4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Waano Guur oo ka socota Walaalkiis Dhale

Bazi Bussuri Sheikh
Monday December 12, 2016
/images/2016/Dec/


Soomaalidu waxay tiraa “Guurku waa seddex, 1/ walaalkii dhale, 2/ Wiilkii dhale 3/ Wadkii dhale”. Aniga wuxuu Ilaahay igu daray qaybta koowaad ee ah walaalkii dhale, waxaan guursaday aniga oo da’ yar 18 jir ah, waxaan awoowe ku noqday da’yarnimo.   Sawirka kore waa ubadkii labaad ee guursaday shalay asagoo 26 jir ah.  Si kastaba ha ahaatee, hadafka maqaalkani waxay tahay in aan ka yara sheekeeyo ama falanqeeyo waxyaabahii aan ka bartay guurka dhib iyo dheefba, taasoo aan filaayo in ay ka faa’deysan doonaan jiilka cusub ee Soomaaliyeed.  Maxaa yeelay, qofka caqliga leh waxaa lugu qeexaa  “qofka ka barta qaladaadka dadka ka horeeyay ay galeen, kana digtoonaada”.  Maadaama, Waqtiga aad qaladaagkaaga aa ka baranaysid uu yahay mid aad u gaaban ee ordaaya.

Hadaan sheekadayda guurka dib ugu soo laabto, markuu aqal galka soo dhowaaday, 3 bil ka hor ayaan bilaabay in aan talo weydiiyo dadka da’da ah ee iga qibradda roon.  Qof aan ka tagay culumo iyo caamo ma jiro haduu Ilaahay kuu roon yahay, laga bilaabo qaraabadayda, jiiraanka, macaamiisha bakhaar jumlo ah aabahayga uu ku lahaa xamar weyne, macaamiishaas oo ka kala imaan jirtay gobolada wadanka meel kasta.  

Talooyinka ay I siiyeenna mid fiican iyo xunba waa isugu jireen, laakiin markaan dib u eego waxaa jiro kuwo in laga digtoonaado mudan, sababna u ah dhibaatooyinka waawey ee maanta haysta mujtamaca soomaaliyeed.  Guurka waa tiirka ugu weyn ee mujtamaca isku haya, haduu alifka guurka halaabo, Al Baqarihii (Horumarka Mujtamaca) ayay kugu dhibtaa.  

Aqristow, bal kaalay aan isla falanqayno Talooyinka xun xun ee guurka ku salaysan ee ay siiyeen dadkaas.  Tan micnaheeda ma aha dhaleeceyn ku jeedda dadkaas, maxaa yeelay ayagaba waxaa dhici kartaa in taladaasi dadkii ka soo horeeyay ay ka heleen oo ayan ahayn talo ay ayaga iska alifteen ama cilmi ay u leeyihiin. Muhimaddu waa in laga digtoonaado keliya fikradaha qaldan ee wax u dhimaya guurka sida:

1.      Cunno fiican cun, aqal galka intaan la gaarin, si aad wacdaro u dhigto habeenkii 1aad. 

Sida wax laygu sheegay waxaan mooday guurka oo dhan in uu yahay u diyaar garow tartanka feerka oo kale.  Mid wuxuu I yiri hilibka geela saliida macsar ha luguugu shiilo maalin walba muddo bill.  Midna wuxuu yiri subax walba Labo ukun malab iyo subag laysku qasay casaba.  Su’aasha aan weydiiyay waxay ahayd hab dhaqameedka ama akhlaaqda guurka, jawaabta aan helay, waxay ahayd “haddaad si fiican habeenka 1aad u xamaalato guurkaaga waa najaxaayaa”.

Runtiina Habeenka ugu horeeya muhimmad gaar ah ayay leedahay waa sax, laakin dadka aqoonta guurka ku xeel dheer, waxay leeyihiin habeenkaasi waa habeenkii dastuurka guriga aad kala qoranaysiin.  Waxaa haboon siduu nebigeena jideeyay in aad adiga iyo xaaskaaga labo rakac isla dukataan, dabadeedna aad duceysataan.  Waxaa haboon qofba qofka kale in uu weydiiyo wuxuu qofka kale ka filanaayo.  Raaxada in lugu degdegaa ma ahan, wax ordaayo ma ahan, ma dhamaanayo, adiga uun baa ku dhamaanaysid, ka dhig habeenkaada 1aad habeenkii dastuurka Danta-Guud.

