advertisements

"Waligeen kama baqin diyaaradaha drone-ka ilaa markii la dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi"

Font Size

By: Mohamed Caaqil Cumar
Wednesday December 31, 2025

"Waligeen kama baqin diyaaradaha drone-ka ilaa markii la dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi"
Qabriga Cumar Cabdullaahi oo ku yaalla agagaarka gurigiisa, magaalada Badhan. Sawir: Maxamed Gabobe

MUQDISHO — 13 Sebtembar Cumar Cabdullaahi, oo ahaa oday-beeleed caan ah, kana soo jeeday gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, ayaa maalintaas xaaskiisa wacay si uu ugu sheego inuu kusoo jeedo guriga, isaga oo ka soo laabanaya magaalo u dhow, kana codsaday in casho loo diyaariyo fiidka. Cabdullaahi wuxuu kusoo jeeday magaalada Badhan, oo ku taalla waqooyi-bari Soomaaliya, kadib markii uu ka soo qayb galay dhexdhexaadin khilaaf beeleed. Taa soo aheyd waajibaad ka mid ahaa doorkiisa hoggaamineed ee bulsho.

Cabdullaahi gurigiisii ma uusan gaarin. Intii uu jidka ku jiray, saddex gantaal ayaa lagu dhuftay gaarigiisa, kuwaas oo laga soo tuuray diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo korkiisa ka dul heehaabaysay. Gaarigii ayaa isla markiiba gubtay, Cabdullaahina halkaas ayuu ku geeriyooday, sida ku cad shahaadada dhimashada.

advertisements
Weerarkaasi wuxuu argagax ku reebay dadka magaalada Badhan iyo guud ahaan beesha Warsangeli ee uu ka soo jeeday. Deegaannadaasi badankood way ka fogaayeen dagaalka Mareykanku labaatankii sano ee la soo dhaafay kula jiray kooxaha al-Shabaab iyo Daacish. Cabdullaahi laftiisu wuxuu ahaa oday si weyn looga yaqaanay gobolka, laguna ixtiraami jiray doorkiisa bulsho iyo mid amni labadaba.

Saddex bilood kaddib dilkiisa, Asha Cabdi Maxamed, hooyadii Cabdullaahi, ayaa u sheegtay Drop Site News inay wali la nooshahay murugo iyo dhaawac nafsiyeed oo daran.

“Mar walba waxaan xusuustaa isagoo gaarigiisa ku gubanaya. Taasi waxay igu keentaa inaan ka baqo hurdada habeenkii,” ayay tiri. “Markii aan maqlay in Cumar la dilay, dhulkii aan taagnaa wuxuu iila muuqday mid dhaqaaqaya.”

Waxay intaas ku dartay in diyaaradaha drone-ka ay wali dul wareegaan agagaarka Badhan, iyada oo sheegtay inay mararka qaar si hoose ugu ducayso inay cirka ka soo dhacaan si ay u hesho deggenaansho maskaxeed.

Xaaskiisa, Hawa Axmed Cali, ayaa xasuusatay inay sugaysay ninkeeda markii ay walaashiis si lama filaan ah ugu timid, una sheegtay in gaarigiisa lagu dhuftay gantaal. Waxay xustay in maalintaas uu roob da’ayay arrin dhif ku ah cimilada qallalan ee Soomaaliya.

“Ma aanan rabin inaan rumaysto, waayo waddadaas gaadiid badan ayaa isticmaala,” ayay tiri.

Afar maalmood kaddib weerarka, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qirtay mas’uuliyadda dilka Cabdullaahi, iyagoo sheegay inay dileen qof ay ku tilmaameen “ganacsade hub oo ka tirsanaa al-Shabaab.” AFRICOM waxay sheegtay inay la shaqeysay dowladda Soomaaliya, balse ayan shaacin doonin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka, sababo la xiriira “amniga howlgalka.”

Si kastaba ha ahaatee, wareysiyo lala yeeshay dad deegaanka ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo dowladda federaalka ayaa si cad u beeniyay sheegashadaas. Waxay ku adkaysteen in Cabdullaahi uusan waligiis ka mid ahayn al-Shabaab, mana ahayn ganacsade hub.

Cumar Cabdullaahi Ashuur, oo ah taliye ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland, kana mid ahaa dadka aqoonta u lahaa Cabdullaahi tan iyo 1970-meeyadii, ayaa sheegay in marxuumku door weyn ka qaatay dagaalka lagula jiray kooxaha xagjirka ah.

“Wuxuu ahaa tiir-dhexaadka iska caabbinta argagixisada ee gobolka,” ayuu yiri Ashuur.

Maaddaama awoodda dowladeed ee Soomaaliya ay weli daciif tahay, odayaal dhaqan oo la ixtiraamo sida Cabdullaahi ayaa door muhiim ah ka qaata maamul-deegaanka, nabadeynta, iyo taageeridda hawlgallada amniga. Cabdullaahi wuxuu si firfircoon uga shaqeeyay ururinta taageero ka dhan ah kooxaha hubeysan, wuxuuna door muuqda ku lahaa hawlgallada Puntland.

Bishii Nofeembar, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Fiqi, ayaa baarlamaanka ka sheegay inuu ka dalban doono AFRICOM faahfaahin ku saabsan dilka Cabdullaahi, isagoo sheegay inaysan jirin sabab sharci ah oo lagu beegsaday.

“Qof la yaqaan ayuu ahaa. Waan wici kari lahayn, waan wareysan kari lahayn,” ayuu yiri wasiirku.

Xitaa al-Shabaab lafteedu, kooxda lagu eedeeyay inuu Cabdullaahi ka tirsanaa, ayaa soo saartay bayaan ay ku beenisay eedeynta, iyagoo sheegay in Mareykanku adeegsanayo marmarsiiyo si uu u qariyo khasaaraha rayidka ee duqeymaha cirka.

