2/22/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Dal iyo Dastuur dayacan! Xildhibaanow maanta noo hiilliya


by Abukar Warsame
Monday, January 16, 2017

Afeef: Ujeeddada qoraalkan gaaban waxaan ugu talagalay inaan ku iftiimiyo dayac aan is leeyahay si ku talagal ah baa loogu geystey xuduudda dalka iyadoo laga soo galay dhinaca dastuurka qaranka. Waxaan ka afeef dhiganayaa in uusan qoraalkan ujeeddadiisu ahayn ama la xiriirin wax siyaasad ah iyo loollanka doorashada ee ka dhaxeeysa madaxda iyo masuuliyiinta oo aanan cidna ugu hiillinayn ama uga hiillinayn. Maadaama aanan Sharci Yaqaan ahayn wixii aan khalad u fahmay ee dastuurka la xiriira waan ka cudurdaaranayaa.

 

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho oo waddanka hoggaankiisa ay u tartamayaan madax aad u badan. Waxaa soo badanayey guux ah in gacmo shisheeye oo danaynaya khayraadka waddanka siiba badda Soomaaliya ay ku lug leeyihiin doorashada madaxda qaranka. Waxaan shaki ku jirin in qofka madaxweynaha la doorto iyo qofka uu wasiirka kowaad (Ra’iisul wasaare) u doorto iyo golihiisuba ay ku dhaaran doonaan dhaartan ah “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkayga u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla.

 

Haddii dastuurka ay madaxdaasi ku dhaaranayeso uusan hufnayn oo uu horseedi karo in dalka xuduudihiisa si sahlan loogu soo xadgudbi karo  miyeysan habboonayn in marka hore dastuurka la turxaan bixiyo oo loo sameeyo darbi adag oo haba yaraatee wax gol-daloolo ah iyo qodobbo is diidsan aan laga helayn. Akhristow si aad u fahanto doorka dastuurka qaranku uu ku leeyahay  doodda maanta ka taagan dalkeenna xuduudihiisa siiba tan badda waxaad dib u fiirisaa waxa ay dastuurradii qaranka ee laga soo bilaabo 1960 ilaa kan hadda noo qoran ee 2012 ay ka yiraahdeen xuduudda waddanka Soomaaliya iyo cidda wax ka beddeli karta oo ah qodobka aan qoraalkan sida goonida ah ugu eegayo maadaama uu yahay meesha aan is leeyahay waa qodobka wax wayn laga beddelay ilaa iyo 1960 kii.

 

Dastuurkii 1960:  QODOBKA 4aad: DHULKA/XUDUUDA DALKA

1-      Xuduudda Dalka/Qaranka waa muqaddas lagumana xad-gudbi karo.

2-      Xuduudda Qaranka/Dalka waxay ku fidsantahay xuduudda Qaaradda, Jasiiradaha, xuduud badeedka, qayb-dhuleedka, hawada sare iyo gabal Qaaradeedka.

3-      Wixii dib u habayn ama isbeddel ah ee lagu samaynayo xudduudda Dalka/Qaranka waxaa waajib ah in uu jideeyo sharci ay aggolaadeen ansixiyeena shan meelood afar meel (4/5) aqlabiyada xubnaha Baarlamaanka Dalka/Qaranka.

4-      Sharciga ayaa goyn doona qaybaha dhulka iyo sifaha dhulka ee ay Dawladda leedahay iyo kan ururada dadwaynaha ay leeyihiin, sharciga ayaana qeexi doona tilmaanta iyo aqoonsiga sharciga ah ee arrintaasi laxiriirta.

Dastuurkii 1979: Qod 5aad (Dhulka Qaranka)

1-      Dhulka Qaranku waa muqaddas, waana laguma xadgudbaan.

2-      Gobannimada dhulku waxay koobaysaa berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, dhulka iyo badda uurkooda hoose, hawada sare iyo xeebaleyda.

Dastuurkii 2012:  Qodobka 7aad. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

1-      Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.

2-      Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.

3-      Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.

4-      Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Soomaaliya.