1.      Xaaskaaga Jacaylka aad u Qabto ha Tusin:

Taladani waa midda ugu khatarta badan oo ay saameyn xun ku yeelatay guryo badan oo Soomaaliyeed, waana muhim in fikradani laga talaalo mujtamaca Soomaaliyeed.   Didka fikradan aaminsan waxay ku leeyihiin, hadaad jeceylkaaga tusto buur ayay isa saaraysaa oo waa kugu kor soconaysaa.  Fahamkaasna waa khalad oo sal iyo raad aan ku lahayn diinteena.  Xaaskaaga in ay ogaato in aad jeceshahay waa muhim, waxay siinaysaa kalsooni u sahlaaya hawlaheeda guriga, nafsiyadda caruurtana horumar weyn ayay u tahay markay arkayaan kalgacaylka labada waalid ka dhaxeeya.  Sida nabigeena uu dhahay “ Luqmadda qofka gacantiisa ku qaado, uu xaaskiisa afka u galinaayo waa sadaqad”.

Dadka ku taqasusa cilmu nafsiga caruurta waxay leeyihiin, hadiyadda ugu weyn uu Waalidka siiyo caruurtiisa waa markay arkaan in aad hooyadooda jeceshahay,  sidoo kalena waa la mid markay xaaska tusto in ay jeceshahay aabahooda.  Markaad fiiriso, imisaa ku dhaqantay, xadiiska kore ee ah in aad gacantaada cuno ku soo qaado oo aad xaaskaaga afka u galiso.  

Dadka tijaabiyay, waxay la yaabeen farxadda iyo rayn raynta caruurta wajigooda ka muuqatay markay arkeen dhacdadaas.  Ubad walba markuu dhasho wuxuu ku dhashaa, taangi shidaalkiisa uu yahay jeceyl, haddii aan ku guuleysan weyno in aan ka buuxino taangigaasi jacayl iyo naxriis, caruurteena waxay noqonayaan seef la bood iyo kuwo laab la kac badan.  Maxaa yeelay taangiga caruurteena waxaa ka maran shidaalkii jeceylka iyo kalgaceylka.

2.      Ninkaaga Ixtiraamka Ha ka Badinin:

Fikradani haween badan oo Soomaaliyeed ayaa aminsan, kuna andacooda in haduu ninkaaga ixtiraam badan kaa arko, waa iska sii daraayaa, shan dile kugu noqonaayaa.  Mashaakilka maanta guryaheena haysta wuxuu isugu soo biyo shubanaa, Ninka soomaaliyeed oo aan jeceylkiisa tusaynin xaaskiisa, iyo haweenkii oo ixtiraamka la rabay aan siinayn ninkooda.  Badanaaba haweenku waxay ku jawaabaan dhaleeceyn, calaacal iyo ixtiraam la’aan. Raggana sidoo kale markay ixtiraam ka waayaan haweenaydooda, qaar waa ismoogeysiinayaan, qaarna muran ayay ku jawaabaan oo dabkii shidnaa ayaa dab kale ku sii darma.  Markay xaaladani jirto, gurigoo dhan ayaa ciriiri noqda sida Soomaalidu tiraa (Ijiid aan ku jiidee waa gacmo daalis). Si looga baxo ciriirigan waa in labada qofood mid ka mid ah hurdada ka koco uu rogo dabeecadiisa.

Waxaa kaloo muhim ah in markay lamaanaha wada hadlayaan uu ahaado mid aan  cambaareyn ku jirin.   Cambaareyntu, qofkii shakhsiyadiisa ayaad toos u weeraraysaa oo waxaad ka cabanaysid ma ka hadlaysid. Marka waxaa haboon in aad dareenkaaga ka hadasho,  lagana digtoonaado ereyada sida “Adiga mar walba sidaan baad sameysaa”, Adiga waligaa IWM. Tusaale, buraanburtan waxaa curisay gabar Soomaali ah oo ninkeeda uga cabatay in uu maalintii canaanto, haddana habeenkii Abaayo macaan ku dhahaayo.  Ayadoo dareenkeeda ka hadlaysa ayay waxay ku tiri “Calool Nugulaa Caruurtayda Aabahood, Intuu i canaantay buu Caasha-Weris i yidhi”.  Ninkeedii markuu maqlay ereyadeeda fahmayna dareenkeeda mar dambe ma canaanan.  Ragow Waxaa haboon in aad farax geliso xaaskaaga hadaad rabtid in ay kuu hagar baxdo “Rag naagaa is dhaafshay”.

Ugu dambeyntii, waxaan ku boorinaynaa qof walboo Soomaali ah, gaar ahaan jiilka cusub in ay bartaan, aqristaan, fahmaan guurka iyo aadaabtiisa inta ay guursan ka hor.  Taasoo sabab u noqon doonto in uu jiilkaas ka soo baxo Hogaamiyayaal iyo mujtamac Soomaaliyeed oo is jecel.  


Qore: Bazi Bussuri Sheikh
[email protected]




 





Click here