4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Xildhibaan Yuusuf Xasan: Shaqsi Sannadka 2012 ee HOL



Thursday, January 10, 2013

Ka sokow khayraadka Ilaaheey ugu deeqay gobolka Geeska Afrika, ayna ka mid yihiin guruxda dhulka, xoolaha kala duwan, xeebaha iyo dhaqanka xambaarsan martigalinta iyo is-xushmeynta, ayaa haddana waxaa gobolka ka jira xanuun dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay sababeen hooseynta tayada hay’adaha dowliga ah, musuq-maasuq , dagaal sokeeye, abaar , macaluul iyo xag-jirnimo.

Waxaad moodaa hadda in ay jirto bidhaan rajo iyo in ay soo baxayaan hogaamiyiyaal naftooda u hibeeyey horumarinta gobolka. Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta fara-kutiriska ah ee la soo baxay karti iyo hufnaan huwan nafti hurnimo. Xil. Yuusuf Xasan waxaa loo doortay sannad iyo xoogaa ka hor in uu baarlamaanka u matalo deegaanka Kamukunji ee Nairobi. Waxaa deegaankaas ka tirsan xaafadda Islii (Eastleigh) oo ah xaruun ganacsi oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo asal ahaan ka soo jeeda dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Xaafaddaas Islii (Eastleigh) dhaqaalaha iyo barwaaqada ay dalka u abuurtay looma tixgalin marka laga eego adeegyada bulshada sida jidadka, caafimaadka , nadaafadda iyo nabadgalyada.

Markii uu Xil. Yuusuf Xasan noqday xildhibaanka deegaankaas, wuxuu durba u guntaday sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka bulshada iyo soo celinta kalsoonidii bulshada Islii ku dhaqan, kuwaas oo lagu sifeeyey in ay yihiin argagixiso, burcadbadeed iyo dad bilaa sharci ah.

Intaas waxaa kale oo sii raaca sidii uu Yuusuf Xasan u wajahay duruufihii adkaa ee la soo gudboonaaday dalka Kenya gudaha iyo dibaddaba sida galitaankii ciidamada Kenya ee gobollo ka mid ah Soomaaliya iyo dagaalka Al-shabaab taasoo ku abuurtay gobolka cabsi iyo xasilooni-darro.

Mudane Yusuf wuxuu si aad ah uga soo horjeeystay in deegaanka Islii oo dhan laga dhigo dad taageersan kooxda al-Shabaab.

Bishii December 7-deedii ee sannadkii aan soo dhaafnay, mudane Yusuf Xasan isaga oo ku howlan mideynta, walaaleynta iyo isku-xirka bulshaweynta Kenya, ayaa koox dhagar-qabayaal ahi u geysteen dhawaac la doonayey in lagu khaarijiyo, dhawaacaas oo wali looga daweynayo dalka Koofur Afrika.

Waxaa kale oo xusid mudan in Yuusuf Xasan yaraantiis ka mid ahaa dhallinyaradii ka soo horjeesatay nimdaamkii midab kala sooca ahaa ee ka jiray dalka Koofur Afrika, isaga oo halgankaas kala qayb-qaatay halgamayaashii ay ka mid ahaayeen Mandela iyo Mbeki. Wuxuu weli Yusuf Xasan ka wadaa halkgankiisii xuriyadda hadalka, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka Kenya iyo guud ahaanba Geeska Afirka.


Xildhibaan Yuusuf Xasan iyo Halgamaagii weynaa ee Koonfur Afrika Nelson Mandela


Mudane Yusuf wuxuu kaalin wax ku ool ah ka qaatay abaartii Soomaaliya ku dhufatay sannadkii 2011-kii,  isaga oo markaas u shaqeynayey Qaramada Midoobay. Xil. Yuusuf oo mehiraddiisii hore ay ahayd suxufi, waxaa ha’adihii iyo saxaafadda qaarkeedba u qireen in uu yahay siyaasi iyo halyeey u taagan dhowridda xuquuqda aadanaha iyo ka-hortagga isla-weynida , caburinta iyo cadaadiska.

Mudane Yusuf waxaa wehelkiisa kowaad u ah, suxufi kale oo lagu agacao Susannah Price oo ah xaaskiisa iyo shan caruur ah oo Eebe ugu deeqay.

Arimaha kor ku xusun oo qaar kale oo badan dartood ayaa Gollaha Tafatirayaasha Hiiraan Online waxay si wada jir ah ugu doorteen Xildhibaan Yuusuf Xasan in uu noqdo shaqsiga sanadka 2012 ee Hiiraan Online. Sidoo kale Hiiraan Online waxay xildhibaanka u rajaynaysaa in Ilaahay caafiyo isla markaasna mar kale ku guuleysto kursiga  xildhibaanimada ee deegaanka Kamukunji.


 



 





Click here