5-      Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya:

a)      Waqooyi: Gacanka Cadmeed;

b)      Waqooyi Galbeed: Jabuuti;

c)       Galbeed: Itoobiyia;

d)      Koonfur Galbeed: Kenya;

e)      Bari: Badweynta Hindiya.

 

Saddexda dastuur ee aan kor ku soo xusnnay (1960, 1979, iyo 2012) waxay isaga mid yihiin in xuduudaha dalka ama qaranka ay yihiin laguma xad-gudbaan balse si kala duwan ayay saddexda dastuur u dhigeen doodda iyo khilaafka ka yimaada xuduudaha Soomaaliya iyo qaabka loo xalliinayo ama cidda iney xalliso laga rabo.

 

Dastuurkii 1960 wuxuu  si cad u qeexayaa in sharci ay insixiyaan shan meelood afar meel (4/5 ama boqolkiiba sideetan 80% tirada baarlamaanka) ay wax ka beddeli karto xuduudda dalka ama qaranka. Sida ka muuqata dastuurkii 1979 ka, markii kacaanku uu la wareegey talada dalka ee baarlamaankii meesha ka baxay waxaa isna daaqadda laga tuuray qodobkii qeexayey cidda wax ka beddeli karta xuduudaha. Burburkii ka dib waxaa la diyaariyey dastuurro ku meel gaar oo aasaas u noqday kan hadda lagu dhqamo ee ah Dastuurka la ansixiyey sannadkii 2012 ka.  Dastuurkani dhawr arrimood oo muhiim ah ayuu kaga duwan yahay labadii dastuur ee 1960 iyo 1979. Dastuurka 2012 ka wuxuu si faah-faahsan u qeexayaa xuduudda Soomaaliya isla markaasna la xiriirinayaa xudduuddii dastuurka 1960 lagu astay in kastoo dastuukii 1960 ka uusan wax faah-faahin ah ka bixin cidda aan xad la leennahay iyo jihada aan kala leennahay toona.

 

Qodobka muhiimka ah ee lagu soo daray dastuurka 2012 ee aan is leeyahay muhiimad gaar ah buu leeyahay waa qodobka oranaya Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah”. Qodobkaani wuxuu soo kordhiyey laba arrimood oo tuhun iyo doodba laga keeni karo:

1-      Wuxuu saldhig u ahaa doodda ah in xuduudda Soomaaliya uu ka jiri karo Khilaafaad Soohdimeed kaasoo ka hor imaanaya qodobkii ahaa dhulka Soomaaliyeed waa laguma xadgudbaan.

2-      Markii in khilaafaad soohdimeed uu jiri karo la buuray ayaa waxaa la raaciyey in xalkiina uu ku jiro iskaashi waafaqsan qawaaniinta dalka iyo tan caalamka.  

 

Ahkristow ma garan karo in ay tahay dayac iyo aqoon xumo in qodobbo ka mid ah dastuurkii qaranka uu xaduuddii qaranka ee loogu tala galay inuu difaaco uu dood iyo shaki gelinayo balse in baarlamaankii sharcigaas dhowri lahaa awooddii lala garab maro oo iskaashi iyo qawaaniin caalami ah saldhig looga dhigo khilaafaadkii soohdimaha ee lagu soo kordhiyay waa arrin dabagal u baahan.

 

Waxaan ku soo gunaanadayaa in baarlamaanka cusub ay soo celiyaan qodobka dastuurkii 1960 ee sheegaya in 4/5 ay ansixiyaan wax kasta oo xuduudda dalka wax ka beddelaya. Waxaan weliba dhiirri gelinayaa in qodobkaan la ansixiyo ka hor inta madaxweynaha cusub iyo dawladda uu ra’iisul wasaaraha u soo magacaabi doonnaba aysan fursad u helin iney dayacaan badda soomaaliyeed iyo xuduudaha dalkoo dhan ku talagal iyo ku talagal la’aanba. Xildhibaanow maanta noo hiilliya oo xuduudda dalka difaac uga dhiga dastuurka oo aad naga saxdaan doorashada inta aysan dhicin ka hor.


Dr. Abukar Warsame
Email:
[email protected]



 

Post your comments