4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Ma Jiro Aadane Dhinac Kasta Ka Fiican Ee Dooro Kan Leh Astaan Hoggaamin
By Dr. Maxamed Aadan Koofi
Tuesday May 10, 2022

 

Aadamaha gaal iyo Muslim, waxay noloshu ku qasbeysaa in uu helo ama yeesho maamul iyo dad madax u ah. Haddii aan taas la helin, waxay noloshu la mid noqoneysaa midda xawaanka duur joogta ah oo kale.

Nolosha dunidu waa mid isku xiran, waxaana lagama maarmaan ah in ay jiraan waxyaabo xariirinaya oo ka dhaxeeya Aadamaha nool, inta isku deegaan ah. Sidoo kalana waa in ay jiraan hab ay isku fahmi karaan inta kala deegaanka ah.

Ambiyada (Calayhim Salaam) waxaa dooranayey Allah, wuxuuna ka dhigayey hadba ninka uu u garto, kaas oo noqonayey mid gudbiya rasaaladdiisa, gaarsiiyana dadka loo direy.

Nabi Maxamed CS ayaa ugu danbeeyey masuuliyad oo Alle u dooro Aadamaha, wuxuuna ahaa kii lagu khatimey Ambiyada. Nabi Maxamed CS wuxuu ahaa Rasuul loo soo direy ama Alle u doorey caalamka oo dhan, wuxuu ahaa hoggaamiyaha ummadda muslimka ah iyo u digaha dadka aan muslimka aheyn.

Kadib geerida Nabigeena CS, waxaa khiyaar loo siiyey Aadamaha oo ay ku jiraan muslimiinta in ay doortaan iyagu dadka maamulaya ama hoggaaminaya, waxaana habkaas lagu doortey Abubakar Al-sadiiq in uu ahaado Amiirka Muslimiinta Nabi Maxamed CS kadib. Nabiga CS intii uu noolaa ayuu muujiyey in Abuu-bakar Al-sadiiq uu mudan yahey in uu ummadda hogaamiyo geeridiisa kadib, kuma amrin, mana ka dardaarmin Nabigu CS, laakiin wuxuu muujiyey inuu leeyahey sifooyinka hogaamiyaha loo baahan yahey marka loo eego ummad uu ka geeriyoodey Nabigoodii Alle u soo direy (Salla-llaahi Caleyhi Wassallam).

Nabiga CS ayaa laga wariyey Xadiis micnhiisu ahaa “ Sedax haddii ay jid isku raacdo, mid ha doortaan si uu u hoggaamiyo ama madax u noqdo”.

Dunida aan joogno waxay isku waafaqsan tahey in ay waajib tahey in ay dadku helaan nidaam iyo madax hoggaamisa, isla markaana u kala garqaada haddii ay isku xadgudbaan, una maamula waxa ka dhaxeeya.

Dadka muslimiinta ah iyagu waxay heystaan Kitaab Alle iyo Sunnaha Nabi Maxamed CS, taas oo ah dastuur iyo hab ay raacaan, una fududeyneysa sida ay ku dooranayaan ama ku sameysanayaan maamulkooda iyo madaxdooda. Alul-xalli wal-caqdi oo ay ummaddu wakiilatey una dhiganta Barlamaan ayaa dooran jirey madaxda, waxaan hadda la soo gaarey in shaqsigu wax doorto oo isaguna khiyaarkiisa helo.

In aad wax doorato waa masuuliyad weyn oo ku fuuleysa, maxaa yeeley, waxaad qaadeyneysaa masuuliyadda go’aankaaga iyo midka qofka aad dooratey, waana wax la is weydiinayo adduun iyo aakhiraba. Marka aad qaadaneyso go’aan aad Aadame ku dooraneysid, waxaa muhiim ah in aad xasuusnaato in go’aankaagu aheyn mid shaqsi ah, balse uu yahey mid aad ku mataleyso dad badan.

Waa inaad tixgelisaa dareenka iyo rabitaanka waayeelka, Hooyada, dhallaanka, curyaanka, ardeyga, macallimka, faqiirka, qaniga iyo dhammaan qeybaha aad ku mataleyso go’aanka.

