4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Soomaaliya & Doorashada 2020.

Qormo: Cilmi Faarax Nuur Webi
Tuesday, March 6, 2018

Gogoldhig:

Waxan u qaatay qalinka in an si kooban u dul_ istaago dalkeena iyo doorashooyinkii xoriyadii kedib ama kuwa la filayo 2020  ahmiyada at shacabka ugu fadhiyaan,caqabadaha jiri karo ,talooyin isugu Jira gogol_xaar,cadeymo iyo  talaabooyin an looga maarmin in si_ mug leh ,qorshe wadajira loogu wajaho arimo tiirar u ah  qabsoomida doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa laga joogaa 49 sano doorashadii Dalkeena ugu dambeysay Marso1969 in qof iyo cod  lagu soo doortay 123 mudanayaal ee shacabka matelayey (90 mudane Goboladii Koofur iyo 33 mudane Goboladii Waqooyi) qoondadaas oo ka timid tirakoob xiligii gobanimada qaabab shirar ah lagu sameeyey dhammaan degaan doorasho ee 8dii Gobol Jumhuuriyadii
Soomaaliya(Jubada hoose.

Bay,Banaadir,Hiiraan,Mudug,Bari,Toghdheer,Waqooyi galbeed )laguna meel mariyey xeer lagu ogolaaday  37deegaan doorasho1960,  laguna kordhiyey 11 degmo   kana dhigtay tirada degmooyinka 48 degmo doorasho kuwaasoo dhammaan doorasho uga dhacday xiliyadii 1964 iyo 1969.

Laga soo bilaabo Dawladii TFG Emapakaasi Waxa na horyaalay in dalka lagu qabto doorasho 2016, hiigsigaas oo DFS ku guuldareysatay  kadib markii la dhammeys_ tiri waayey  tiraarkii saldhiga u ahaa qabsoomida hiigsigaas kuwoodii ugu waaweynaa sida:Qabyo_tirka Axdiga ,sugida amniga guud ee Dalka.

Masuuliyada baaqashadaas waxa si dadban dhabarka ugu riday madashii Wadatashiga Qaranka (MWD) oo kala wareegtay hayadihii Qaranku in ay qaataan masuuliyada fashilkaas iyo Xalisooni la’aan siyaasadeed oo galaafatay xukuumadihii lagala xisaabtami lahaa kadib  markii mooshiino,khilaafaadyo fudud xilka looga tuuray taasoo dad badani qabeen in ujeedka ugu weyni ahayd in la raad_tiro ciddii loo ximbaari lahaa masuuliyada baaqashada doorashadaas, waxana la qabtay doorasho dadban oo lagu soo dhisay 2da Aqal ,laguna soo doortay Madaxwryne iyo xukuumad FS.

Mar labaad ayaan u fadhinaa isku_day kale in 2020 qabsoonto doorasho xor ahi laakin waxa muuqanayo in an weli tubtii loo abaari lahaa  la helin si ay doorasho u  dhacdo sababo dhawr ah iyo hubaal la’aan cidda sida tooska ah u qaadi masuuliyadaas.

Waxa Muuqanyo in aw abuurmay Golaha Amniga Qaranka (GAQ) una qaab eg Madashii wadatashiga qaranka (MWQ) ayagoo  durba bilaabay hagida doorashada  2020 halkii ay hayadaha dastuurigaa 2 aqali,xukuumada iyo gudiga madax banaan ee doorashooyinka gudan galaan waajibaadka iyo in la suuro geliyo jawi doorasho cod iyo qof ahi ku qabsoonto ama ay dhabarka u ritaan fashilkii ka yimaado masuuliyadiisa.

Xigasho war_murtiyeedka GAQ ee 11/2/2018  Bal eeg Qodobka 2aad:

Tubta siyaasada loo dhanyahay 2020.
_2.3 wasaarada Arimaha guduhu waa in ay soo Magacawdaa guddi farsamo oo muddo 4 todobaad ah ku soo gudbiya nidaamka doorsho ee dalku qadanayo si loo kala xusho nocyada doorasho ee jiri karo.
_2.7 waa in dib u eegista dastuurka lagu soo gebo_gabeeyo sanadkan 2018.

Xigasho war_murtiyeed madasha dawlad_ goboleedyada(MDG)5.11.2017.

Eeg Qod 5aad oo  u Qoran:

Barlamaanada DG waa in ay kaalin ku

yeeshaan dhammeystirka dib u eegista axdiga ka hor inta an la hor_geyn golayaasha DF si loo hubiyo kalsoonida shacabka iyo wada tashi buuxo.

Waa talaabo hore loo qaaday xiiligan hadal_ haynta doorashadu laakin kuma filna talooyinka sare,qaabka,soo jeedimaha iyo hanaanka muuqdaahi in doorasho lagu qabto2020 marka la eego baaxada ay leedahay in laga gudbo  hanaanka 4.5 iyo caqadaha waaweyn ee ku xeeran una  baahan in ay masuuliyad wadareed (collective responsability)wada qaataan 2da
aqal,xukuumada ,DG,gudiga madaxda banaan iyo shacbiga Soomaaliyeed si arimaha gundhigaa  ama an laga maarmin toos loo abaaro xili hore ayadoo hawlaha, mudada lagu dhameystirayo (time table) iyo masuuliyadaba (responsibility) loo cayimayo goorta iyo ciddii qaadi lahayd fulinteeda si looga badbaado is_barbar yaac iyo fashil  goor dambe lagu baraarugo sidii dhici jirtay dhammad kasta xiliyadii dawladihii ina dhaafay lagana  badbaado hanaan kale ee an ka fogeyn doorashadii dadbaneyd 2016 in mar kale la dabaqo.