Bishii Diseembar, Hay’adda Dambi-baarista Puntland (CID) ayaa soo saartay warbixin rasmi ah oo loo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Maxkamadda Sare ee Puntland, taas oo caddeysay in Cabdullaahi uusan lahayn wax diiwaan dambiyeed ah, isla markaana uusan ku jirin baaritaan amni, arrin si toos ah uga hor imaneysa sheegashada AFRICOM.

AFRICOM kama aysan jawaabin codsiyo faallo ah oo la xiriira warbixintaasi.

Dilkan wuxuu kusoo beegmay xilli si weyn u kordhay duqeymaha drone-ka ee Mareykanka ka fuliyo waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay joogaan Daacish. Mas’uuliyiin Soomaali ah iyo falanqeeyayaal amni ayaa ku tilmaamay nidaamka bartilmaameedka mid aan hufneyn, isla markaana halis ku ah rayidka.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Siciid Axmed Jaamac, ayaa sheegay in weerarku saameyn ballaaran ku yeeshay bulshada.

“Dadkii oo dhan way kacayeen, mudaharaadyo ayay sameeyeen. Annaga oo mas’uuliyiin ah, wali jawaabo ayaan raadinaynaa,” ayuu yiri.

Hooyada marxuumka, Asha Cabdi Maxamed, ayaa ku soo gabagabeysay: “Mareykanku way qirteen inay dileen wiilkayga. Annaguna waxaan rabnaa caddaalad iyo in la ogaado sababta wiilkayga si arxan-darro ah loo dilay.”

Cabdullaahi laftiisu si fiican ayuu uga caan ahaa loogana yaqaanay hay’adaha dowladda Puntland. Maalmo uun ka hor weerarka, wuxuu ka mid ahaa wafdi la kulmay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kulan ka dhacay garoonka diyaaradaha Boosaaso, halkaas oo milatariga Mareykanku ku leeyahay saldhig.

Siciid Axmed Jaamac, guddoomiyaha gobolka Sanaag, ayaa Drop Site u xaqiijiyay in Cabdullaahi ka mid ahaa xubnaha hoggaaminayay wafdiga, isla markaana uu kulanku socday ku dhowaad afar maalmood. Walaalkiis, Cali Cabdullaahi, ayaa sheegay in kulankaasi diiradda lagu saarayay hawlgalka ay Puntland qorshaynayso ee ka dhanka ah al-Shabaab ee buuraha Calmadow, halkaas oo ay degto beesha Warsangeli ee Cabdullaahi ka soo jeeday. Puntland, ayuu Cali yiri, waxay raadinaysay taageerada Cabdullaahi maadaama uu ahaa nin miisaan siyaasadeed iyo saameyn bulsho ku leh gobolka.

Walaalka Cumar, Cali Cabdullaahi, ayaa sheegay in haddii ay jireen wax eedeymo ah, Mareykanka iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya ay si buuxda u awoodi kareen inay xiraan oo maxkamad horkeenaan, halkii ay ku dili lahaayeen isagoo kusoo jeeda gurigiisa.

“Mareykanka iyo xulafadooda Imaaraadka Carabta waxay joogitaan ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Boosaaso. Madaxweyne Deni wuxuu lix jeer kula kulmay gudaha garoonka. Si fudud ayaa loo xiri kari lahaa, balse taa beddelkeeda waxay [Mareykanku] doorteen inay dilaan,” ayuu yiri.

Puntland si rasmi ah ugama aysan hadlin weerarka, marka laga reebo baaritaan ay sameeyeen hay’adaha ammaanka, taas oo u muuqata mid la xiriirta xasaasiyadda iskaashiga amni ee kala dhaxeysa Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, mas’uul sare oo si qarsoodi ah u hadlay ayaa maamulka ka fogeeyay dilka.

“Annagu sidaas uma shaqeyno,” ayuu mas’uulkaasi Drop Site u sheegay.

Mas’uuliyiin iyo falanqeeyayaal badan ayaa ku tilmaameen duqeymaha qaar kuwo aan hufneyn, mugdi ah, isla markaana si daran u cilladaysan. Mas’uuliyiin hadda iyo kuwii hore ee dowladda Soomaaliya oo la hadlay Drop Site ayaa sheegay in marka bartilmaameed la aqoonsado, Mareykanku codsado oggolaansho uu ku isticmaalo hawada Soomaaliya; kaddib marka hay’adaha federaalka ay oggolaadaan, diyaaradaha drone-ka ay fulin karaan duqeyn.

Mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada ayaa marar badan bixiya xog sirdoon iyo macluumaad hawlgaleed oo lagu taageero helitaanka bartilmaameedyada, inkastoo mararka qaarkood Mareykanku ku shaqeeyo sirdoonkiisa gaarka ah.

Asha Cabdi Maxamed, hooyadii Cabdullaahi, ayaa sheegtay inay weli raadinayso caddaalad wiilkeeda. “Mareykanku way qirteen inay dileen, annaguna waxaan rabnaa jawaabo cad oo ku saabsan sababta wiilkeenna loo beegsaday iyo sababta si arxan-darro ah loo dilay,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay in caafimaadkeedu ka sii daray tan iyo weerarka, isla markaana ay la tacaalayso hurdo la’aan. “Halkan waxay ahayd deegaan nabdoon,” ayay tiri. “Dronno kama aanan baqi jirin ilaa Cumar la dilay.”

Warbixintan waxay ku saleysan tahay qoraallo ay daabaceen Al Jazeera iyo Drop Site News.

Tarjumid:
Mohamed Caaqil Cumar
(Wiilka uu dhalay AUN Marxuum Cumar Cabdullaahi)