
Sanadka 2024 waxaa lagu xasuusan doonaa inuu noqday sannad
isbeddel taariikhi ah ku reebay taariikhda casriga ah ee Soomaaliya—sannad lagu qeexay loollan adag oo
loo galay jiritaanka madaxbannaanida, gobonimada iyo midnimada dhuleed ee
dalka.
Maalinta Koowaad ee Sannadki 2024, Dalka Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa kala saxiixday Heshiis Isfaham (MoU) muran badan dhaliyay, kaas oo Itoobiya lagu siiyay saldhig badeed ciidan oo gaaray qiyaastii 20-kiloomitir xeebta Somaliland marta, iyagoo gabi ahaanba hareer maray dowladda federaalka Soomaaliya. Bedel ahaan, Itoobiya waxay ku soo bandhigtay suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland inay tahay dowlad madax bannaan—tallaabo si toos ah ugu hanjabaysay madaxbannaanida Soomaaliya iskuna dayday inay burburiso midnimada jilicsan ee muddo tobannaan sano ah soo dhisneyd. Qarankani oo muddo dheer lagu yaqaanay halganka dib u dhiska iyo xaqiijinta awooddiisa, tani ma ahayn khilaaf diblomaasiyadeed oo caadi ah. Waxay ahayd loolan ka tarjumaya jiritaan ummadeed.
Sannadki la soo dhaafay intiisa badan dowladda fedralka Soomaaliya go’aannada ay qaadatay ee ay hordhigtay masraxa caalamiga ah, heshiisyada ay gashay, iyo baaqyada ay soo saartay dhammaantood waxaa loo fasiran karaa in la tixgeliyo codsigeeda ka horjeeda in la kala jar-jaro dhulka Soomaaliya. Laakiin inta ay xaaladdu cakiraneyd, hal shakhsi ayaa soo muuqday isagoo noqday lafdhabarkii ka dambeysay jawaabta Soomaaliya: Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Nuglaanta iyo
Soo-kabashada
Muddo tobanaan sanno ah, Soomaaliya waxay laheyd calaamado dhaawacyo ka dhashay dagaal iyo kala qaybsanaanta. Nuglaanta dalka ayaa marar badan noqotay fursad ay ka faa’ideystaan kuwa kale. Itoobiya, si gaar ah, taariikh ahaan waxay is-bidday awood ay ku farageliso—si militari, dhaqaale, iyo diblomaasiyadeed ahaanba markey fursad ka dhex aragtay kala qeybsanaanta Soomaalida.
Horey, faragelinta Itoobiya waxaa loo soo bandhigi jiray inay
lagama maarmaan u tahay la dagaallanka argagixisada ama xasilloonida gobolka.
Laakiin marmarsiyadan badanaa waxay ku qarin jireen damacyo qoto dheer.
Ciidamada Itoobiya, si rasmi ah oo loo casuumay ama aan la casuumin, waxay ka
howlgaleen gudaha Soomaaliya, iyagoo xoojinaya saameyntooda maamulada
deegaanka. Heshiisyada qarsoodiga ah ayaa hoos u dhigayay awoodda Muqdisho.
Heshiiskii Is-afgaradka sha
Soomaaliya, heshiiskaasi wuxuu halis u ahaa inuu sii huriyo sheekadii ku dul wareegaysay tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991: sheekada ah inay tahay qaran kala go’an oo aan awood u lahayn inuu iska caabiyo deriskiisa. Laakiin Axmed Macalin Fiqi wuxuu fahmay in sheekooyinkani aysan ahayn kuwo aan la bedeli karin—laakin sidooda dib loogu qori karo.
Istraatejiyadda Diblomaasiyadeed.
Jawaabta Axmed Macallin Fiqi ee ku aaddan Heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ma ahayn mid ka falcelin ah ama degdeg ah. Tallaabadiisii ugu horreysay waxay ahayd inuu hubiyo in carada Soomaaliya aysan ku ekeyn Muqdisho oo keliya. Safiirkii Itoobiya ayaa laga eryay dalka. Wuxuu heshiiskaas u sawiray fal gardarro ah, isagoo soo jiitay cambaareyn caalami ah oo ka timid Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurib, Ururka Islaamka, Qaramada Midoobay iyo dawladaha waaweyn, taas oo ku khasabtay Itoobiya inay qaadato mowqif difaac.
Laakiin tani kama aheyn kaliya tallaabo isdifaacid ah. Fiqi wuxuu fahmay in si buuxda looga hortago damaca Itoobiya, Soomaaliyana inay isku meeleyso sidii ay u noqon lahayd awood firfircoon oo ka dhex muuqata Geeska Afrika. Tani waxay la micno ahayd dhisidda xulafo ama isbahaysiyo, halkii oo keliya lagu ekaan lahaa cambaareynta kuwii gaboodfalka geystay.
