Arbaco, November 01, 2006(HOL) - Warar deg-deg ah oo hadda naga soo gaaray magaalada Khartuum ayaa sheegayaa in uu burburay Shirkii ay Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka ku yeelan lahaayeen magaalada Khartuum. Sababta burburka shirka ayaa loo aaneynayaa Maxkamadaha oo ku adkeystay y in Shir guddoonka shirka laga saaro Dowladda
Wararku waxay intaas ku darayaan in wafdiga Maxaakiimta la filayo in berito ay dib ugu soo noqondoonaan magaalada Moqdishu halka wafdiga Dowladda Federalka ay ku soo jeedaan magaalada Baydhabo.
Beesha caalamka ayaa si weyn uga walwalsan in dagaal cusub oo ka bilaado Soomaaliya mar haddii lagu guuldareystay Shirkii waayahaanba rajada laga qabay in uu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Midowga Maxaakiimta iyo Dowladda Federalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia