si waafaqsan shuruucdeeda
2. In uu xaqiijiyo in heshiisyadu noqdaan kuwo caddaalad ah oo dan u ah labada dal iyo
3. In uu iskaashiga ku saleeyo hay’ado, ee aanu ku xirin shakhsiyaad.
Ku lug lahaanshaha heshiisyo qarsoodi, iyo habraacyo muran dhaliya iyo taageeridda hoggaan aan kalsooni ballaaran haysan, waqtigiisiina dhammaaday, waxay khatar gelin kartaa sumcadda Turkiga, waxayna ka fogaynaysaa shacabka Soomaaliyeed.
Jidka Saxda ah ee Hore loo Qaadi Karo
Arrintu ma aha in Soomaaliya aysan la shaqayn Turkiga ama aanay ka kaalmayn horumarinta khayraadkeeda dabiiciga ah. Waa se ka qotodheer tahay. Jidka saxda ahi wuxuu u baahan yahay: in heshiisyadu si buuxda jaanta ula helaan dastuurka dalka, in habraac hufan loo maro, wadatashi la la sameeyo dawlad-goboleedyada, in la xaqiijiyo kaqaybgalka shaqaalaha iyo shirkadaha Soomaaliyeed, iyo in la helo garsoor caalami ah oo garta khilaafka qaada. Turki iskuma noqon karo, qodaha, qaybiyaha iyo garsooraha intaba. Tallaabooyinkaas oo dhami ma aha caqabad waa se asaaska heshiis waara.
Imaanshaha Çağrı Bey waa fursad weyn, sida oo kalana waa imtixaan iyo tijaabo.
Soomaaliya waxay u tahay imtixaan ku saabsan awoodda maamul iyo dhismaha hay’adaha dawladeed oo masuuliyad qaadi kara, waajibkana gudan kara. Turkigana waxay u tahay imtixaan ku saabsan daacadnimada iskaashi oo ku dhisan danta labada dal ee aan ahayn ka faaiidaysiga dayaca Soomaalida.
Iskaashiyada waara laguma dhiso dano degdeg ah, balse waxa lagu dhisaa caddaalad, sharciyad, iyo ixtiraam. Haddii si sax ah loo maareeyo wuxuu xoojin karaa xiriirka labada dal. Haddii kale, wuxuu noqon karaa meel ay ka dhalato kalsooni xumo, shaki iyo khilaaf hor leh.
Fursaddu way jirtaa, waxaase ka wayn masuuliyadda looga baxsan karo halista ag barkan.