Fiqi isagoo fahamsan nuglaanta gudaha ee Itoobiya—qaska ka jira Amxaarada iyo Oromada goboladooda, cadaadiska dhaqaale, iyo saameynta weli ka jirta dagaalkii Tigray—wuxuu Heshiiskii Is-afgaradka u beddelay baaq mideyn qaran oo Soomaaliyeed.
Iyadoo uu hogaaminayo Fiqi, Soomaaliya ayaa xoojisay xiriirka ay la leedahay Masar, Eritrea, iyo Turkiga, wadamo iyaga laftoodu dano muhiim ah ka leh isbeddelka awoodda gobolka.
Bishii Agoosto 2024, waa markii ugu horreysay Masar ay muddo ka badan afartan sano gaarsiisay Soomaaliya gargaar saanad ciidan ah, waxay astaan u noqotay isbahaysi qoto dheer oo ku dhisan masiir wadaag, iyadoo Qaahira ay ku dooneysay inay ka hortagto damaca Itoobiya ee webiga Niil isla markaana ay taageerto madaxbannaanida Soomaaliya.
Bishii Oktoobar, shir saddex geesood ah oo ka
dhacay Asmara oo dhexmaray Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya ayaa adkeeyay heshiis
ku saleysan amni wadaag, iyadoo la ballanqaaday in la xoojinayo Ciidanka Xoogga
Dalka Soomaaliya si loo wajaho khataraha soo food leh. Eritrea, oo muddo dheer
ka taxaddareysay saameynta sii kordheysa ee Itoobiya, waxay taageeradeeda
diblomaasiyadeed ku darsatay Soomaaliya, iyada oo garowsatay in Muqdisho oo
awood leh ay muhiim u tahay dheelitirka gobolka. Tallaabooyinkan ayaa bedelay
isbeddelka awoodda, iyadoo muujisay in Soomaaliya aysan mar dambe ahayn
ka-qaybgalaha keliya ee aan firfircoonayn arrimaha gobolka.
Bishii Diseembar 2024, iyadoo la kaashanayo dhexdhexaadinta
Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay kala saxiixdeen Heshiiska Ankara. In
kasta oo Itoobiya aysan si cad uga tanaasulin Heshiiskii Is-afgaradka ee
January 1 ee ay la gashay Somaliland, heshiiska Ankara wuxuu si wax ku ool ah u
joojiyay fulinta heshiiskaas, isagoo dib u xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedahay
xukunka dhulkeeda. Heshiiskaas wuxuu ku qasbay Itoobiya inay dib uga noqoto
Heshiiskii Is-afgaradka ee hurinayey xaaladda, isagoo sidoo kale xaqiijiyay in
Soomaaliya ay dejiso shuruudaha wada-xaajoodyada mustaqbalka ee ku saabsan
marin ganacsi helista Itoobiya ee Badda
Soomaaliya si ku qotanta shuruucda dalka iyo kuwa caalamka.
Waddada Siyaasiga
Khibradda Fiqi ee dhanka diblomaasiyadda waxay ka soo maaxatay
xirfad uu ku suntan yahay adeeg iyo istaraatiijiyad. Safarkiisa waxa uu ku
bilowday isagoo ahaa safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo markii dambe Agaasimaha
Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) intii u dhaxaysay
2011 ilaa 2013. Xilalkaas muhiimka ah ayaa siiyay Fiqi faham dhameystiran
Sanadkii 2015, wuxuu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xisbiga Daljir, oo markii dambe ay bahoobeen Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) oo isku bedelay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ee hadda talada haya. Isagoo ka faa'iidaysanaya aasaasyadaas, Fiqi wuxuu ku biiray baarlamaanka federaalka Soomaaliya sanadkii 2016.
Wuxuu soo qabtay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dibuheshiisiinta. Markii loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda bilowgii bishii Abriil 2024, aragtida istiraatiijiyadeed ee Fiqi waxay noqotay mid qeexaysa mowqifka cusub ee Soomaaliya ee ku dhiiran ka dhex muuqashada masraxa caalamiga, iyadoo la muujinayo in qaran muddo dheer hoos loo dhigay uu dib u hanan karo madaxbannaanidiisa iyo saameyntiisa Geeska Afrika.
Sida uu ugu fiicnaa diblomaasiyadda, sida aan kala go’a lahayn ee uu ugu istaagay difaaca madax-bannaanida Soomaaliya, iyo tamarta uu ku bixiyey qaran inuu aamino awooddiisa, Axmed Macallin Fiqi wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa loo aqoonsaday Shaqsiga Sanadka ee
Hiiraan Online 2024.
Sanad la soo maray caqabado badan, hoggaanka Fiqi wuxuu caddeeyay in sheekada Soomaaliya aysan weli dhammaan. Waa sheeko ka hadlaysa adkaysi, dal dib u hananaya codkiisa, iyo dad diiday in lagu qeexo wixii ka dhacay waayihii hore.





















