11/7/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Hiiraan iyo Hirshabelle: Maamul Magac Keliya Ah, Shacabkana Aan U Adeegin
By Farxaan Xareed  
Monday September 29, 2025


Taariikhda Gobol Aan Caddaalad Helin.

Gobolka Hiiraan wuxuu markii hore ka mid ahaa 8dii gobol ee Soomaaliya, balse markii dambe wuxuu noqday qayb ka mid ah 18-kii gobol ee la sameeyay. Markii federaalka la qaatay 2012-kii, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la isku daray, waxaana loobixiyay Hirshabelle. Laakiin maamulkaas wuxuu ahaa mid af ahaan ujira, balse si dhab ah looma hirgelin. Shacabka deegaankana kuma aysan qancin, taas ayaana dhalisay tabashooyin siyaasadeed oo wali taagan.

Farmaajo iyo Siyaasad Kursi Ku Tiirsan.

2017-kii, Madaxweyne Farmaajo markii uu talada qabtay, halkii uu maamul dhab ah u dhisi lahaa Hirshabelle, wuxuu burburiyay nidaamkii yaraa ee la isku dayay in la sameeyo. Siyaasaddiisu waxay ku salaysnayd kursi ilaalin iyo damac shaqsiyadeed, taasoo sii fogeysay kalsoonidii shacabka ee maamulka.

Xasan Sheekh iyo Ballanqaad aan Hirgelin.

2022-kii, Xasan Sheekh ayaa markale loo doortay madaxweyne. Shacabka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay filayeen isbeddel muuqda, balse ilaa maanta wax cad oo la taaban karo oo uu ku sameeyay maamulka Hirshabelle laguma arag. Tabashadii shacabka weli waa mid taagan, adeeg dowladeed oo muuqda lagumana hayo.

Xildhibaan aan Shacabka Ka Turjumayn.

Xildhibaanadii laga soo doortay Hiiraan waxaa laga rabay inay noqdaan codka shacabka, balse waxay noqdeen kuwo siyaasadda ku cusub, aan wax ka goyn karin, kuna mashquulay danahooda gaarka ah. Badankood waxay ku koobmeen baraha bulshada, halka shacabka ay ku sii jiraan gaajo siyaasadeed iyo mid adeeg bulsho.

Baledweyne: Calaamad Bur-bur Maamul.

Maalmihii la soo dhaafay, magaalada Baledweyne waxaa ka dhacay dhacdo murugo leh. Ciidamada kala taabacsan Dabageed iyo Muuse Salaad ayaa israsaaseeyay iyagoo isku haya canshuurta laga qaado garoonka diyaaradaha. Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhaawacmay, cid masuuliyadaas qadayne majirto.

Waxaa intaas dheer, maanta duulimaadyadii garoonka ayaa istaagay, waxaana xiray Muuse Salaad oo diidan in canshuurta laga wareejiyo. Taas waa tusaale cad oo muujinaya sida maamulka u yahay mid fashilmay, shacabka oo dhanna ay yihiin kuwa dhibbanayaal ah.

Fariin Toos ah oo Ku Socota Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, adigaa af ahaan u dhisay Hirshabelle, balse maamul ahaan uma aadan dhisin. Shacabka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ma aqbali karaan mar kale in la dayaco.

Doorashada soo socota oo siddeed bilood ka harsan ma noqon karto mid lagu aamino dad kursi raadinaya oo aan aqoon u lahayn hoggaaminta shacabka. Waxaa loo baahan yahay hoggaan dhab ah, mid u adeegaya bulshada, mid xaqiijin kara sinnaanta gobollada, iyo mid soo celin kara kalsoonida shacabka ee dowladnimada.

Gunaanad: Hiiraan Wuxuu u Baahan Yahay Maamul Dhab Ah.

HIIRAAN waa in laga dhisaa maamul dhab ah oo u adeegaya shacabka, halkii uu ahaan lahaa magac keliya oo loo adeegsado siyaasadda iyo danaha gaarka ah. Shacabka Hiiraan ma aqbali doonaan in mar kale la duufsado codkooda, iyadoo maamulka uu sii ahaado “maamul af ah oo aan shacabka waxba u qaban.”

Waxaa Qoray : Farxaan Xareed 


 





Click here