advertisements

Dagaal Xooga oo ka bilaawday magaalada Muqdishu

Muqdishu, April 17 (HOL) - Dagaal xooga ayaan caawa 8:30 Habeenimo ka bilaawday magalada Muqdiahu. Dagaalakaas oo leyku adeegsanayo hub culus ayaa waxaa ay wararku sheegayaa in hadda si xoogan uga socodo agaaraka isgoyka Siinaay. Dagaalkaas oo hadda ku sii fidayo goobihii ay isku hor fadhiyeen Ciidamada Itoobiya iyo xoogag ka soo horjeeda.

Wariye Macalimuu oo waramiyey idaacadda BBCda ayaa ku tilmaayay in uu dagaalka aad iyo aad u xooganaa. Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha uu geystay dagaalkan ka biloowday magaalada Muqdishu.

Dagaal culus oo 8:30 habeenimo ka bilaawday magaalada Muqdishu - - Wariye Macalimo BBC

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idiin ku soo sheegi doonaa.

Hiiraan Online