Doorashu waxa ay Baahantahay 2 arimood:

1)Gogol_xaarka(Foundations).
2(Shaqo fulineed oo abuuri karto jawi doorsho ogolaan karo.

Gogol-Xaar .

Doorasha 2020 waa mashruuc ka ballaaran kana misaan culus sida qodobada sare ka muuqato waayoo inta shaqada muhimka ah  la gudagelin waxa haboon in tixda lagu daro arimo dhawr ah ama jawaabo u helno si loo turxaan bixiyo arimo iyo daraasado kabi karo in la asteeyo gundhig adag oo leh muuqaal daah_furan (transparent) oo kalsooni iyo ogolaasho
dadweyne suuro_geliyo.

Bal  ila eeg hadii ay arimahani mudan yihiin tixgelin ama jawaabo?

1)Ma kula tahay dal burburay oo beelo hubeysan u kala degan iyo hanaan federal oo an weli loo cayimin baaxada,x uduudaha iyo qeybsiga kheyraadka in muddo 4 todobaad ah loogu keeni karo qorshe dhammeytiran iyo xulashada nooca doorasha dalka?

2)Mudo 6 sano ah ayaa waxa na_horyiilay in doorasho la qabto weli ma la tixgeliyey in laga faaideysto hanaanka doorasho (reference) ay dabaqeen dawladaha ka soo kabtay dagaalada sokeeye ee dunida?

3)Shaciga Soomaaliyeed weli ma loo bandhigay noocyada doorasho ee dunidu isticmaasho si ay uga dhiibtaan aragtidooda?

4)Qiimeyn intee la’eg ayey mudan yihiin gudiyada loo xulayo shaqadaasi khibradooda maadaama jiilasheena xiligani qaarkood ama 90% tiro ka badani aney ebid arag hanaan doorasho?

5) Gudiga cusub ee wasaarada arimaha guduhu soo magacaabayo yey u keenayaan talo soo jeedintooda saw shaqadaas kuma filneyn gudiga doorashooyinka Qaranka oo mudaba la_tashiyo iyo daraasaad gacanta ku ku hayey?

6) Doorashada 2020 sidee loo maareynayaa yaase leh masuuliyadeeda dhabtaa oo looga dambeynayaa?

7) Wada_tashiga socdo doorkee ku leeyihiin Aqoonyhanka fiqigaa iyo Guurtida Dhaqanka Soomaaliyeed oo ah kuwa gacanta ku hayo mujtamaca Soomaaligaa?

8) In dib loogu celiyo qabyo_tirka axdiga barlamaanada DG saw uma muuqato waqti lumis iyo in an hayadihii dastuuriga ee wakiilada shacabka iyo M/G ka ahaa  in an kalsooni lagu qabin?

(Akhri war_murtiyeedka sare ku qoran ee  5.11.2017 M/Goboleeydyadu soo saareen Qod 5aad).

Shaqada u baahan in loo qeexo mudo (jadwal) iyo masuuliyad (responsability) wa tan hoose:

1) Dagaaladii sokeeye waxa ay wax ka bedeleen xaaladiihii degaan ee dadkeena qaarkood (demographics change) saw looma baahno in dib u heshiisiin la dhex_dhigo bulshada Soomaaliyeed si loo hubiyo bulsho is_aaminto lagana dhex_abuuro mujtamac is_ogol, nabad ku wada_nool wadajirna uga qeyb-galo doorashada 2020.

2) Dhammeeystirka axdiga laguna  khatimo in afti dadweynaha loo bandhigo.

3) Amniga dalka oo  si buuxdo loo sugo.

4)Tirakoob dadweyne si loogu saleeyo tirada mudane ee degaan waliba yeelanayo.

5) Sharciga axsaabta & hanaanka doorasho .

6) In xal loo helo wadahadalka Koofur iyo Waqooyi  ka hor aftida Dastuurka.

7) In la dhiso golihii adeega garsoorka iyo maxkamadii dastuuriga((Constitutional court).

8) In la helo deganansho siyaasadeed  si fursad loogu helo in an la carqaladeyn hanaanka iyo hiigsiga doorashada.

9)Awoodaha maamulka heer federaal iyo DG waa in ay lahaadaan dejinta qorshaha guud ee istatejiyada doorashada iyo diyaarinta jawi doorasho lagu qaaban karo.

10)In loo kordhiyo imkaaniyaadka iyo tayada gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka laguna kabo khubaro kala taliso  tayeynta hanaanka iyo daah_furnaanta (transparent) doorashada 2020 si bulshada Soomaaliyeed ugu qanacdo shaqadooda iyo doorkooda dhexdhexaadnimo.

Gebogebo:

Qormadani waxey qeyb ka_tahay talooyinka shacbigu ku biirinayo hayadaha dastuurigaa,DG iyo gudiga doorashooyinka  madaxa_banaan in ay u gutaan si hufnaani ku jirto (accountability) qorshaha doorashada iyo hirgelinta hiigsida lagana taxadaro in an shacbiga loo keenin qiil damboo looga meer_meero qayo_tirka Axdiga iyo in la qabto doorasho
2020.


Cilmi Faarax Nuur Webi
Perth,Australia
Email: [email protected]



 





Click here