4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Maxaa lagu sugayaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland?

Qore: Dr.Abdulahi Jama abib
Thursday, November 23, 2017

 


Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi


 Sida laga warqabo bishan November 13keeddii ayey dadweynaha Soomaaliland, olole xoog leh kadib, u dareereen doorasho madaxweyne oo hal qof -hal cod ah(one man one vote). Mana aheyn markii ugu horeeyey ee doorasho xasilooni ka dhacdo Soomaaliland, Arrintaasna waa yool muhiim ah oo ay ku talaabsatey dowladaas aan aduunka laga aqoonsaneyn, laguna tilmaamo iney tahey... fuctional failed state.. taas oo laga wado iney tahey dowlad ku guuleysatey  sugidda nabadda iyo amnigga dalka, fulina karta howla yar oo saamaxeysa in nooc dowlad ahi jiri karto, laakiin aan awood u laheyn qaadashadda go'aanno saameyn ku leh  horumarka dhaqaalaha dalka iyo kobaca bulshadaba .


Dadaal iyo biseyl siyaasadeed oo bulshadda Soomaaliland la timid waxey u saamaxdey iney ay ka gudubto marxaladdahan adag ee  hoos ku xusan, oo jiritaankeedda burburin karey ama qarka u saarey iney burburto:

-Colaado dhex marey beelaha wadda dega  waqtiggii ay SNM dagaalka dowladdii dhexe ee Siyaad Barre kula jirtey iyo xiliggii oo madaxweyne ahaa AHUN Maxamed Ibraahim Cigaal.

- Geeridda aabahii Soomaliland ahaana markaas madaxweynaha dalka.. Maxamed Ibraahim Cigaal(AHUN).

-Abaaro isku daba jirey oo ku habsadey sanaddo badan dalka.

-Doorashooyin  madaxweyne ama degaan oo laga cabsi qabey iney dib u shidaan colaadihii reereed ee laga soo gudbey..


Soomaaliland ilaa iyo maalintii ay sida gaarka ah ugu dhawaaqdey gooni isku taageedda waxey awoodeedii oo dhan iskugu geysey sidii aqoonsi caalamiya loo heli lahaa, isla markaana waxaa xoog la saarey ka dhaadhicinta dadweynaha soo dhawaanta aqoonsigga.

Muddo 22 sanno kadibna weli aqoonsigaas in gacanta lagu hayo iska daaye, waxey u badan tahey in uu sii fogaanayo.

Ku dheganaanta gooni isku taago waxa ay Soomaaliland dhaafisey ama ay ka lumisey fursaddo waaweyn oo ay hogaan tayo leh ugu noqon laheyd Soomaalidda inta kale, waxa kale oo ay ku talaabsan kartey talaabooyin siyaasadeed oo u saamixi lahaa iney ku qanciso dalalka aduunyadda ee dhaqaalaha leh maalgashigoodda Soomaaliland, taas oo u saamixi laheyd gaadhista horumar dhaqaale oo ka sareeya kan ay hadda gaadhey. waxaa kale oo ay arki weydey ama iska indhasaabtey ku qancinta  hay'addaha qaramadda midoobey ee fadhi ka dhigtey Nayroobi , iney u soo wareegaan Soomaaliland maadaama xasilooni ka jirto.

Haddaba hadeynu ka soo gudubno fursadihii lumey, Soomaaliland iyo hogaankeedda cusubba  waxaa hor yaala marxaddo ama caqabaddo loo baahan yahey in go'aano sugan iyo talaabooyin hufanba lagu dayo.

Talaabadda ugu horeysa ee madaxweynaha cusub laga sugayo in uu ku talaabsaddo waa isku keenidda shacabka ee ololoha doorashooyinka ku saleysan reer-reerku kala fogeeyey, taasna waxaa lagu heli karaa keliya marka madaxweynaha cusub ku dhaqaaqo tilmaamooyin muujinaya in uu noqonayo madaxweyne umaddda oo dhan u dhaxeeya ee aan ku koobneyn ama gacanta ugu jirin xulufaddii soo dooratey keliya.

Kadib marka uu ku guuleysto mideynta shacabkiisa, waxaa laga sugayaa inuu u tafaxeyto siddii uu wax uga qaban lahaa arrimaha kale ee badan iskuguna jira kuwa siyaasadeed, dhaqaaleed,bulshadeed, caafimaad iyo waxbarashaba.

Qoraalkeyganse waxaan isku koobayaa in aan wax yar ka idhaahdo  arrimaha siyaasadeed ee hor yaala  madaxweynaha cusub.

Maadaama sidda aan kor ku soo xusey weli aan gacanta lagu dhigin aqoonsiggii caalamigga ee loo han weynaa, isla markaana hore u socodka dalku hakad ugu jiro aqoonsi la'aantaas, dowladda cusub waxa ay ku qasban tahey in ay la timaado indheergaradnimo looga gudbi karo xaaladaas cakiran ee dhinacna aan u dhicin(statues quo). 


Xukuumadda cusub waa iney geesinimo u yeelataa sidey u soo nooleyn laheyd wadahadaladda hakadka galey ee lagula jirey  Federalka Soomaaliya. Wadahadaladaas oo noqonaya kuwa labadda dhinacba rabaan in ay si niyad wanaagsan xal u helaan, lagana gudbo waddadii hore ee ahayd... i jiid aan ku jiidee...

Dowladda Federalka ee Soomaaliya waa ineysan lumin fursaddan muhiimka ee lagu saxi karayo sadbursigga iyo xaqdaradda ay Soomaaliland tirsaneyso, waxaana taas la heli karaa marka Koonfur la timaado maskax-furni ay ku garowsaneyso in lixdenkii Soomaaliland sidey Soomaaliya ugu listey aanan loogu hambeyn.

Soomaaliland waxaa laga sugayaa iney miiska wadahadalka soo fadhiisato iyadda oo u caluul furan dhinac qudhana ka soo wadda jeeda. Maamulka cusub waa in uu umadda Soomaaliland oo dhan, bari iyo galbeedba, ku qanciyo in Soomaaliland loo Siman yahey, taasna waxey iman kartaa keliya marka muwaadinka Laascaanood, Lowyacadda ama Ceerigaabo deganni  ku qanco ama u arko in uu la xaquuq yahey kan Hargeysaad ama Burcaad.


Soomaaliland haddii ay danaheedda ka talin weydana ha ogaato in go'aano dad kale soo gaadheen, laguna soo gaadhey fadhiyo kale oo aysan qaayib ka aheyn qasab ku liqo doonto.


waxaan ku soo gabagabeynayaa xal cusub iman maayo ilaa inta caqli cusub lala imanayo.


Dr.Abdulahi Jama abib
[email protected]


 





Click here