Marka aad kala dooraneyso Aadame, il gaar ah ku fiiri qodobadaan:

1) Sunnada abuurka ayaa ah kala duwanaan, mana jiro labo Aadame ama ka badan oo dhinac kasta iskaga mid ah;

2) Ha ku daalin raadinta qof dhinac kasta ka fiican, maxaa yeeley maba jiro qof wada fiican ama wada xun (cillad leh). Aadame kasta wuxuu leeyahey wanaag iyo xumaan (cillad), balse waxaa kala duwan meelaha ay kaga jiraan qofka iyo heerkooda;

3) Haddaad isku daydo inaad qof wada fiican hesho, waxaa kuu muuqanaya qof kugu cusub oo aadan baran, taasna micnaheedu ma ahan inaad heshey qof wada fiican ee waxaa kuu dhimman barashadiisa;

4) Marka aad kala dooraneyso labo Aadame ama ka badan waxaa fiican in aad ku miisaanto, il gaar ahna ku fiiriso; Ammaanada, Aqoonta, Waaya-aragnimada, Yoolka, Fahamkiisa waajibka loo igamanayo iyo xaaladda taagan, Kartida, Farsamada, awoodda Hal-abooriddda, dhaqanka,  gacan-furnaanta (deeqsinimada), go’aan qaadashada, iyo sida uu u dhaqey gurigiisa.

Nabiga CS oo noo ah kudayashada ugu fiican, waligiis xil uma dooran mana u magacaabin;

1) Addoon la leeyahey
2) Tuug aan ammaano laheyn
3) Mid go’aan jilicsan, mid waalan iyo mid qallafsan oo qalbi adag
4) Mid ku fashilmey gurigiisa
5) Qof cusub oo aan la garaneyn
6) Bakhiil, Beenloow iyo Qabyaaladiiste dadka kala qeybinaya
7) Mid fudud iyo caruur aan maskaxda ka korin.

Haddaad qofka ku doorato dan gaar ah, waxaa laga yaabaa inaad dantii gaarka aheydna ka wayso, tii guudna la waayo, taas oo micnaheedu yahey meel kuu badbaadey ma jirto. Sidoo kale haddaad caro iyo naceyb wax ku doorato waxaa suurtagal ah inaad col u gasho ood calaacal ku danbeyso.

Waa muhiim inaad kala fahamto marka kan ku xiga uu mudnaanta leeyahey, iyo marka kale. Marka howlahaaga iyo danahaaga gaarka ah laga hadlayo, xaq ayaad u leedahey in qofka aad doonta mudnaanta siiso, dooratana, laakiin marka ay joogto waxa dadka ka dhaxeeya ee saameynaya danta guud, waxaa lagama marmaan ah in aad mudnaanta siiso waxa danta u ah dadka aad mataleyso.

Go’aanka inta uu gacantaada ku jiro ayaad leedahey, marka uu ka baxo kadib, ma xakameyn kartid, mana koontorooli kartid natiijada. Go’aanka aad ka qaadaneysa mustaqbalkaaga, mustaqbalka dadka aad mataleyso, iyo sidoo kale mustaqbalka dalkaaga waa masuuliyad culus, waana wax saameyn kara noloshaada iyo aakhiradaada. Sidaas awgeed, waxaa lagama maarmaan ah inaad ka fiirsato inta aadan qaadan, waxaa kale oo la ammaaney la tashiga iyo aqrinta xaaladda iyo duruufaha taagan.

Inta aadan Labo Aadame ama ka badan kala dooran, maalin ama saacado naftaada fursad u hel aad la fakarto, kana fogoow asxaabtaada laga yaabo in ay saameeyaan go’aankaaga.

Inta aadan wax dooran istikhaareyso, Allana tala saaro, sedax jeer neefta si xoog ah u qaado kadibna iska saar oo nafis, waxaa laga yaabaa in cudur kugu jirey uu soo raaco neefta, sidaasna aad ku hesho go’aan caafimaad qaba.

Ugu danbeyn marka aad labo Aadame ama ka badan aad kala dooraneyso, ka digtoonoow inaad hoos doorato. Ogoow qofka iyo hooska waa kala duwan yihiin.

“Ha dooran hoos iyo hal aan la garaneyn”

W/Q Dr. Maxamed Aadan Koofi


 





Click here