4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Soomaali dani ma ugu jirtaa inay xubin ka noqoto East Africa Community (EAC)?
By Farah Aw-Osman
Thursday January 26, 2023

 

Sida muuqata Madaxweyne Xassan Sheekh iyo dowladiisu waxaad moodaa inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka dhigaan xubin ka mid ah dalalka ku xulafoobay East Africa Community (EAC).  Dalalkaas oo ah 7da dal ee ku yaal East Africa marka laga reebo kuwa geeska Africa, kuwaasoo kala ah (The Republic of Burundi, the Democratic Republic of the Congo, the Republic of Kenya, the Republic of Rwanda, the Republic of South Sudan, the Republic of Uganda, and the United Republic of Tanzania).

Hadaba, ka muwaadin ahaan Soomaaliyeed, maadaama ay saamayn weyn nagu yeelan doonto hadii heeshiiska xubin-nimo ay saxiixaan madaxdeenu, bal aynu yara waydiino faa’iidooyinka iyo khasaarooyinka aan ka dhaxli karno talaabadan.

Dhinaca kale waxaa dad badan oo Soomaaliyeed is waydiinayaan in madaxweyne Xassan iyo dowladiisu ma fahamsan yihiin meesha ay Soomali u wadaan? Amase ay dareensan yihiin ama ku baraarugsan yihiin ulajeedka u danbeeya ee (EAC) oo ah inay noqdaan dalal isku biira oo Federation samaysta oo hal dal, hal calan, hal passport yeesha magacooda cusubna noqon doono East Africa Federation (EAF). 

Hadaba bal aan isbarbar dhig samayno:  Federation cusub oo population koodu yahay 283.7 million adoo 17 million oo aan is rabin ah, Luqadoodu Swahili noqon doonto adoo luqadaadii Soomaaligu sii dhimanayso, 90% ay Christian yihiin oo Islanimadeenii firqooyin isku haystaan.  Sow noqon mayno bisad in nabari cuno ogolaatay oo waliba iyadu kawaanka isgaysay kuna faraxsan.

Madaxweyne Xassan iyo dowladiisu waxaa laga yaabaa inay wax ka eegeen dhinac ganacsi oo qudha sida in Somaalidu tahay dad yar oo ganacsiga ku fiican oo haysta xeebta Africa ugu dheer taasoo sadex badood ku kulmaan (Indian Ocean, Arabian Sea and Gulf of Aden) , haday 300 million ku biirnana ay badacadahooda suuq u helayaan.  

Shalay ayay ahayd markii Madaxweyne Xassan iyo siyaasiyiin kale iyo dad badan oo Soomaaliyeedba ay ka hor yimaadeen figradii Farmaajo iyo Abey Ahmed ee ahayd inay suuqa ganacsiga dalalka Somalia, Itoobiya iyo Ereteriya isku furaan oo ay dalalka Geesku is xulafaystaan.  Ethiopia 60% waa Muslim, (gobolka ugu waynina Soomaali yahay), 50% Eretria ay yihiin Muslimiin, halka Somalia ay 100% Muslim yihiin, sidaa awgeed dhinac diineed Soomaalida dhibi ugama timaadeen maadaama Muslimku tiro ahaan ugu badan lahaa.  Dhibka keliya ee heshiiskaasi wuxuu ahaa in dad ahaan la inaga tira badnaanayo iyo cabsi soo jireena oo Soomaalidu ka qabto in Itoobiya qabsan doonto, laakiin dhinaca kale asal ahaan, luqad, dhul, diin iyo dadba uu inagala dhexeeyo.  Dhinaca kale suuqa ugu way ee ganacsiga Soomaalida geesku waa Itoobiya, sidaa awgeed, waxaa iminkana inaga dhexeeya xiriir ganacsi oo laba geesood ah iyo mid dad isku socod intaba.

Hadaba, hadii heshiiskaas sadex geesood oo weliba faa’iidooyin badan lahaa shalay diidnay Farmaajo laga diiday, mid 7 geesood ah oo dhul, dad, diin, dad iyo luqad midna aanaynu la wadaagin, qorshahooduna yahay inay hal dal noqdaan, side ayaynu badweynataa ugu badbaadi?  Kasii daranoo Kenya oo aynu bad iyo khayraad isku haysanay welina aynaan soohdin ku heshiin ayaad iyaga iyo walaalahood isku dhiibaysaa bilaa shuruud?  Waxaan maqli jiray “Doqontu qoolka lagu dilayo, qoortay ku wadataa”.

Madaxweyne adiga iyo dowladaadu,  dalkan ceel dheer oo beri aan laga soo saari karin haku ridin, caqliyad balaaran wax ku eeg, bal inaga (Soomaali maryooley ah) ina heshiisii oo isku keen intaanad cidkale noo gayn.

Aqalka wakiilada (parliament) iyo kan shuyuukhda (senate) waxaa saaran waajib culus oo ah in wax kasta oo masuuliyiinta dowladu saxiixdo inay dalbadaan in la horkeeni, oo ay eegaan maslaxada dalka iyo dadka, heshiis kasta oo dhaawacaya midnimada iyo maslaxada ummadda Soomaaliyeedna laalaya.
Markaad akhrido qoraalada hoose ayaad ogaan waxay inaga faa'iidayaan dalalkaasi, bal mudane Xassan Sheekhow adiga iyo dowladaadu, fadlan noosheega waxaynu ka faa'iidi EAC, iyo geedigan dalka aad gelinayso meeshaad uraraysid?

Farah Aw-Osman
[email protected]

For more info to understand this issue, please visit following links:
 https://www.washingtonpost.com/.../eac-east-african.../
https://www.eac.int/overview-of-eac
https://www.thecitizen.co.tz/.../-why-eac-is-eager-to...
https://www.eac.int/.../2624-we-are-ready-to-join-the...


 





Click here