4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhexda ka gashay (Cyber War) ogaan la’aan mid ka daran dagaalkii qaboobaa (Cold War)
Ismail D. Osman
Wednesday, December 09, 2015

Sanadkii 1970 ayey ahayd markii ugu horreysay oo uu hirgalo howlgalkii Ivy Bells kaasoo ahaa howlgalkii ugu horreeya taariikhda ee xogaha laga xado badda hoosteeda. Howgalkan ayaa hirgalay markii siligga copperka kululeeyay tamarta electromagnetic loo yaqaan, kaasoo loo isticmaalay xaddi yar qalab duuba xogta maqalka ah ee dhex marayay  silliga ama (fiber cable) ku wareegsan dalkii loo yiqiin Midowga Soofyeeti.

Midowga Soofyeeti ayaa kalsooni badan isa siiyay in fiilooyinka iyo xogaha maraba aay yihiin kuwo aamin ah. Xogahaas oo looga tagay qaab unencrypted ah.  Taasoo u suurto gelisay sirdoonka mareynkanka in aay dhageystaan isla markaana duubtaan xogahaas.

Haddaba sanadihii ugu danbeeyay 2008 ilaa hadda waxaa ka jira xeebaha Soomaaliya oo ah meelaha ugu badan oo aay maraan xogaha internetka adduunka ayaa waxaa ka socda waxa loogu magac daray (Fiber Tapping War) kaa soo u dhexeeya waddamada reer galbeedka, Ruushka, Iiraan iyo Shiinaha.

Cabsida ugu weyn oo aay qabaan reer galbeedka gaar ahaan Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa la xiriirta xogo sir ah oo uu bixiyay Edward Snowden, kuwaasoo uu ku soo bandhigay sanadkii 2012 sida aay sirdoonka Ingiriiska iyo Mareykanka aay u jabsadeen (Fiber Tapping) in ka badan 200 Fiber Cable kuwaasoo aay ku basaasayeen dhammaan dalalka Yurub, Aasiya, iyo Ameerica. Waxaa arrintan qirtay ha’ayadda sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaan GCHQ, kuwaasoo sheegay in aay la baxayeen xogaha mara baraha internetka ee dalka Ingiriiska iyo dalal kale oo badan.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku eedeeyay reer galbeedka “Basaasnimo Sharci darro ah” sanadkii 2009 iyo 2010.

Waddamada reer galbeedka oo ah kuwo ugu badan ee bixiya lacagaha aay ku howl galaan qaramada midoobay ama kuwa midowga Africa ee lagu bixiyo magaca Soomaaliya ayaa waxaa aay joogaan maraakiibtooda dagaalka oo kor u dhaafay 15, kuwaasoo lagu sharciyeeyay hindisa ka soo baxay qaramada midoobay. UN Resolution 2184 (2014). Maraakiibtan dagaalka ayaa ku jooga biyaha Soomaaliya la dagaalanka burcad badeeda, balse u run ahaantii qabta shaqo ka weyn ka hortagga burcad badeedda. Maraakiibtan ayaa ilaalo ka ah xogaha internetka ee mara biyaha Soomaaliya kuwaasoo isku xira isgaarsiinta waddamada Galbeedka iyo Kuwa Bariga ee adduunka.

Ujeedka ugu weyn oo aay maraakiibtan dagaalka u joogaan badda cas ee Soomaaliya ayaa ah in aay Ruushka iyo Shiinaha ka ilaaliyaan fiber tap, ama ina aay jabsadaan xogaha internetka ama aayba carqaladeeyaan isgaarsiinta internetka taasoo dhalin doonta in uu gebi ahaanbo dhaqaalaha adduunka ee reer galbeedku uu dhulka galo.

Dagaalkan ayaa waxaa hadda ku soo biiray Shiinaha oo saldhig milarary laga siiyay Jabuuti. Shiinaha ayaa sidoo kale waxaa uu heshiis aan la shaacin la galay dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo ah in loo ogolaado in Shiinuhu uu keensado Seddex Markab oo ah kuwa dagaalka biyaha badda cas ee Soomaaliya bartamaha bisha Janaayo ee sanadka 2016. Heshiiskan loogu ogolaaday Shiinaha in maraakiib dagaal keeno biyaha Soomaaliya ayaa waxaa uu circa ku sii dhejin doonaa xiriirka sii xumaanay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Waddamada reer galbeedka gaar ahaan midka Mareykanka.

Lama hubo haddii aay sharciyan ku joogi doonaan maraakiibtaas dagaalka ee Shiinaha biyaha Soomaaliya, maadaama aay in ka badan 15 markab oo ah kuwa dagaalka ee NATO aay hadda ku joogaan biyaha Soomaaliya Hindise Sharciyeed ka soo baxay qaramada midoobay.

Dalka Shiinaha ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu ka caawiyo dowladda Federaalka Soomaaliya dib u soo celinta iyo dhismaha Isgaarsiinta dalka (Telecommunication Infrastructure), Kaasoo dowladda Federaalka u siin doono fursad aay kula soo wareegto furaha dalka (252 – Country Gateway). Mashruucan ayaa lagu wadaa in uu bilowdo bartamaha bisha January 2016.


Ismail D. Osman
[email protected]



 





Click here