advertisements

Marxaladda Maanta Taagan (Gabay)

by Cali Maxamuud Xiirane

Gabaygaan la yiraa gar wuxuu soo baxay 21/01/07, waxaana tiriyey Cali Maxamuud Xiirane oo jooga UK, London. Tixdu waxay taabaneysaa mucjisada taagan iyo waxa u sababta ah. Waxaa wax lala yaabo ah in diyaarado Ethiopian ay ka duulaan garoon ka mid ah kuwii canshuurta shacabka lagu dhisay ayna duqeeyaan mid kale oo haddana lagu tilmaamo ciidanka qaranka Soomaaliyeed, raggii difaacayey oo u badan culumadii Soomaaliyeedna lagu tilmaamo argagixiso.

Waxa aan madaxda moodno iyo waxa aan milliteriga moodnaa illeen waa waxbayahay, waxa meesha na dhigayna waa iyaga iyo is qabqabsigoodii, markay arkeen waxay isku haysteen inay meesha ka bixi rabaanna waa noo heshiiyeen waana na beec geeyeen, awalna waxay ku heshiin la’aayeen garabka Muqdisho iyo kan Baydhabo waa dagaal oogayaashee qoladooda wadaaddada beecgeysaneysa. Madax iyo ciidan kuwa saas u dhaqmaya nagama raacine wixii dhiig lahoow kaca.

Gabaygiina waa kan:

Midigtiyo gurtaydii haddii loo garnaqi waayey
Oo gogoshii xaajadee la galay midiba gees aadday
Is garabsigoodii ay gabeen ee la kala geeyey
Inuu cadow ku gawraco markaas soo gartiis maahan

Hadduu daabku geedku ka yimid godin ku goynaayo
Isagoo is gaabiyey hadduu libin ku geeraaro
Uu garanin geedaha li’daye laga gamsiinaayo
Inuu geyigu gabaahiir noqdaa soo gartiis maahan

Gocosh odaya gabannuu korshaye guunyo ku idleeyey
Gardaadkiyo hadduu jeegadiyo ganacu weynaado
Gacaltooyo meeshuu ka rabay haddaan cidi gar-gaareynin
Ka gablamay inuu ku guryamaa soo gartiis maahan

Gabar uu jeclaan jirey ninkii guri u soo hooyey
Oo geel ka dhiibiyo gammaan iyo giiryarow ariba
Garraarkeeda kii furay hadduu galab ku soo gaaro
Gaalleef inuu ula baxaa soo gartiis maahan

Garmadow hadduu ruux yahaye Garabku weynaado
Uu guriga ruuxaan gudneyn gabar u geeynaayo
Ma gayee ka daayooy haddii laga gafuur-tuuray
Gunnimada inuu qaayibaa soo gartiis maahan

Cadow gabannaadaadii dilaye guriga soo aaday
Ninkii wada gantaallee yiraa geesiyada diida
Gar islaamna geli weydayoo aanba garaneynin
Galoofyahow inaad ugu wacdaa soo gartaa maahan

Qofkii guluf i weerara yiraa garabna soo siiya
Oo gala dhulkeygoo weliba gaarka iga haaya
Oo gumuciyo rasaastii u guray meelna ugu geeyey
Godkiisaba inuu sii qotaa soo gartiis maahan

Garab iyo walaaloow raggii lagu garaaddeeyey
Oo gacalki guul-guuli jiray amase geeshkiisa
Haddii xeelad gaariyo difaac aaney garaneynin
Guulwadoow iney wada dhahaan soo gartood maahan

Is gumaada mooyee dadaan garasho dheer haynin
Go’aan baa u gaarehe hadduu cadow ku soo guuray
Oon gadaal u laabiyo gor-goro laga garaabeynin
Anaa soo gashaday iney dhahaan soo gartood maahan

Habrahay u gooddini jireen baa garowsadaye
Garbahey guduudan na hooy soo garan maysid
Xaajadu ka soo gudubtayoo gaasas baa yimide
Garaysyada iney wada xirtaan soo gartood maahan

Gobonimo midkeennii rabiyo kii gunnimo doortay
Midka gobol ku faaniyo Tigree kii golaha geenay
Geyigeenna Soomaali waan kala gurmaynaaye
In wadaad guntiga dhuuqsadaa soo gartiis maahan

Ku gal-galo un mooyee dadaan nabadba gaareynin
Oo cadowgu gacalkooda yahaye ehel gumaadaaya
Inay guul ku faanaan maray talo gawaan raacday
Innagaan gardaadinin xaqee soo gartood maahan

Ninka guuxa gaariga Tigree guul ka filanaaya
Ama godob sokeeyoo la galo geni ku doonaaya
Waxba yuu is giijinin rag baan gaabineyn orode
Gunuunace inuu gaabsadaa soo gartiis maahan

Gurmad iyo dadaal badan ninkii orodka geeyfnaada
Iyo Giiryaale fulaygii ordee goojo la abraara
Iyo Geesigii waddaniyahaa liiska noo geliye
Gardarrada inaan garab la siin soo garteen maahan

Gondahaaga way iman haddaad belo un goobtaaye
Tigreegaad u googol xaarateen waydin soo galaye
Ku gar-gaari maayee adaa goob xun joogsadaye
Geerida inaad qaayibtaan soo gartiin maahan

Is giriifka waataad wax badan gebidhacleyseene
Ka gil-gilo gammuun jiirka galay kaaga go’i waaye
Shacabkaad inaad gabawartaan talo ku goyseene
Inaan wada gadoodnaa haddeer soo garteen maahan



Cali Maxamuud Xiirane
[email protected]