4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
CABBIR (Gabay)

Qalinkii: Cabdikhayr Sheikh Xassan Sh. Soofe

Shaqsiyaadkii Soomaaliyeed ee masuulka ka ahaa burburkii qaranamidii Soomaaliyeed iyo xadgudubyadii xaquuqul insaanka ka dhanka ahaa ee ka dhacay Soomaaliya, markii lagula loollamay hab-dhaqankooda dugaagnimada ahi waxay casuumeen cadawgii taarikhiga ahaa ee ummadda Soomaliyeed ee marwalba u haliilayey qabsashada waddanka Soomaaliya. Waa qayb kamid ah ammuuraha uu ka hadlayo gabayga soo socda ee la magac baxay Cabbir ee soo baxay Maarso 11, 2007. Gabayga waxaa tiriyey Cabdikhayr Sheikh Xassan Sh. Soofe waxaa lagu soo bandhigay Shirkii bulshada Soomaaliyeed ee waqooyiga America ee lagu qabtay Columbus, Ohio Maarso 10-11, 2007. 

Shirkaasoo ay soo abaabuleen aqoonhanno Soomaaliyeed waxaa uu ku saabsanaa sidii midnimo Soomaaliyeed loo heli lahaa iyadoo loo marayo wada xaajood iyo dedaal aan rabshado wadan. Soofe wuxuu ku halqabsanayaa Eng. Maxamed Cali Cibaar oo ah aqoonyahan iyo abwaan Soomaaliyeed oo deggan waddanka Holland marwalbana ka hadlo wado jir, madaxbannaani, nabad iyo midnimo Soomaaliyeed, si gaar ahna saaxiib u yihiin Soofe. Faahfaahin dheeraad ah gabayga isaga ayaa iska bixinaya.

Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye

Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine

Calankeenna daafaca adaa cod ula taagnaaye

Caawimaadda ehelkuna aday kugu cuslaanayne

Curiskaaga yaa laga gartaa caaqilkaad tahaye

Cimrigiisu raagyow runtaan kuu cabbirayaye

Cabashadeyda saakana bal  maqal Caalimkaa weyne

 

Casiiskii na uumiyo markaan diinta ku ciyaarnay

Ku ceebownay ciiddaan lahayn caalamkoo idile

Carruurtiina nala yaabtay iyo caaqa liitaaye

Caadiyo waxaan dhaqan laheyn camal karaameysan

Cayayaan waxay nagu tirshaan aan cindi lahayne

Ciilkaan la seexdaan walaal kuu cabbirayaaye

Cabashadeyda saakana bal maqal Caadilkaa weyne

 

Cafiskiyo qoomkii nabadda naca oo is ceyrteeya

Oo ceesh qabyaaladi u tahay cudurna maalaaya

Markey kala caroodaan dadoo cidiba meel aaddo

Cadowgii nimuu ciidanshaan caymo filaneyne

Qalbicamo markii loo xuliyo kuwo ciyaal suuqa

Oo caalimiintii la naco jaahilna caweeyo

Caku kama dhamaatiyo inuu galo calolyowe

Annagana canaasiir ayaa noo cimaamadane

Calaf waxay u haystaan wixii gala calooshoode

Cosobkii dhulkeeniyo dalkii siiste caanteyne

Cawaannimo halkey gaartay baan la cajabaayaayoo

Ciilkaan la sexdaan walaal kuu cabbirayaaye

Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne.

 

Ciil looma go’ Maxamedow ceeb adduunyada’e

Soomaali caawa sidey tihiyo caatadaa muuqan

Nimankii  colaad waarta iyo iyo cudurka beeraayay

Nimankii cududdii aan lahayn cadcad u googooyay

Raggii ceynwareejiyay talada samana ciideeyay

Culimaa’uddiinkiyo kuwii caaqillada iibshay

Colaadaha kuwii huriyayee gooyay ciribteenna

Caadaqaatayaashiyo kuwii cunayay jiirkeenna

Nimankii cidihii soomanaa casar duqeynaayay

Nimankii carqaladeynta iyo dhibka ku ceeshaayay

Cilladihii dhexdeenniyo kuwii keenay caalwaagu

Haddey maanta casumeen Tigree waan cajabayaaye

Ciilkaan la sexdaan walaal kuu cabirayaaye

Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne.

 

Itoobiya col baan abid aheyn taniyo coorcoore

Ceyriinka nimankii baroo ceyrsadaan nahaye

Maantana haddaan cudud la siin caalamna u hiillin

Cashar kale inaan siin lahayn waa wax caadiyahe

Marka ciidan is horjoogsadee taangi la cabbaysto

iga celiya wow caado oo kama cabsoodaane

Cadow soo gurmanayaa hadduu cirka ka soo duulay

Oo uu carshaantii gubiyo xoolo cows daaqa

Carradeenna uu xoog ku yimid lana cambaareynin

Haddii dulmigii loo ciidanshoo xaqii la ciideeyay

Caaq bey la tahay guul iney cadowgu gaareene

Waa cowradii dunida oy calal ka feydeene

Ciilkaan la sexdaan walaal kuu cabirayaaye

Cabashadeyda saakana bal maqal Caalimkaa weyne.

 

Nin caqligii calool uu ka galay waa caddilanyahaye

Cawaantaa la soo waalayee calawasaadeysa

Caaqibadey la kulmayaan ciribxumaanteeda

Caalim kii ahaa wari ninyahow caamo yeelkeede

Musafeni  cantuuguu rabaa cunaha naafeyne

Caddaaladda hadduu jecelyahoo cahdi uu dhowraayo

Cagafcagaf ma mariyeen  dhallaan waayay caanihiye

Coomaadi kuma soo kacsheen wiilal caaridaye

Cirroolihii ma wada layn lahayn cunugyow jog yiriye

Intii dumar curyaan noqotayoo hooyo la ciqaabay

Cisbitaal intuu gubay ayaan cidina moogeyne

Caydhteeyay shacabkiisiyoo cunto ma haystaane

Caynkii Koongo hadduu naga rabiyo inaan casnhuur dhiibno

Oo uu dhulkaa wada camiran qeyb  calaameytay

Ceego wow danbeyn idam-Ilaah iney cabaadaane

Anoon cagajugleyneyn runtaan sii cabbirayaaye

Cabiidnimo ninkii nala rabow taladii kaa ciirtay


Cabdikhayr Sheikh Xassan Sh. Soofe
E-mail: [email protected]



 





Click here